ISLA -WEYN AL-MADAR ( WAA GABAY-GII QAASIM)

ISLA -WEYN AL-MADAR ( WAA GABAY-GII QAASIM)

AL-LE naxariis-tiisa haka waraabiyo’e, gabay-gan ISLA-WEYN AL-MADAR waxa tiriyey, abwaan qaasim ( axmed ismaaciil diiriye), ahaana raga ciilka ugu dhintay bulshada reer somaliland ee fara-ku-tiriska ahaa, (sida TIMA-CADE, AF-QAlOOC), ee cayn-kasta oo marxa-ladaha markaas socday isagu u badheedhi jiray oo madaxa u dhigi jiray, weligii aan qarsan xumaan ,kana warwa-reegin in uu runta qarxiyo ee cadceeda ka cadayn jiray, farta saari jiray ee dilaacin jiray boogta , qoor-tana u sudhi jiray belo wadaha, waxa uu kaga duwanaa inta kale oo uu caan ku ahaa wax aan la dedin oo shaaca ka qaadi jiray xumaaanta taagan wakhti-gaas oo koba joogo, ma jirto, maamul aanu ka gabyini, iyo madax-weyne, iyo ra’isal wasaare kasta oo ina soo maray wixii la odhan jiray somaliya, dhibaato kasata oo taalay ka muujin jiray buu ahaa, DAYAXII UMADA UU AHAA, hada-ba tixdan ah MURAA-QADA ( qiirada ah), ee aan hoos ku qori doono waxa ku kelifay markii uu arkay in dhalintii kacday
ee 1960’s horaan-tiisii aanay ahan-ba sidii uu ka filaayey oo wax aan loo jeedin, is-wey-nayn, iyo gaalo iska-dhig, aan wax tarin ay noqdeen, ee uu ku hun-goobay rajaddii uu ka qabay, arkay-na in ay baa-ba yihiin iyo ina wax kama jiraan, isaga oo caloosha ka gubanaaya tyiiraan-yo awgeed oo aan is ogayn, ka muraara-dilaacsan kuwii uu ka filaayey in ay gaalka INGIRIIS-KA u dhaami doonaan dadka iyo dalka oo ka sii liita istic-maarkii gumaysan jiray, waxa-na uu tiriyey murtidan hoos ku taala:_

Nimakii al-madar een lahaa, odaya-day dhaami,

istic-maarka niman-kaan lahaa, uduba-day saari,

INGIRIISKA niman-kaan lahaa oroba way dhaafin,

iyagaa is-noolayn kuwaan u asaraa-raayey,

dhulka ololey,uubaha la qoday,uunka kala guuray,

umulaha la dooxiyo, raqdaa haad ku wiirsadaye,

riyahaa lee’day,idahaa la qalay,geela la af-duubay,

umadaa xumaa-taan lahaa haw arimi-yeene,

ula-jeeda-doodaan arkaa, aayi-tiin malahe,

awrkii heer-yaddii cunaba ,waa lagu ogaadaaye,

imin-kay af-kor u taaga-yaan, edeb la’aaneede,

imin-kay ALOOW lee-yihiin geel isu-ekayne,

isma eegto naagtii-xumi, halkay iin ku lee-dahaye,

malaa-se way is moog-yihiin, in ay obocdu hoostaale.

Al-le ha siiyo abaal-kii uu ug galay umada AARKAASI (qaasim), ma jirto si aanu wax ugu sheegini, ee way ka soo rayn wayday, oo maalin la arka-ba wuxu arkaayey afar-qaad dad uu ilaahay iska wato oo aan, oo aan is ogayn meel ay marayaan, waxay yihiina aanay jirin, wax-ba aan maqalyn, iyaku isu roonayn,kala garan karin cadawga iyo nasteexa,, dan-tooda iyo wax dulay-naaya, oo dulmi isugu hiiliya, ka liita ku sii joogsada, ka wax haysta ama ladana kor u sii qaada, u kala qaybasan qab-yaalad iyo reer hebel, mar qudha aan, ka talin wax anfa-caaya, weerar, aafo, gaadmo, guluf la heen-seeyo, nabad reero u hooday oo saq-dhexe udubka loo taago, gardaro aan damayn oo taagan goor kasta, waayo’arag la’aan aan wax lagui qaada-nayn ee ay ka sii darayso, isu-boorin faan iyo anaa intaa ku dheer, car-i-taabo, laan-dheere saw ma ihi, mag-tada baan beys-tayn beys-tayn baan u bixi-nayaa, mhadaan ku dilo cidi ii qasan mayso, maryo dhiig leh, maalin kasta suuqa daadsan, agoon
laga dilay aaba-hood, nafo la dhaawaco, iyo qax aan is dhimayn, gar-daro garab og, eex iyo cadaalad xumaan lays-ku garab-siiyo, kala yaac maalin walba joota iyo maskax la’aan aan la kala dambayn, ama aan la kala roonayn sida maanta taagan, qof qudha oo ku leh khalad baan sameeyey weligay ma arkaysid, ee waa wada SILDI-MUL-DHUKH aan dembi geli weligood, mid wali-ba isagu waa sax ka kale-na waa khalad isku digay-naysa oo aan is dhaamain.

* N.B Isama doorin gaal-kaan diriyo daarta kii galaye.
waa abdirahman jama ahmed
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: