ANAGU DAGAALKA SOKEEYE MANAQAANO BY; MOHAMED MUSE HASSAN

ANAGU DAGAALKA SOKEEYE MANAQAANO BY; MOHAMED MUSE HASSAN
ANAGU DAGAALKA SOKEEYE MANAQAANO

Waxa baryahanba soo baxayay Hadalo xanaf leh oo la soo dhigayo ama lasoo marinayo saxaafada, dadkan walaalaha ah wax dhib ah oo ka dhexeeyaa aanu jirin ayaad moodaa in la leeyahay waar ka kaca waxbaa la idinku sameeyaye iyo kanaa keera.
Horta dagaaladii ka dhacay Somaliland waxay ahaayeen dagaalo siyaasadeed ee may ahayn dagaalo reero lagula dagaalamayay,waxa taa makhraati ka ah dagaaladii dhacay iyo reeraha la leeyahay way dagaalameen waxay wada dagaal magaalo ilaa miyi from Itoobiya ilaa Somaliland meel kaliya oo ay dadkaa wada daganaa isku laayeena may jirin waayo? Dee dagaalku waxuu ahaa mid siyaasadeed, ama aan idhaahdobae Maamul iyo Maleeshiyo (Marya,alool iyo Maleeshiyo) Hadaba odoyaashan iyo salaadiintan la dhaqdhaqaajinayo ee waliba kuwii inoogu waynaana ay ku jiraan (suldaan Mohamed iyo Xaaji Cabdiwaraabe) ee leh waanu aarsanaynaa iyo waana la dilay,tolow hadaba yay ka aarsanayaan ama yaa dilay? Anigu aragtidayda hadaladaasi waa hadalo siyaasadaysan oo miciyo badan leh loomana baahna in manta iyo maalinkalatoona in colaad ama cudur la dhex dhigo dadka walaalaha ah.
Siyaasadana in laga barto taxun ee wax burburisa waxa ka wanaagsan iyadoo la barto oo lagu dhaqmo ta wax dhista, oo dadka lagu kala jiito anagaa wax wanaagsan qabanayna iyo anagaaa wax qabanay,oo waxa wanaagsan lagu faano.
Waxaan halkan doonayaa inaan uga mahad celiyo odayaashii iyo wax garadkii ka xumaaday qaadana waayay hadaladii ka soo yeedhay Suldaankoodii iyo Odaygoodii ugu waynaa,gartayna inay ka xaal mariyaan qadafkii ay gaysteen waanay ku mahadsan yihiin.
Waxa kaloo hadaladooda ka mid ahaa.

“Anagu haddii aanu Beesha Ciidagalle nahay cid aanu ciil u qabno oo aanu ka aargoosanaynaa ma jirto, waa la is dilay dagaalkii sokeeye waxaanan is leeyahay tolow idinka daalac ma la idiin raaci.

Waxaan sidaas u leeyahay Anagu dhimashadana waanu naqaanaa heshiiskana waanu naqaanaa, laakiin waxaanu is leenahay dad aan dhimashada aqoon baa ku jiray dadkaanu isdilayoo tollow mid midkii ka dhintay may ka samri, illayn anagu haddii wax badani naga dhintaana waanu ka samraysaane,”Ayuu intaasi raaciyay C/Laahi Ismaaciil [Bidhaan].

Waxaan raacinayaa oon doonayaa inaan saaxiibkay C/laahi ismaciil Bidhaan u sheego
Anigoo dareemaya siduu u jeedo laakiise aan hore uga afeeftayoon idhi waar reero ismay dilayn ee dagaalku wuxuu ahaa mid siyaasadeed ,hadaanse u raaco tiisa in yar waxaan u sheegayaa inaanu dhimashada naqaano, oo aanu u dhimano sharaftayada iyo cisigayaga LAAKIIN MA NAQAANO DAGAALKA SOKEEYE.

Taariikhdu iyadaa is qori hadaynu in yar ku noqono halgankii ay dadka Somaliland soo mareena waad ogayd Bidhaanow shacbiga Somalilandna way ogyihiin dadkaa aad leedahay dhimashada ma yaqaanaan inay hormuud ka ahaayeen, ooy hadaad adugu kala masuugtay ay u qireen cadawgii maalintii la ishayay goob joogna loo ahaa hadaladii ka soo yeedhi jiray marka ay ku dhacdo gacantooda birta ahi.

Mohamed Muuse Hassan
Hassanfi@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: