WAXAA LA ODHAN KARAA XISBIGA KULMIYE AYAA SEETADA U DHEEREEYAY MADAXWYNAHA IYO KU XIGEENKIISA

WAXAA LA ODHAN KARAA XISBIGA KULMIYE AYAA SEETADA U DHEEREEYAY MADAXWYNAHA IYO KU XIGEENKIISA

Waxaan salaamayaa dhammaan ummadda ay ka koobantahay somaliland, waxaana salaan gaara mudan warbaahintooda aan ka daalin faafinta wixii dalka dani ugu jirto kana digtoon wixii dhibaato keeni kara, aan ka gudbo salaantaas oo aan jalleecno ujeeddada qoraalkan,
marka aynu dib u eegno labadii sannadood ee u dambeeyay wuxuu soo maray waddanku marxalado kala duwan oo dhammaantoodba ay ahayd in ay doorasho xalaali qabsoonto si himiladii loo halgamay loo soo taabto taas oo aduunwaynaha aqoonsiga laga raadinayaana indho gaara ku hayo, oo ilaa wakhtigan aynu joogno aan suuragelin,
Haddaba su,aasha meehsa taalla ee lays waydiin karo waxay tahay maxaa hor taagan qabsoomiida doorashadan wakhtigeedu sii dheeraanaayo oo rag madaxnimadu madax martay ay u sahlanaanayso kolba in ay kubbadda hore u sii laadaan, markaas akhristow su,aashaas jawaabteedu waxay noqon kartaa ama aynu odhan karnaa waxaa u sabab ah in aanay qabsoomin doorasho xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE waxaanay ku dhacday arrintani sida uu xisbigaasi dhaqmaayo ee ah marwalba oo loo diyaar noqdo sidii doorasho loo qaban lahaa uu keenaayo wax xanniba ama dib u dhiga doorashada, waxaana ka mid ah waxyaabahaas, diidmo qayaxan oo uu la diyaar yahay markasta oo loo baahdo in ay saddexda xisbiqaran ka wada tashadaan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen una suuragasho doorasho, diidmadaasna waxaa ka mid ah go,aanka ay soo jeediyaan komishanka doorashooyinka,golaha guurtida, xukuumadda iyo xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID oo iyana markii ay dhexdhexaadin ula tegeen ay ku gacan saydheen, arrimahaas oo dhammi waxay seetada u dheeraynayaan xukuumadda hadda jirta oo ay faa,iido cimri dherer ahi ugu jirtaa,waxaanad taas ku garan kartaa markasta oo ay wada tashiga ama go,aamada ay hay,adaas aan soo sheegnay soo jeediyaan oo uu xisbiga KULMIYE ka hor yimaaddo waxaa dib loo dhigaa doorashadii , taas oo mar iyo lababa ka badan, canaantana waxaa dusha laga saaraa xukuumadda ama odayaasha guurtida, laakiin taas dambigeeda waxaa iska leh xisbiga wax wada hadal lagu dhammayn lahaa ka baaqsada ee caadada ka dhitay, markaas lama odhan karo xisbigaasi xukuumadda waa ku mucaarid ee waa u muxaafid waayo wuxuu u fududaynayaa sidii ay meehsa u sii joogi lahaayeen doorashana aanay u qabsoomin.

Waxaan qoraalkan ku soo gebagebaynayaa waxaa la gudboon xisbiga KULMIYE in uu qorshihiisa wax ka beddelo kana waantoobo diidmada uu caadaystay lana jaanqaado rabitaanka waddanka si ujeeddada iyo horumarka laga leeyahay somaliland u hirgasho oo aan marmarsiiyo loogu maroorsa
Wa billaahi tawfiiq

Deeq Cabdi Digale

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: