MUXUU GALABSADAY DR GABOOSE OO AAN AHAYN HAYBTIISA

MUXUU GALABSADAY DR GABOOSE OO AAN AHAYN HAYBTIISA
Muxuu Galabsaday Dr Gaboose oo aan ahayn Haybtiisa:

Muranka siyaasadeed ee hadheeyey Somaliland wuxuu soo ibo furay soona butaaciyey Naxli laga bogsaday oo Dawlada wakhtigeedii dhamaaday iyo xisbi xaakimkeedu Udub, ka soo burqaday kaasi oo ah in la xoqo boogihii dagaaladii sokeeyey ee bulshooyinka dalka wada dega soo dhexmaray waxa la adeegsanayaa ‘madaxdhaqameedyo iyo odayaal la anfacsiiyey’ iyo Wasiiradabadaba. Falaadhaha boogahani waxay daaran yihiin in la isku dhufto Beelaha Garxajis iyo Habar-Jeclo, waxana maamulka wakhtigiisii dhamaaday miciin biday isna tusay in dhamaan beesha Garxajis taageere u yahay halka beesha kale dhamaan mucaarid lagu tiriyey taasi awgeed waa in duqay wasiirabo iyo udub-ba loo laba dublaystaa si boogtaasi bogsatay loo danqo u fiirso wuxuu yidhi Suladaan Maxamed Cabdi-qaadir ‘ waxa isugu kaayo tegay(Garxajis ahaan) 11 beelood sidaasi awgeed beeshii diida xunkun garqooska Riyaale waa ka aar sanaynaa’, waxa isna ku raacay Odayga ruug caadaga ku ah muxaafadda waa X.Cabdi Waraabe oo si toos ah u taageeray arintaasi fool xumada leh. Xoghaya guud ee Udub Mr Jug soo dhacay ayaa dhawaan eedihii dagaalkii sokeeye ku eedeeyey Alle ha u naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal,kaasi oo markuu arkay inuu qoriga si qaloocan u riday dafiray erayadii uu yidhi.

Dhanka kale Mar ay dhawaan booqdeen madaxda xisbiga kulmiye iyo dhigooda urur siyaasadeedka Qaran, taliyeyaasha ciidamada ,kadib waxa warbaahinta la hadlay Wasiirku xigeenkii wasaarada Gaashaandhiga Mr Filanwaa oo amray in Dr Gaboose la soo taago maxkamad, xeer ilaaliyaha guud ee ciidamadana faray in loo sameeyo dacwad? Hadaba waa yaabe Maxaa Dr Gaboose keligii looga faquuqay madaxdii Booqatay saraakiisha ciidamada? Jawaabta su’aashaasi ka hor waxa xusid mudan in Wasiirka arimaha Gudaha Mr cirro uu Dr Gaboose gaar ula baxay maruu 14/4/09 shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ,shirkaasi jaraaid oo uu wasiirku si idho la’aan ah u jebiyey qodobo dustuuri ah oo muwaadin kasta u ogolaanaya inuu ka gayb galo ama abaabulo isu soo bax uu dareenkiis/kood ku muujinayaan, Mar kale akhristow miyaanay iswaydiin lahayn maxaa ka faquuqay Dr gaboose madaxdii ka hadashay isu soo baxii lagu qabtay 13/4/09 xarunta Kulmiye ee Hargeysa. Jawaabta su’aalahaasi waxa weeye isirkiisa ama Haybtiisa, oo Maamulka wakhtigiisu dhamaaday tirsanayeen inay dhamaantood tageerayaal u yihiin ayaa Dr Gaboose lagu eryanayaa. Waxase yaab ah waxay ay Dr ka ula hadli waayeen Baarqabyada Golaha wasiirada ee ay Dr Gaboose taageereyaasha beesha kala jiidanayaa taasi oo hada u muuqda inuu dhakhtarku ka hantiyey taageeroyaal badan, tanina muujinayso firir firgtii dawlada rabtona in Dr Gaboose markale lagu celiyo jeelkii madheera ee uu xaq darada ugu xidhnaa muddo badan.

Gebo gebadii waxaan aad ula yaabay wariyeyaashii ka socday warbaahinta madaxa banana ee aan Mr cirro waydiinin Suaalihii Munaasabka ku ahaa sidan:

1-Jaalle wasiir waxaad ka warantaa xagii ay ku danbeeyeen gantaalihii aad ku eedaysay reer dhuusamareebeed?

2-Jaalle wasiir xagee ayuu marayaa baadhitaankii aad sheegatay in lagu hayo dadkii loo qabqabtay qaraxyadii ma madaxda dawlada ayay soo gashay ilayn waydinkan ka aamusay?

3-Jaalle wasiir shaanigii aad ku qarxiseen meelaha kala duwan sida Guurtida, xafiiska CID, guriga Buuni xagee ayey ku danbeeyey?

4-Jaalle wasiir Gaboose markii uu Abtigii oo uu wasiir u ahaa damiirkiisu siiyey inuu ka goosto adigu xagee baad ku sugnayd?

5-Jaalle wasiir Dustuurka qaran oo qodob ka mid ahi dhigay sidan:

QODOBKA 32AAD

XORRIYADDA BANNAANBAXA,

RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE

1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.

3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.

Ma is leedahay warsaxaafadeedkaagan waad ku jebisay?

Mohamed Ali

LONDON

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: