KOMSIHANKA LAMA AAMINI KARO WAXA LAGA MAAMULAA MADAXTOOYADA DHEXDHEXAADNA MA NOQON KARAAN

KOMSIHANKA LAMA AAMINI KARO WAXA LAGA MAAMULAA MADAXTOOYADA DHEXDHEXAADNA MA NOQON KARAAN
Koomishanka lama aamini karo waxaa laga maamulo madaxtooyada dhex dhexaadna ma Noqonkaraan‏
Marka hore salaan Shabakada somaliland Sida aaynu wada ognahay Wali dalka waxaa ka taagan Khilaafkii siyasadeed ee udhaxeyaay Xisbiyada Mucaaridka, Iyo Xukuumada waxaana muranku ka taagan yahaay Wakhtiga dorashada oo aay golaha Guurtida somaliland Sifo sharci daro ah ugu kordhiyeen, Xukumada Wakhtigeedi dhamaaday, Iyada oo aan Wax Tix galin ah la siin Gudida Koomishanka oo aad Moodo Inaanaay Dhex dhexaad Noqon karin, Tartanka Dorashada waayo, waxaa Inoo Muuqata 91 maalmood ee aay ku dhawaqeen inaay dorashadu dib udhacdaay, aay gacantooda ku saxeexeen Xisbiga Ucid saxeexaay Xukuumada Talada haysa laftoodu saxeexdaay ayaa La afduubaay 6bilood oo aan meeshaba ku jirin ayaa loo kordhiyaay, Taasina waxaay ina tusaysaa In koomishanka lagu maamuulo Remote control, Macanahayga Inaay fuliyaan Go,aanka ka soo baxa madaxtooyda, oo anaay Tixgelinba sinaayn xisbiyada Mucaardika, ah Waxaa la yaab ah Xageebaa aduunka lagu Arkaay Gudi Koomishan oo dhex dhexaad ah oo kolba Go,aan Xukumadeed saxeexayaa, taasi waxaay cadeynaaysaa In lagu tuntaay Dastuurki Dalka, Xitaa hadii aay Koomishanku sii jogaan Wakhtigan Xisbiyada Mucaaridkuna aay sidaas Ku ogoladaan, Mardhaawna Musuq maasuq iyo kushubasho ayaa Ku xigta, waayo Malahaa Awood aay ku meel mariyaan Go,aanka laysku wafaaqaay,Hadana waxaay saxeexeen Go,aankii Guurtida iyada oo aanaay ool sabaab, waxaay yidhaahdeen, 27 septemper ayaan ku beegnaay dorashada, oo Go,aankii hore maxaa lalaay, waa suaasha isweydiinta Mudan? jawaabteeduna waay iska cadahaay, Markaa kolaay Imika Wali xisbiga Kulmiye Goaankiisi Hore ayuu ku taagan yahaay, Inaay dib uga noqdaana lagama yaabo, Waanaay ku sax san yihiin Inaay banaan bax nabadeed sameyaay dastuurkana sinayaah, xaqna waay uleyihiin, Lakiin waa in koomishankan meesha laga badaalo, waayo Kuli fidmo waa Iyaga, Lama Amini karo Dhex dhexaadna ma Noqonkaraan, Go,aan qadashana malaha, Imika Hadab maxaa la Gudboon Xisbiyada Mucaaridka?

1: Waa inaay meel uga soo wada jeestaan mawqif adagna iska tagaan Kordhinta sharci darada Marnaba waa inaanay aqbalin.
2: Waa inaay Labada xubnood ee koomishanka kaga jiraa ka Badalaan waayo Iyaga laftoodu waa danbilayaal khiyaneyaay xisbiyadii soo dirsadaay.
3: Waa in Hadii dastuurki dalka lagu dhaqmi wayaay iyo dimuquradiyadii aay dhex galaan golaha wakiilada somaliland Madama iyagu aay maanta ka daacadsan yihiin golaha guurtida, waayo golaha guurtidu waxaay mujiyeen inanaay lexejeclo kala lahayn, jiritaanka dalka, Waayo rag waaweyn oo golaha guurtida ku jira ayaaynu arkaynay waxaay ku hadlayeen Maalmo kahor waxaan la mahadin ayaa afkooda ka soo yedhaay, Qabiil qabiil iyo wax laga tagaay ayaay dabada si hayaan taasina waa nasiib daro umada somaliland ku habsataay.

4: Waa in xisbiga Ucid laftigiisu ku soo Biira banaan baxyada nabadaysan ee aay mucaaridku ku mujinayaan Inaay ka soo horjeedaan muda kordhinta iyo afduubka dalka iyo shacabkaba loo geystaay, Inabadan ayuu xisbiga ucid laftiisu tanasulaay lakiin dhagba jalaq looma siin Inaay ogolyihiin wakhtigii komishanku cayimeey ee ahayd 31 may cid tixgalsaay ma jirto, Inaay dhex dhexaadiyaan Xisbiga kulmiye iyo xukuumada cid ka aqbashaay ma jirto, Markaa miyanaay ahayn madama aad tartamaysaa Inaad dhankiina kaga soo biirtaan banaabaxyada, Hadii kale waxaa la idin fahmayaa In aaydaan damaca siyasadeed lahayn.

gabagabadii waxaan leyahaay, Xukumadu hadii aay dalka utudhayso waa inaay la tashataa labada xisbi mucaarid waa sida kaliya ee xal lagu gaadhi karo, hanjabadaha iyo aflagadadana waa inaay joojiyaan iyo xadhiga aay ugeysanayaan muwadiniinta, ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah, waayo wali xukuumada lagama haayo tanasuulad Dimuquradiyadiina waad ka baydheen iyo dastuurki madaama aad soo celiseen siyaasadii qabiil qabiilka.

mahad nuux muumin
pakistan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: