DOQONI XADHIGII LAGU XIDHAYEY XUSULADAY KU SIDATAA. 04/10/2009

DOQONI XADHIGII LAGU XIDHAYEY XUSULADAY KU SIDATAA. 04/10/2009
waxaan marka hore salaan qiimaleh usoo gudbinayaa hawl wadeenada Toga Herer ee sharaftaleh marka labaadna waxaan halkan ku soo tibinayaa maqaal aan ka tixraacayo maqaalkii qiimaha badnaa ee uu soo qoray fu,aad xaashi kaasoo xaqiiqooyon badan kadhawaajiyey ,cinwaan kamaqaalkaa oo ahaa :somali-land yaaneeda saaraa? wuxuu ugu dhaliyey dareemo ,waxaanu igu taa-taabtay oboogo hoosta ka bukey oo ubaahnaa waxbaanta, hadab bal sidan ayaan u cabiray dareenka maqaalkaasi ugu kiciyey ee bal halayla eego.DOQONI XADHIGII LAGU XIDHAYEY XUSULADAY KU SIDATAA. 04/10/2009
waxaan akhriyey maqaalkii qiimaha badnaa ee uu soo qoray ninka layidhaa fu,aad xaashi oo runtii xaqiiqooyin badan daaha kaqaaday ,waxaanu maqaalkaasi muujinaayey sida uu qoraagu ugu wareersan yahay cida bal uu eersanayo ee kamasuula dhibka iyo dhiiladan somali land ka dhitaalan sida ka dhadhamaysa ciwaanka maqaalkiisaa oo uu u bixiyey ( somaliland yaan eeda saaraa)
hadab anigu waxaan qabaa in ay masuul ka tahay arintan bulshada somali land waana waana jawaab lamida tii uu ilaaha siiyey asxaabtii nebiga markay yidhaahdeen maalintii dagaalkii uxud lagu jebiyey ;waar maxaa ina helay soynagii muslimiinta ayhyn ,sawkan nebigiina ina dhex jooga xagee jabku inoo ga yimi ? ilaahay wuxuu ugujawaabay ” waxaat ku tidhaahdaa nebi allaaw jabku idinka dhankiinuu kayimi ” tasoo muujinaysa bulsha kastaaba waayaha iyo duruufta ay ku nooshay inay tahay mid ay iyadu kasbatay. somali land ahaana in aynu inagau masuulka nahay waxaasoo wareer ina haysta ee mudo kordhintu ugu yartahay ,distoor kala dhantaalan ,baarlamaan magac uyaala oo wax uu ku filan yahay jirin ,mucaarad isagu isaga daranba xukuumadii uu macaaraka ku ahaa,bulsho reer reer ukala fadhida ,magaca dawladana dushaa ka huwan waxaasoo dhan waa wax inagau aynu ku kacayno oo kas iuyo maan u samaynayno. waxaa kaloo aad ogaataa in ilaahay aanu aqbalayn anagu dad shiciba oo masaakiinabaaanu nahaye madaxdaa xun oo dalka iyo dadkaba fasahaadinaysan ,taana ilaahay wuxuu ku cadeeyey quraanka in maalinta qiyaamaha marka kuwa lunsan ee raciyada a haa ay ku doodaan (kuwan madax da ah ayaa na lumiyey inay ugu jawaabayaan ,waar hanuunku waa kii cadaaye idinkaa daalimiin nalamida ahaa !)
sidaa aawadeed diinta islaamku ma aaminsana dad daciifa oon waxba qabankarin iyo dad xoog waaweyn oo iyagu wax walba qabankaraa inay jiraan ,ee waxay qabtaa in daalin xoogweyn iyo daalin kaa ka itaal yar laakiin daalin nimad lawadaagaa uu jiro .waa hadii sida aynu maantanahay lay isku raaco khaladka oo ninka khaldan laqaban waayo .
in bulshadu daalimiintaa ya-yar tahayna waxa kuu muu jinaya waa bulshada maalinba qabiil mudaharaadyo ,eela leeyahay reer hebelbaa mudaharaad sameeyey oo dhagax tuuray ,inta kalena dhoosha ka qoslayso ee ay leedahay ‘waar reer hebel way kibreena daa,hal edbiyee ee iyaga iyo xukuumada loo kala baxayo ,halkii hadii ay xaq ku cabanayaan lawad raaci lahaa si meeshu aanay qabiil ba unoqon ,hadii ay gar daranyihiina laqaban,lahaa.
hadaba tan maanta taagana arag tidaas ayey ku slaysantahay oo waxaa lookala hadhay waa reer hebel baa kabad badinaya ee daaya hala karbaashee! dadka aragtida noocaasa aamin san waa hubaal weligood in uu digtaytar haysanayo , waana hubaal in weligood isticmaar danihiisa ku fushanayo ,waana hubaal in aanay gaadhayn heerka ay mudantahay bulsho caqli leh oo banii aadam ahi inay ku noolaato.
Markaa sow maaha inaynu inagu is eersano oo aynu midhaha ka dhashay qalbigeena foorara aynu dhaxalkooda maalo. waxaanad ogaataan in aan isbedel imanayn ,waayo bulsho isbedel rabtaa majiro hadii qof isbedel rabaa soobaxana waa reer hebel ee is ka ilaaliya weeye .hadab in ta reer hebel cadawgaaga ugu weyn yahay, ee cid ka shisheysa walaalkaa aanad arkayn, ogow inaad cidlo ku daalayso ,waxaanad ogaataa ninkii xumaa waxaa taaj quruxbadan oo xumaantii ka qarinaya u noqonaya waa reer hebel . waa halkaa halkay fadhido masiibadeenu ee aan isweydiino sidee loomaaray karaa?
waxaan ku soo geba gebaynayaa .dhawr bayt oo aan kasoo kala qaadanayo laba maanso oo arimahaa iyo kuwo lamida ka hadlaya oo aan maxamed ahaan curiyey waana kuwan

1- maansada kowaad waxaalayidhaa (maxaa isqayirey ?)
intaan xukun qar qooshkii
taladii kaqaadnee
qushi tii an dooniyo
ku soconay qiyaasteen
balmaxaa isqayiroo
qiimaloo aan haynaa ?
qabiil sow maxoogana
qarankii mahaystoo
saw qumanihiisii
qoortiisa masudhnoo
saw sidii maqooqana
saw qubkaa sareetan
uma eekin qaran jira
qudha hoosee dhuuxana
qabiil liita kama nihin?
qaaf wal quraanul xakiim
waa qiso layaabloo
quraankay kutaalaa
runta yaanla qarinine
intaan xukun qar qooshkii
taladii kaqaadnee
qushi tii aan dooniyo
ko soconay qiyaasteen
bal maxaa is qayiroo
qiimaloo aan haynaa?
saw qarama dumiskii
boodhka isku qarin jirey
xilkii kuma qadhaabtaan
oo ninkeliyi maqumana
keligii qaran maaha
ninkii ay isqabtaan
ama qawl ku yidhaahdaa
saw sidii qudhmis maaha
qabta oo xidha maaha?

2- maansada labaad ee aan wax ka sooqaadanayo waxaa layidhaa (doorasooy maxaad tahay?)

waxa iga dar daarana
inta damacu kursi yahay
oo bulsho daryeeloo
gaadhsii dadkaa tegey
dareenkaasi maqanyahay
reer hebelna diin yahay
dadka aad ku xulataan
waa is daba wareegoo
halkaad doraad ka guurteen
yaad maanta degeysaan
dulinkii hashii diley
hadaynaan ka daaweyn
qaalinteena inuu deyn
dubaaqaanay gelahayn

maxmed xasan
USA
hirrig@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: