MA DAWLADAA KA MASUUL AH MISE XISBIYADA DHIBAATADA DALKA KA JIRTA MAANTA?

MA DAWLADAA KA MASUUL AH MISE XISBIYADA DHIBAATADA DALKA KA JIRTA MAANTA?

Ma Dawladaa ka masuul ah mise xisbiyada dhibaatada dalka ka jirta maanta?

Inkastoo Somaliland dawladi ka talin jirtay shacabka iyo xisbiyadana ay matali jirtay hadana dawlada kol hadii wakhtigii xilka shacabku u doortay dhamaaday, waxa waajibkeedu ahaa dawlada inay qabato doorasho xalaal ah cidii doontaa ha ku soo baxdee. Hadaba waxa kolka ugu horaysa mudan in la iftiimiyo oo caadka laga saaro qodobada qabanaya dawlada iyo kuwa xisbiyada qabanaya ee dastuuriga ah. Waxa dawladu ku andacootaa in qodobka 83 aad dhigayo in madaxweyne iyo ku xigeen lasoo doortay oo kaliya badali karaan. Waa dhab in qodobku dhigayo sidaa bal’se, isla qodobkaa farqadaha ka midka ah maxay dawladu iskaga indho tiraysaa? Isagoo qodobku dhigay sidaa ayaa hadana qodobka 83 aad dhigayaa in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu qabtaan doorashada bil ka hor inta aan wakhtigoodu dhamaan. Isla markaa qodobku ma dhigayo in madaxweyne iyo ku xigeen loo kordhiyo muddada mar walba. Waxa kaliya ee muddada loo kordhin karaa hadii dalku ku jirro dagaal lagula jirro dal shisheeye. Qodobku ma dhigayo in xilka dawlada loo kordhiyo wax ka badan mar kaliya.

Kolkaa waxa isweydiin leh hadii dawladu gabtay waajibkeedii ahaa inay doorasho qabato, miyaanay ahayn in xilka laga xayuubiyo? Kolka dawladu dagaalka galbeedka masuul ka tahay ee iyadu isku dhufanayso beelaha si loo baajiyo doorasho, isla markaa doonayso in dagaal ay dalka ka rido si ictiraafkeena la inoogu diido oo ciidamo shisheeye soo galaan dalka , iyadoo kolkaa dawladu damacsantahay in somaliweyn la inagu daro, miyaanay haboonayn in xilka laga xayuubiyo dawlada. Dawladu waxay ka hadashaa oo xidhxidhaa saxaafada, madaxda xisbiyada, shacabka oo loo diidayo mudaharaadyo ay ku muujiyaan dhibta ay tirsanayaa oo ay waliba xaq dastuuri ah u leeyihiin, kolka dawladu aanay wali dhexgalin oo aanay waxba ka qaban dagaalka galbeedka, isla markaana ay ka hadlayso shakhsi xabad riday iyo shirarkii axsaabta oo ilaa hudheeladii loo diiday oo ay dawladu duudsiday xuquuqdii axsaabta iyo muwaadiniinta, miyaanay ahayn in xilka laga xayuubiyo ay sharci darada ku fadhido. Dawladu waxay wadaa khalkhal ay ka dhex abuurayso beelaha Somaliland dhexdooda, xisbiga kulmiye dhexdiisa ayey khalkhal ka wadaa dawladu iyadoo shakhsiyaad isticmaalaysa oo oo doonaysa in shirarka kulmiye iyo mudaharaadyada nabada ah laga rido xabado iyo dhibaato si shacabku ugu qaataan kulmiye inuu khalkhal galinayo nabadagelyada dalka. Waxa idiin cadaynaya intaaba dagaalka galbeedka een dawladu ka hadlayn iyo naxliga iyo colaada ay wasiiradeedu ka wadaan burco iyo goobaha kaleba isla markaana ay ka faafinayaan naxli iyo xumaan idaacadaha iyo wargeysyada.

Dawladu kama hadasho argagixisadii ina weerartay iyo boobkii loo gaystay shacabka Somaliland. Dawladu kama hadasho xasuuqii xadhigii, dhilkii iyo cabudhintii, cadaadiskii dawladii siyaad barre u gaysatay shacabka Somaliland. Dawladu isla markaa waxay cabudhisaa taariikhdii SNM oo aanay ogolayn in la xusuusto. Dawladu waxay ka soo horjeedaa oo cabudhisaa u caga juglaysaa xidhxidhaa cadaadisaa mujaahidiintii ka soo hadhay SNM ee inoo soo halgamay iyada oo dawladu xaqiraysa oo qarinaysa halkankii ay inoo soo galeen iyo dhaqdhaqaaqooda siyaasadeedba.

Dawladu waxay afka dabool ka saartaa in laga hadlo dhibaatadii Afweyne u geystay shacabka iyo in la xukumo oo dacwado lagu oogo kuwii gaystay xasuuqa. Isla markaa madaxweynuhu wuxuu ku xidhanyahay dadkii xasuuqa u gaystay dadkan iyo dalkan, wuxuu saaxiib la yahay cid kasta oo danaheena dhaqaale, horumar, ictiraaf, khayraad, iyo guud ahaan nolosheena cid kasta oo diidan oo inaga soo hor jeeda. Waxa dawladu horsed ka tahay musuqa iyo fusuqa ka taagan dalka iyadoo madaxtooyada lafteeda ka dhistay hoolal iyo meelo casarkii lagu qayilo rag iyo dumarba oo waliba Daahir Riyaale iyo Marwadiisu ku casuumaan halkaa dadka intii ugu xumayd ee balwadaha lahayd. Dawladu waxay cabudhisaa culimadii ka hadli lahayd fusuqa iyo xumaanta lagu faafinayo shacabka Somaliland siiba dhalinyaradeena. Dawladu kama hadasho dadka xumaanta wada bal’se hadii nin sheikh ah ka hadlo waxa lagu tilmaamaa xag jir iyo qalalaase wade oo sidaa dawladu u xabistaa culimada iyo intii ka naxaysay dhaqanka iyo diinta. isla markaana ay u adeegsadaan dadkaa xun inay bulshada dhexdeeda u soo basaasaan iyo inay uga faafiyaan dacaayado iyo warar been ah oo shacabka lagu nacsiinayo xisbiyada kale iyo ragii u soo halgamay dalka. Iyadoo u adeegsata waliba dadkaasi khalkhal iyo arbushaad ay ka dhex sameeyaan mudaharaadyada nabadgelyada ah ee xisbiyada iyo shacabku qabanayo. Waa si hadhaw dawladu qiil ugu hesho ciidamo loogu adeegsado shacabka isla markaana looga xayuubiyo xoriyadooda. Dawladu waxay ku laaluushtaa oo mushaaro uga qorta dadkaa xunxun hantida ummada. Hadaba shacabka Somaliland waa inay ka digtoonaadaan oo diidaan dawlada iyo dhibaatooyinka ay la damacsantahay dalka iyo dadka. Waa in shacabku aayahooda ka tashadaan oo iska qabtaan qawlaysatada ku gofanawday hantida umada ee dhiig miiratada noqotay. Beenta iyo borobagaandada dawladu waddo waa in shacabku iska ilaaliyaa.

Hadaba, akhriste isweydii oo ma kulmiyaa khalkhal wada oo masuul ka ah dhibaatada taagan mise dawlada oo waajibkeedii gabtay? Akhriste hadii aad dan ka leedahay aayaha dadka muslimiinta ah ee dalkeena isweydii su’aashan oo waliba warayso dadka dalka ku nool oo ka warayso in waxyaalahan aan sheegayaa ay jiraan iyo in kale. Alaa mahad leh.

By: Dr. Axmed Hirrad Carre

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: