KAADHKII UGU DANBEEYEY SHAXDA MADAW EE UDUB

KAADHKII UGU DANBEEYEY SHAXDA MADAW EE UDUB
Hore ayaan qormooyin uga qoray habka ay UDUB u maamushay shirkoodii ay ku soo xuleen gudoomiyaha iyo ku xigeenka xisbiga, ugana qayb gelaya tartanka doorashada madaxtooyada ee ay saldhigi wayday goortii la qaban lahaa.Waxaanan u bixiyay Shaxda Madaw.Waxa ka darawal ahaa madaxweyne ku-xigeenka Mudane Ahmed Yusuf.

Maantana qormadan gaaban, waxan ku iftiimin doonaa ku talo galka xisbiga UDUB iyo hab dhaqanka maamul ee Shaxda Madaw, gadh-wadeenkana ka yahay Mudane Ahmed Yusuf. Sidaynu la wada socono xisbiga UDUB waxuu xoog saaray doorashadu inayna waqtigeedii ku qabsoomin, diiwaan-gelintii weli natiijo sugan kama hayno,tiro madmadaw badani ku jirana waatii mar hore Komishanka ka soo fakatay, waxa hubaal ah in la waayay 12CD ama 14CD! meel ay mareen la garan maayo,balse UDUB ayuun baa ka jawaabi doonta.

Kulmiye maanta Riyaale madaxweyne sharci ah uma aqoonsana, UCID Riyaale uma aqoonsan doonto madaxweyne sharci ah waxii ka dambeeya 5\59,ahna maalinta ay kordhintii sanadka ahayd kaga dhantahay, Guurtida ayaa tidhi Riyale waxaanu u kordhinay ilaa 29\109,waxay ku salayeena cidi garan mayso, tabcadii Suleebaan iyo surmadii Riyaale ayaa isku bayd go’ay,markaa waxaan cidina fahamsanayn ayay natiijadii noqotay.
Riyaale ayaa arrintaa ka cadhooday,dadweynahii ayaa kooma galay,xisbiyadii mucaaridkuna xaalad murugsan ayay galeen.Gudoomiyaha Komishanka ayaa amar ka helay Madaxweyne riyaale,waxaanu ku amray inay si degdeg ah maali aan ka durugsanayn 29 sebtembar cayimaan,taasi oo muujinaysa inaanu aqoonsanaysn maalinta iyo go’aanka guurtida. Komishanka ayaa subaxii warqadii cayimaada u diray madaxweyne Riyale iyagoo ku muujinaya 27 sebtembar inay tahay maalinta doorashada,isaguna ansaxin ayuu ku taagay,galabtiina saxaafada,radyaha iyo tv ayaa laga sii daayay.
Dhakafaar hor leh iyo jiha wareerin ayuu dalku galay,xisbiyadii mucaaridka ahaa ayaa cadho dhinacay ka fakiraan garan la’ tan iyo saacadan aynu joogno.

UDUB waxay cayaaraysaa kaadhkii ugu danbeeyay ee shaxda madaw,kuna khalkhal gelinayso siyaasada guud ee dalka,Mudane Cawil iyo Mudane Ahmed oo ah gadhwadayaasha shaxda madaw waxay u egtahay inay hadoodilayaan sugnaansho koonfureed! Bal hada aynu sugno shaxda madaw iyo biyo dhaceeda.

Hussein Badmah
Hargeysa
4026100

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: