WIIL UU DHALAY GUDOOMIYIHII UGU HOREEYAY EE SNM OO AY MASUULIYIINTA KULMIYE KU FARO SAAREEN BEERTII

WIIL UU DHALAY GUDOOMIYIHII UGU HOREEYAY EE SNM OO AY MASUULIYIINTA KULMIYE KU FARO SAAREEN BEERTII

Wiil uu dhalay guddoomiyihii ugu horeeyay ee SNM oo ay Masuuliyiinta KULMIYE ku Faro Saareen Beertii

Samatar Axmed Jimcaale oo ah wiil uu dhalay Guddoomiyihii u horeeyay ee ururkii SNM, Marxuum Axmed Jicmaale ee la doortay 6-dii bishii April 1981 shirkii lagu qabtay London ee lagu aasaasay ururkaasi, ayaa xisbiga Kulmiye taageerayaashooda ku eedeeyay in ay 5-tii bishan ku faro saareen beertoodii oo ay ogolaansho la’aan shir ku qabsadeen.

Samatar Axmed, oo ah wiil qurbo joog ah oo degan dalka Canada, hase ahaatee socdaal gaaban ku yimid Somaliland, wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu xalay shabakada Wararka ee Ramaasnews ugu warmayay Magaalada Hargeysa waxaanu yidhi:
“Magacayga waxa la yidhaahdaa Samatar Axmed Jimcaale, waxaan ka hadlayaa dhacdo igaga dhacday beertayda doraad 10-kii subaxnimo anigoo ku soo socda beertayda oo ku taalla huteelka Crown ee magaalada Hargeysa hortiisa, ayaan arkay dad badan oo beerta jooga, waan soo dhex galay waar maxaa jira ayaan ku idhi, waxa la igu yidhi Xisbiga Kulmiye ayaa laga soo saaray huteelka Crown oo xaflad doonay inay ku qabsadaan, markaa guddoomiyahoodii ayaan doontay guddoomiyahoodiina waan waayay, waxaan arkay nin Cali Maarshaal la yidhaahdo oo aan Internet-ka ku arkay, anigoo ninkaa la hadlaya, ayuu erayo afxumo ah igu yidhi oday Maxamuud Dhool-dahable, ka dibna waanu islaynay oo waa la igu wada degay oo la isugu kay tagay waxana i soo gaadhay waa la ifeedhay oo dibinta ayaa idhiigtay haddii aan la iga badbaadin kooma ayaan geli lahaa ragaas cadhaysan ee aan I garanayni waxaan ahay iyo ujeedo aan u socday toona, aniga beertayda ayaan u socday ee wax kale uma socon oo ah yaa fasax idiin siiyay, ayuun baan meesha u imid, markaan arkay beertaydii oo dad ay taagan yihiin.”
Samatar Axmed Jimcaale oo ah sharci-yaqaan wax ku soo bartay dalka uu hadda degan yahay ee Kanada, isla markaana uu aabihii ahaa Alle ha u naxariistee guddoomiyihii ugu horeeyay ee SNM, ayaa sheegay in
masuuliyiintii Kulmiye ee goobta joogay oo uu ka mid ahaa guddoomihii SNM ugu muddada dheeraa in aanay jirin cid ka daba-timid oo ogaatay sida aan wax u qabo, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wax wax ii qabtay dadka caadiga ah, ayaa jiray, qoladan xisbiga Kulmiye kama hayo qof ilaa iyo maanta i yidhaahda xitaa ‘maxaad qabtaa’, ayuu yidhi Dr. Samatar.

Dr. Samatar Axmed Jimcaale waxa uu sheegay in uu isagu ka dambeeyay xadhigii oday Maxamuud Dhoola-dahable, iyadoo uu intaasi ku daray in ujeedada xadhigiisuna ay ahayd in la helo dhalinyaradii gacanta u gaysatay oo ahaa kuwo xagga odayga ka socday.

Dr. Jicaale waxa uu sheegay in uu xisbiga Kulmiye uga fadhiyo raaligelin, iyadoo uu intaasi ku daray in maalinta lixda April ay ugu fadhida qiimo gaar ah, isagoo arrintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Kulmiye, waxaan uga fadhiyaa raaligelin buuxda, 6-da April aniga waa maalin igu gaar ah, waa maalintii aabahay loo doortay guddoomiyenimada SNM 1981-kii, waxayna ahayd maalin gaar ah oo aan doonayay in aan xuso, waxana ay igu sameeyeen xad-gudub.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: