ALAHAYOOW RAG YAW KALA WARAMA WAX ISMA YEELEEN’E!! BAL EEG CIRRO.

ALAHAYOOW RAG YAW KALA WARAMA WAX ISMA YEELEEN’E!! BAL EEG CIRRO.

ALAHAYOOW RAG YAW KALA WARAMA WAX ISMA YEELEEN’E!! Bal eeg Cirro.

Waxa la yaab leh oo aadmigu isweydiinayaa Miyuu waalanyahay oo waxbaa u dhiman wasiirka arimaha gudaha Cabdilahi Cirro mise wuu isyeelyeelayaa, mise waaba ka dhab oo waa ka kas yari doqoniimo hadalada hanjabaada, cago juglaynta, iyo afxumada ka soo hadhay? Waxa muhiim ah kolka nin weyn uu xil u hayo mucaarad iyo muxaafidba inuu afkiisa ka dhawro oo ilaaliyo sharafta iyo karaamada xilku leeyahay. Waxa muhiim ah in wasiir kastaa ogaado in uu xilka u hayo shacabka oo mucaarad iyo muxaafidba uu xilka u hayo. Hadaba waxa ayaan daro iyo nasiib xumo ah in cabdilaahi Cirro u arko in uu xilka u hayo Daahir Riyaale kaahin Isla markaana uunoqdo mouth piece ama mid sidii aygii qabo la odhan jiray loo adeegsado oo aan isagu eegin cidda lagu dirayo iyo halka loo adeegsano khatarteeda. Waxa iyaduna la yaab ah oo mucjiso iyo amakaag ah in wasiirku aanu warba ka hayn ragga loo adeegsanayo iyo waxyaalaha loo adeegsano iyo taariikhdii ay Somaliland ka soo martay hanjabaad xadhig iyo dill bilaa sharci ah.

Waxay ahayd aqalka madaxtooyada dhexdeeda oo ilaalo dhinac walba ah ilaaliso kolkii lagu toogtay wasiir kii madaxtooyada ee af xumada iyo aflagaadada kula kacay inamadii yaryaraa ee SNM ka midka ahaanjirey. Kolkii wasiirku yidhi anagaa kaadidaada ku cabsiinay iyo waxyaalo la mida. Wiig kama dambayn kolkii habeenimo isaga oo qayilaad u fadhiya inan yari intuu daaha sidaa iskaga laabay ku tiriyey afar xabadood. Hadaba Cabdilaahi Cirro kolka isaga oo faqash ahaa oo eedo fara badan loo tirinayo uu hadana wax aan ka qaban kula kacayo dhalinyaro iyo duqay, siyaasiyiin runtii halgan adag u soo martay dalkan. Ma waxaad hilmaantay in xadhig iyo dil cago juglayn iyo hanjabaad in ragani rasaas nafta u soo huray? Kolkol baan idhaa malaha odaygu wuu riyoonayaa oo wuxuu ku riyoonayaa isaga oo wali u shaqaynaya jeelkii godka ee uu dadka ku ciqaabi jiray ee uu Afweyne u hayey 21 ka sanadood. Waxa kale ee layaableh sida uu wali ugu shaqaynayo basaasnimadii ee uu ugu hanjabayo nin walba leeyahay waxaan hayaa sirtaadii iyo record ama taariikh.

Hadii ay ciddi taariikh xumo leedahay Cabdilaahi Cirro waa ninkii raga xiniinyaha ka tumi jiray ee qaabilsanaa ciqaabta jidh dilka jeelkii godka. Waxaan odhan lahaa wasiir Cirro adeer naftaada u tudho oo adigu dambi qoorta haysu galin inta aad nin kale kabaha u qaadayso. Ta kale ragga aan u hanjabaysa ma gayaan hanjabaad iyo cago juglayn, halka aynu joognaa waa hargeysa, naf iyo maal ayaanu u soo hurray ee adeer cago dhigo oo yaan hadal ciyaar kaaga dhicin. Waxa hore loo yidhi dameertu geela ha didisee khuruf khuruftay kaga dartay. Bal isagii dambiilaha ahaa ee aan meelna u soo marin qarannimada Somaliland ayaa hadana ragii u soo halgamay u sii hanjabaya. Wuxu miyaanu cid qabsatana lahayn. Waxaan kula talinayaa beesha uu ka dhashay ee maax gadiid inay ninkaa qabsadaan hadii kale, waxba naguma aha inaanu sidii axmed aaden ama wsiirkii madaxtooyada iyo rag kale oo badan inaanu sidoodii ka yeelo. Shirqoolkana waan naqaan, dagaalkana waanu naqaan, nabadana waanu naqaan.

Dr: Axmed Hirrad Carre

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: