MIDAB LA DAGAALAN JIDHKA!

MIDAB LA DAGAALAN JIDHKA!
MIDAB LA DAGAALAN JIDHKA!

Waxan halkan saaka ku qorayaa tix gabay yar ah oo uu tiriyey, ABWAAN IBRAHIM GADHLE ugu-na magac daray midab la dagaalan markii uu ka yaabay hablaha wakhtigan ILAAH ka soo hoe-jeediyey dhee-hoodii ay ku dhasheen, oo tirtiray maqaarkii haraga jidh-kooda lana coloobay sidii uu ILAAH u abuuray waxan yidhi:-

Muran baa aduun-yada ka jira, amase maan-dhaafe
marwo iyo nin-keedii maxaa , maanta kala haysta,
maariin dhalaaliyo hablaha, madaw-ga diidaaya,
hablahaa madiidee, wejiga madhiyey diir-kiisa
maskax xumo kolbaa loo cabaa, muriyo deebaaqe,
malab iyo nimaan kala aqoon,midhaha waabayda,
isagu-ba mar buu QAASI-MOOW dacar magaab-shaaye,
haddii ay masii-bada og-yiin,mawdka daba yaala,
oo ay micna-haa garana-yaan, may is mari-yeene,
maxaa midabka dheehiyo habla-ha maanta kala haysta,
maaleey qadhaadh iyo kuwaas mooraah-daa qoosh-tay,
sidii neef MUQLOOBAY bay lugaha kala maroor-sheene,
maxaa kii murqaa-miyo qof weyn maanta kala haysta.

Aniga oo aan maanta ku tala gelin wax weyn ( maqaal) baan is-idhi maad bal afar eray isku day-did oo ah murtidii uu ka yidhi IBRAHIM GADHLE, jidh-dilka loo haysto qurux-da ee maanta ka socda dunida siiba dalka somaliland, muda badan baa la i lahaa waxa jira hablo nacay sidii uu ILAAH u sameeyey oo aan arki karin maqaarka -jidhka oo madoow, oo dhaqan gediyey, is-mari-naaya rinji cadeeye diirka ku yaala, si loo eego oo la isugu soo taago, marka ay GUUR xiisee-yaan, waxase aanay ogayn kuwii EEBE uu siiyey DIIRKA cad ay iyaku-na wakhti-yada kulay-laha ee yurub, cadeed u doon-taan, wadana-da xooga u kulul, ISBAYN, BELJEM, GIRIIGA, QUBRUS, MASAR, MAROOKO IYO kuwo kale oo la mid ah, sabab-tuna tahay in ay soo madoo-beeyaan jidh-kooda, naceen-na qaabkii ay u dhaseen, sidaas awgeed kuwee baa sax ah waa yaabe, ma kuwa caday-naaya, mise kuwa madaw-ga ka dhigaaya? su.aa-shaas baan idiin dhaafay hadii aad tihiin akhrista-yaasha iyo qore-yaasha mareegtan
OODWEYNENEWS.com.

*N.B Dadka madaxa ku socdaa, kuwa luga-ha ku socda bay la yaabaan.
Waa abdirahman jama ahmed,
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: