JAWAAB MAQAALKII HASHU MAANKAYGA GADEE MA MASAAR AYAAY LIQDAY

JAWAAB MAQAALKII HASHU MAANKAYGA GADEE MA MASAAR AYAAY LIQDAY
waxa uu maqaalkani daba socdaa maqaal Muuse biixi ku socday oo ciwaankiisu ahaa HASHU MAANGAYGII GADEE MA MAASAAR AYAY LIQDAY:

Walaal markaan maqaalkaagi akhriyay maqaalkaagii ahaa maxaa muuse biixi ku dhacay waxaan xasuustay in muuse maalinta uu hadlo uu ku hadli jiray aflagaadooyin iyo xumaan uu kula kaco dawlada. Waxa se runtii mid la tix galiyo ah in Musse Biixi uu yahay nin talada odayaasha qaata, hadii aanu hore u qaadan jirina in uu yahay mid maanta qaata. waa laba mid uun waxa muuse aamusiiyay in uu dardaarankii xaaji cabdi (waraabe) qaatay kaa soo hoos ku xusan (akhriso) iyo inuu khadyaan ka istaagay Ismaaciil yarahan geeli ba’ay ee afxumida uun laga soo taagay ilaa maalintiin xilka laga qaaday.

Taladii xaajigu uu muuse biixi siiyay:

Ugu horreyn Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa hadal dheer oo uu munaasibadda ka jeediyey, waxa uu dardaaran adag u diray xisbiyada mucaaradka ah iyo dadweynahaba, kaas oo uu kaga dalbaday inay ilaaliyaan nabadgelyada, isla markaana ay galaan tartan nadiif ah oo aan lahayn sida uu hadalka u dhigay cay, isaga oo dhinaca kalena dadweynaha u soo jeediyey in aanay dooran nin caytamaya.
“Xisbiyada waxa loo sameeyey inay qabyaalada baabi’iyaan, ninba ka uu doono ha galo laakiin waxa u ballan ah nabadgelyo, haddii kale xisbi jiri mayo, masaajid jiri mayo, tacliini jiri mayso. Waxaan idinku dardaarayaa nabadgelyada ilaashada. Xisbiyadu doorashada inugu soo dhow yey qiiq kicin, kursiga ha loo tartamo, sharaf ha lagu tartamo yaan cay lagu tartamin, yaan qabyaalad lagu tartamin, qof kastaa kuu doono ha galo, qokastow kaad gashaba nabadgelyada ka shaqee, cadowga inagu soo duulayana iska ilaaliya, sharafkaa ayaa lagu soo duulayaa,” ayuu yidhi Xaaji Cabdiwaraabe, waxaannu intaa raaciyey, “Waxaan ku soo gebogebaynayaa, madaxda xisbiyada ee fadhida waxaan leeyahay madaxnimona waad doonaysaan, inta Muuse Biixi Kow ka yahay afkooda ceeb haka ilaaliyaan, qabyaalad ha ka ilaaliyaan. Ninka qabyaalad ku hadla ha dooranina, ninka caytamaa madax ma noqon karo, madaxnimadu waxa ay ku wanaagsantahay in lagula jeclaado, inaad iska jeclaato uun maaha.”

Haseyeeshee Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu Xaajigu ku halqabsaday, ayaa isaguna dhankiisa difaacay xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE, isaga oo sheegay in ay iyagu horeba ugu dhaqmi jireen dardaarkana uu Xaaji Cabdi u sheegay, balse loo baahan yahay in dardaarankaa loo sheegay cid kale.

jaamac Diini Bare
New zeland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: