SIILAANYO IYO GABOOSE MAXAY KALA KULMEEN TALISYADA CIIDANKA QARANKA IYO BILAYSKA?

SIILAANYO IYO GABOOSE MAXAY KALA KULMEEN TALISYADA CIIDANKA QARANKA IYO BILAYSKA?
Mahad waxa leh Ilaahay,sharafna nebigeena Maxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaadaane.
Waxaan halkan salaan uga soo jeedinayaa dhamaan shacbiweynaha S/land meel kasta ooy joogaanba,waxaan kaloo salaantaas mid la mid ah u dirayaa dhamaan warbaahinta S/land.
Akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow sida aan la wada socono waxa dhowaan booqday talisyada ama xarumaha laga hogaamiyo ciidanka qaranka JSL iyo ciidanka nabadgelyada bileyska (Police) JSL, hogaanka sare ee Kulmiye oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ama mulkiilaha xisbiga Kulmiye Md.Axmed Maxamud Maxamed Siilaanyo,gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha wakiilada JSL Baashe Maxamed Faarax, gudoomiyaha xisbiga aan sharciyeysneyn(aan jirin) ee qaran Dr.Maxamed Cabdi Gaboose iyo kuxigeenkiisa 2-aad Jamaal Caydiid iyo xubno sare oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.
Ugu horeyn waxay booqdeen xarunta ciidanka qaranka (mileteriga) waxaana halkaas ku qaabilay taliyaha ciidankaas Gen.Nuux Ismaaciil Taani, iyagoo u gudbiyey taliyaha codsi ay kaga dalbanayeen in ciidanku uu dhexdhexaad ka ahaado afkaarta siyaasadeed ee soo kala dhex gasha xukuumadda iyo mucaaradka. Taliyuhuna wuxuu ku wargeliyey inay taas mar walba ilaaliyaan oo ciidanka qaranku hadh iyo habeen heegan ugu jiro ilaalinta shuruucda iyo nabadgelyada qaranka,cid walba oo dastuurka jebinaysa oo sharciga baal martana ay gacan bir ah ku qabanayaan. Xaruntan weji farxad leh kalamay bixin weftigani oo u muuqday kuwo ku hanweynaa in ay taageero ka helaan ciidanka qaranka balse ku hungoobay.

Kulankan kadib waxay u baqooleen xarunta taliska ciidanka bileyska, waxa halkaas ku qaabilay oo ay kula kulmeen taliyaha cidankaas Gen.Maxamed Saqadhi Dubbad. Kulankan oo ku bilowday jawi degan ayaa waxa warbixin lagaga dhegeystay Gudoomiye Siilaanyo,wuxuuna ka warbixiyey xafladii ay ku qabsadeen xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ay ku xusayeen 28-tan guuradii ka soo wareegtay aasaaskii jabhadii SNM.
Wuxuu sheegay gudoomiyuhu inay xafladda ka soo qayb galeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye, jawi wanaagsana ay ku dhamaatay,balse gabagabadii shirka kadib aanu rabnay inaan lug ku tagno ilaa gurigeyga oo aan xarunta dhexe eenu ku shiraynay aan wax saas ah ka fogeyn, balse aanu la kulanay caabin ay bileysku ku cadaadiyeen taageerayaashii xisbiga inay kala diraan,welibana rasaas noolnool loo adeegsaday kala didinta taageerayaashayada. Markaa arintaa waxaanu rabnaa in taliska ciidanka bileysku baadhitaan ku sameeyaan oo sharciga la hor keeno cidii ka dambeysay.
Intaas ka dib waxa hadalkii la wareegay taliye Maxamed Saqadhi Dubbad oo ka mahadceliyey abaabulka ay abaabuleen xafladda lagu xusayey aasaaskii SNM-ta, in kastoo aniguba aan ka qaybgalay xaflad mucaarad iyo muxaafadba laysku arkay oo ay soo qabanqaabiyeen hogaanka ururka Sooyaal ee mujaahidiinta SNM,inkastoo aan xagaa idinka sugaynay haddana waa idinkan mid kale ka barbar qabsaday, yeelkeede waa isla midkii oo isku wada ujeedaynu lahayn. odayada waxa kale oo taliyuhu ka mahadceliyey inay isa soo xilqaameen,wuxuuna u sheegay in ciidanka bilaysku yahay ciidan ka masuul ah nabadgelyada dalka, waxay ilaaliyaan shuruucda inoo degsan iyo nidaamka dimuqraadiyadda. Idinka imaatinkiina waxaan ka filayey ama aan idiinka fadhiyey inaad raaligelin u wadaan ciidanka bileyska, maadaama oo ciidanka bileysku aflagaado iyo dhagaxtuur uu kala kulmay taageerayaashiina.Laakiin waxaan idiin arkaa niman dacwo tag ah. markaa waxaan idinkula talin lahaa inaad ilaalisaan shuruucda dalka u deggan.
Sharci baad jebiseen, welibana idinkaa dacwoonaya!! ayuu taliyuhu si canaani ku jirto u yidhi. Yaad fasax uga soo qaadateen isku dayga mudaharaad eed abaabulayseen? waa lawada aamusay oo cidi way u jawaabi weydey.
Taliyuhu wuxuu hadalkiisa isagoo sii wata uu yidhi ciidankan la shiidayey intooda badani waa mujaahidiintii SNM ee aad xafladooda xusayseen, intaa xataa ma ku ixtiraami weydeen?. Saaxiibayaal, walaalayaal dalkan inagaa leh oo muwaadiniintiisii ah ee ma wada ilaashanaa oo shuruucda iyo dastuurka aan degsanay ma wada ilaashanaa?? Haddii jawaabtu tahay haa talaabo kasta oo aad qaadaysaan ku jaangooya sharciga iyo dastuurka. Mudaharaad qofkii abaabulayaa marka hore wasaaradda arrimaha gudaha ogolaansho ha ka soo qaato. wax kasta nidaam iyo dariiq loo maruu leeyahay ee ha loo maro.
Ninkii sharciga iyo dastuurka diidaa Soomaaliland iyo shacabkeeduu diiday, fowdo iyo kala dambeyn la,aan ayuu u gacan haadinayaa, laakiin ha ogaado ma ka yeelayno cidii qorshahaas wada. wasalaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Inataas kadib kulankii waa lagu kala dareeray.Kulmiye iyo taageerayaashiisana waxa u cadaatay inay gudcur gudayaan oo dhamaan ficiladooda iyo hadaladoodu sifaha sharciga ay baalmarsan yihiin, hadda wixii ka dambeeyana xalka qudha ee badbaadinta xisbigu ay tahay inaan laga fursan doonin bedelaada hogaanka sare ee xisbiga,si sumcadda xisbigu dib ugu soo kacdo. haddaba su,aasha isweydiinta leh ayaa waxay tahay xaggee xiligan kala guurka ah laga keeni karaa siyaasi da, yar oo soo jiita bulshada Soomaaliland, lana jaanqaadi kara hanaanka dimuqraadiga ee ka hirgalay dalka oo badbaadiya xisbigan sii galbanaya?

Jaamac Ducaale
jaamacducale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: