TORONTO CANADA IYO BOOQASHADII HAMSE AXMED SALAAN

TORONTO CANADA IYO BOOQASHADII HAMSE AXMED SALAAN

Booqasho aan ku tagay Toronto

Magalada London ayaan ka anbabaxay aniga oo u socdaalay Dalka Canada kuna tagay Fasax Gaaban, waxay ahay markii labaad ee aan ku tagay Dalka Canada magaalada Toronto oo ahayd wakhti laga baxay barafkii(snow) badnaa ee lagu yaqaanay North America Magalada Toronto.

Markii aan kasoo degan Toronto International Airport waxa iga hor yimid walaalahay iyo dadkale oo aanu qaraabo nahay, markii aan kazoo dhamaanay gudaha Airportka waxa markiiba ishaydu ku dhacdey jawiga cimilada oo runtii aad u wanagsanaa tasoo aan aad ugu farxay anigoo ka baqaayey in jawiga cimilada uu yahay mid aad u qaboow.

Runtii igumay ahay wax igu cusub safarkan aan ku tagay magalada Toronto oo runtii waxyaalaha aadka kusoo jiidanaya ay ka mid yihiin wadooyinka oo aad u waaweyn iyo baabuurta la wato iyana sidasoo kale u waaweyn. Waxa kale oo kusoo jidanaya sida wadanku uu u yahay wadan aad u nadaafad badan oo aadan arkay xashiish iyo nadaafad daro.

Magalada Toronto oo aan joogo iminka dadka ku nool waxa lagu qiyaaso 3 million oo qof halka dadka soomaalida ee kunool lagu qiyaaso 10-15 kun oo Somali ah, iyagoo dadka somalida ah ee degan magalada Toronto ay jirkooda ka muuqato nafaqo badan tasoo sida la ii sheegay ay dadka halkan degan ee Somaliland ah Qaadku ku yaryahay oo marka uu yimada qaadku ay ku iibsadaan lacag dhan 60 Canadian Money oo u dhiganta 35 pound,tasoo keentay inaan dadka badankoodu awoodi karin in ay malinwalba Qaad cunaan sidaa daraadeedna ay dadka midabkooda iyo jirdhkooduba uu aad u wacan yahay.

Intii aan magalada joogay waxa aan la kulmay dad dhalinyaro ah iyo waayeelba waxayna dadka dhamaantood ka wada siman yihiin in ay jiraan dhibaatooyin ah dalkii hooyo oo aad uga fog iyo tagitaanka dalkii hooyo oo aan aad u badneyn siyaabo farabadan awgeed,intaas ka dib waxa ay dadku ka dhawaajiyeen in ay ku dedaali donaan sidii ay dalkii ugu noqon lahayeen.

Waxa aan booqday xafad ka mid ah Xafadaha Magalada Toronto oo jaaliyada reer Somaliland degan yihiin aadna ugu badan yihiin waxa nasiib ii noqotey inaan la kulmo dad farabadan oo aan is naqaano oo aan Burco iyo Somaliland ku arki jirey, waxay runtii ahayd habeen aad u qiimo badan oo dadka meesha joogay qaarna aan gartey oo aanu isku school ahaan jirnay qaarkalena ay walaaladay is yaqaniin, intaas ka dib waxa aan ka codsadey in aan sawir kaqaado weyna iga aqbaleen weyna ku mahadsan yihiin.

Waxa dadkii aan la kulmay ka mid ahaa mulkiilaha websitka hadhwanaagnews.com Mr Cabdinasir yare oo si wanagsan isoo dhaweeyey waxa isna meesha aan ku arkay Xafadaa reer Somaliland ku badan yihiin rag farabadan oo uu ka mid yahay Heesaaga caanka ah C/jibaar….Khaliji iyo Aniis faarax Suusle, Cabdale Caydiid Carabsaqiir iyo qaarkale oo farabadan.

Waxa malin la igu casumay video show ka dhacay magalada Toronto badhtamaheeda waxa aan la yaabay inan yar oo dhalinyaro ah oo la yidhahdo Liibaan Siciid Sheekh oo madasha isagaga iyo saxiibadii soo qabanqaabiyey kusoo bandhigay urur uu sameyey iyo waxqabadka uu dadka reer Somaliland u qabtay waxaanu warbixin kooban ku sheegay sida uu ku bilaabay iyo halka ay manta Ururku marayo halkan ka gal. http://www.dadaal.org.

Sikastaba ha ahaato waxa ay ii ahay safarkaann ku tagay magalada Toronto mid si wanagsan u dhacay aniga oo runtii soo arkay shacabka reer Somaliland ee degan magalada Toronto oo aad isu jecel meelna kasoo wada jeeda oo marka aad dhexfadhido aad dareemayso sida wanagsan ee loo kaftaamayo iyadoo aanay jirin wax turxaan ah oo dhexyaala.

Hamse Ahmed Salaan

Toronto

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: