CODKAAGA KU CIIL BAX -8 : XUQUUQDA MUWAADINKA

CODKAAGA KU CIIL BAX -8 : XUQUUQDA MUWAADINKA
Ahmed Arwo
War-bixinta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka

Inta aanan u baqoolin warbixinta dheer ee dawladda Maraykanku ka bixisay xuuquuqul-insaanka Soomaliland ee sanadkii ina dhaafay aan ku nagaado xaqa muwaadinka iyo dastuurka dalkeena.

Wadan waxa leh muwaadin. Dawladuna waa mid uu isagu leeyahay een iyadu lahayn. Isagaa igmada, isagaa erya, isagaana aqbala qawaaniinta kuwa uu dirtay u soo dhisaan. Taasi waxay tahay nidaamka dimuquraadiga ah oo lagu tilmaamo nidaam muwaadinku doorto cidda u talinaysa. Haddaba cidda u talisaa hadday ka leexato hirgelinta danta loo doortay iyo qawaaniinta dalka ee marjacoodu yahay dastuurka ay tooska u ansixiyeen dadweynahu, waxa lagama maarmaan ah in muwaadinku muujiyo diidmadiisa . Waxuu ku muujiyaa qoraal, qaylo, suugaan iyo banaanbax. Waxuu kalifaa in la soo dedejiyo xiliga doorashada kolka uu muujiyo kalsooni la’aanta dawladda.

Bal manta tan dalkeena ka tagan eeg. Iska daa doorasho la soo qadimo, ee waa mid seddex jeer dib loo dhigay, marna aanu muwaadinku raali ka ahayn. Ku dar waxa loo diidan yahay inuu shucuurtiisa muujiyo. Kan hadla waa xadhi, weriyahu waa u weerar iyo qori dabadii oo lala dhaco, idaacad xor ah meeshaba ka saar. Banaanbaxu waa mamnuuc oo xataa xisbiyada qaranka looma oggola inay dadweynaha shir u qabtaan. Ciddii hadal ka keynta waa xabbad iyo weerar.

Bal ila akhri qodobadan dastuurka ah ee ah Sinnaanta Muwaadiniinta Qodobka 8aad iyo kuwa Xuquuqda siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo doorashooyinka ee 22aad ilaa 36naad, si gaar ah u faham qodobada ku qoran khadka cas, oo faham xaqa loo leeyahay isabaabulka siyaasadeed, fikirka xorta ah af iyo qoraal, garo xaq loo leeyahay banana-baxa. Maskaxdaada geli in xoriyadda ay kaa qadi karto dambi maxkamadi kugu xukunto, oon Madaxweyne,Wasiir. Iyo Badhasaab midna awood xadhig muwaadin lahayn.

Waa 15qodob oo xuquuqda muwaadinka si mug weyn loogu taagsaday, ayaan darro se waxay ka jirta ku-dhaqankiisa oon waxba ka jirin. Dastuurka Soomaaliland waa mid si culus oo cad ugu taagsaday xuquuqda muwaadinka. Waxaa se la yaab leh inta jeer ee qodobadaas la jabiyo , iyo sidaan cidna loogu qabsan. Imisa jeer ayaa si badheedh ah loo jiidhay, yaa se dareemay. Maxaa u diiday Golaha Wakiiladu inay jabinta qodobadan ka hawl galaan, waa waajib saarane . Waxaad ogaataa in jabinta qodob keliya Madaxweynahu xilka ku waayi karo, waana waajib saran Golayaasha Sharci Dejintu inay taas ilaaliyaan ooy xaqiijiyaan inaan marna la jabindastuurka. Sidoo kale waa waajib saran Garsoorka Maxkamad amba Booliis ha ahaadaan.

QODOBKA 8AAD

SINNAANTA MUWAADINIINTA

1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqadda, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.

2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.

3. Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortusa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad Ia siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.

QODOBKA 22AAD

XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO IYO XAQA DOORASHADA

1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.

2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto.

QODOBKA 23AAD

XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA IYO IS-ABAABULKA

1. Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono.

2. Arrimaha ku xusan faqradda 1-aad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.

3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.

4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene.

QODOBKA 24AAD

XAQA NOLOSHA, NABAD-GELINTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA

1. Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad-geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

4. Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.

QODOBKA 25AAD

XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA

1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

4. Dhammaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.

QODOBKA 2 6AAD

CIQAAB IYO DEMBI

1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

2. Mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.

3. Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.

QODOBKA 27AAD

XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

1. Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddii kale ee uu codsado.

2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay.

3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka­soo qaad ma laha.

4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.

5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.

6. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in go’aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa.

7. Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.

8. Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.

9. Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1-aad ilaa 7-aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya.

QODOBKA 28AAD

XAQA DACWADDA & ISDIFAACA

1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u leh.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.

3. Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa in uu bixiyo difaac lacag la’aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda.

QODOBKA 29AAD

XURMAYNTA HOYGA

Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.

QODOBKA 3OAAD

XORRIYADDA ISGAADHSIINTA

Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku banneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amargarsoore oo sababaysan.

QODOBKA 31AAD

XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI GAAR-AHAANEED

1. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.

2. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah.

3. Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.

QODOBKA 32AAD

XORRIYADDA BANNAANBAXA, RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE

1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaanbax nabadeed oo xeerka waafaqsan.

3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.

QODOBKA 33AAD

XORRIYADDA CAQIIDADA

1. Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo in uu qaato tu kale. Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.

2. Masaajidku waa goob cibaado, waxaanu mudan yahay xurmayn. Waa goob lagu fidiyo Diinta iyo hanuuninta ummadda dun iyo adduunyaba. Waxa reebban in laga jeediyo waxyaabaha ummadda kala kaxayn kara; dawladduna waxay ku leedahay ilaalin guud iyo kaalmayn wixi suurto-gal ah.

QODOBKA 34AAD

WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA

1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka.

2. Qof kasta waxa ku waajib ah in uu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

3. Qof kasta waxa ku waajib ah in uu si hagarla’aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.

4. Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.

5. Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusan faqradda l-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.

QODOBKA 35AAD

ISU-CELINTA EEDAYSANAYAASHA AMA DEMBIILAYAASHA IYO MAGANGELINTA SIYAASADEED

1. Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa la siin karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magangelinta.

2. Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye.

3. Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa.

QODOBKA 36AAD

XUQUUQDA HAWEENKA

1. Xuquuqda, xorriyaadka iyo waajibaadka Dastuurku xaqiijiyey, haweenku ragga way ula siman yihiin, wixii Shareecadda Islaamka midkood u gaar yeeshay mooyaane.

2. Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeerna ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda iyo damiirkooda.

3. Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kor­meeraan, adeegsadaan, gudbin karaan si Shareecadda waafaqsan.

4. Si sare loogu qaado aqoonta iyo dakhliga haweenka iyo weliba daryeelka qoyska, haweenku waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha qoyska iyo in loo furo dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah iyo kuwa waxbarshada dadka waaweyn. …..Dhammaad

Xafid oo gasho barkinta hoosteeda qodabadan ilaalinaaya xuquuqdaada iyo waajibka xoriyadeed eed dalkaaga ku leedahay sidoo kale baro dariiqa loo maro haddaad dambi gasho ee kuu bannaynaaya isdaafaca. Baro inaan xadhig bilaa maxkamad ah laguu gaysan karin. Faham xurmada iyo xishmada dastuurku kuu siiyey gurigaaga iyo hoygaaga ganacsi amba bulsho. Waa qodobo haddaad si wacan u fahamto ku qiimeyn karta intaad xilka u dhiibatay, waxaad arki sidaad ugu baahanatay inaad bedesho ood xilkay ku fashilmeyn ka qaado una doorato cid bedesha. Waana tan la diidan yahay oo waxa la ogyahay inaad CODKAAGA KU CIIL BIXI DOONTO. Waxa la ogyahay inaad garatay qaladka la caadaystay, waxa la ogyahay inaad garatay xoolaha la midig bidixaynayaa inay yihiin kuwii adiga lagaa qaaday ee laguugu dhisi lahaa kaalin caafimaad iyo dugsi. Waxa la dareemay inaad hore u codeysay oo CODKAAGII CADOW KUGU NOQDAY, maantana aad rabto inaad cod iyo doorasho xor ah oo xalaal ah ku aar-goosatid.

Adigoon xisbina ku eegin, muwaadin xuquuqdaada u kac, u gurmo xoriyadaada dastuuriga ah, xaqiiji inaad hesho fursad aad cid ku doorato. Xisbi kastaba ahow ee waa doorashu awoodda ugu saraysa eed leedahay. Waa midda keliya eed ku heli karto hoggaamiye ku matala ood la xisaabtanto. Waa xaqqa aad keli u leedahay inaad kaadh cas u taagto ciddaad u aragto inay hawsha aad u dhiibtay ku fashilantay. Waa awood waajib ku ah in muwaadin kastaa ilaashado, ha ahaado taageere UDUB, UCID, Amba Kulmiye.

Maqaalka oo qodabadani dheereeyeen darteed, war-bixinta Dawladda Maraykan ee xuquuqda Aaadamaha Soomaliland kana ah qayb ay Soomaliya kaga waramayaan oo aad u dheer waxaan idiin soo bandhigi doonaa si kooban idinkoo ka bogtay xaqiina dastuuriga ah.

Waxaad ka heli warbixin taabanaysa arrimahan:

Qodobada aan muhiimka u arkay ee khuseeya Soomaliland waxaan ku iftiimiyey khad culus oo madow. Warbixintu waxay ku qorantay Afka Ingiriiska

Waxaad ka heli warbixita si faahfaahsan arrimahan:

* Xaaladda xabsiyada
* Madaxbanaanida Garsoorka ee dastuurka iyo dhabta jirta.
* Xaqa dastuurka ee banaanbaxa iyo shirarka siyaasadeed iyo diidmada dawladda. Dadka bolisku dilay. Madaxbanaanida saxaafadda, xabsiga weriyaasha, idaacadaha xorta ah, iyo xaalka Radio Hargeysa!
* Xaaladda xisbiyada iyo xabsigii madaxda Ururka Qaran iyo cafiskii shuruudda lahaa. Dib-u-dhigga doorashooyinka, kordhiskii hore ee Guurtida iyo kii Madaxtooyada
* Ciidamada iyo boliska ooy ku baxdo 60% miisaaniyadda. Maxuu se Maraykan ugu sheegay ciidanka qaranka Militia!..iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Haddaba intiina taqaan afka Ingirisku ha ka akhriyaan warbixinta oo dheer linkan:

US STATE DEPARTMENT 2008 HUMAN RIGHTS REPORTS-SOMALIA AND SOMALILAND

Waa waajib wadan oon KUlmiye, UCID iyo UDUB midna gaart u lahayn,ee isu-taag xuquuqdaada.

Ahmed Arwo

Samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: