AFTAHANIMADU WAA MID DABIICI AH IYO MID LA KABSADO.

AFTAHANIMADU WAA MID DABIICI AH IYO MID LA KABSADO.
Waxaan ugu horayn salaamayaa dhamaan akhristayasha sharaf ta leh salaantaa ka dib waxaa mahad iska leh ilaahi ina baray akhriska iyo qorista,intaas ka bacdi waxaan jeclaystay inaan qalinka ula tago arrin muhiim ah oo dhalinyarada qaar ay ku dhiiranaan kari waayeen inay wax ka qoraan oo ah waxa loo yaqaan( aftahanimada).

Umadda ku dul nool caalamka aduunyada dusheeda,ilaahay ma simin isku midna kama dhigin,midbaa aqoon leh midina waa jaahil,midbaa garaad iyo maskax ilaah ku manaystay midbaa maan gaab ah,midbaa hadal yaqaan ah midna dadka ayuu buuq iyo sawaxan uu ka dhex aloosaa.

waxaa biyo dhacu noqonayaa in qofka aftahankaayi aanu ka tarjumin ama shardi u noqon inuu gabyo ama maahmaah sheego laakiin aftahanimadu ay tahay inuu qofku uu dadka ku kaxeeyo rimood uu ku geeyo ama u jeediyo mawqifka uu wato somaalidu horay u tidhi(hadalna lakala odhan og rabina lakala baryi og)oo ay ujeedadu tahay markaas in ay bayaamiso in aftahanku wato calan aan cidna ka qarsoonayn oo meel dheer laga soo arki karo ,mana muujiso aftahanimadu in qofku hadalka badiyo ama yareeyo.se waxay ku wacantahay in qofka erayadiisu yaraadaan waxa uu dadka u gudbinayaana la fahmo waayo hadii uu maantoo dhan hadlaayo laakin dulucda warkiisa aan la fahmin taasi waxay noqonaysaa (biyo col dhaanshay).

waxyaabaha ay soomaalidu ku qiimayso aftahanimada:-

1-in qofku noqdo mawduuci(inuu ku sugnaado mawduuca laga hadlayo oo aanu u gudbin mawduuc aan laga hadlaynin).

2-inuu qofku soo koobo hadalkiisa isagoo soo qodobaynaya ujeedada laga hadlayona taabanaya.

3-inuu qofku isku dayo markuu hadlaayo inuu soo jiito indhaha dadka si uu si fiican ugu guda galo khudbadiisa,isagoo ku bilaabaya waxaanay kuwii hore ku bilaabin.

4-inuu qofku ku daro sheekooyin xiiso leh oo la xidhiidha mawduuca laga hadlayo.

5-inuu qofku adeegsado maahmaahyo ama gabay la jaan qaadi kara mawduuca

waa Qalinkii:xasan x.aadan axmed

From yemen-san’a

University of Science&information Technology(UST)

xasanxyz@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: