ISLA -WEYN AL-MADAR ( WAA GABAY-GII QAASIM)

GARI ALLAY TAQAANAAYE XISBIGA KULMIYE WAA LAGA GARDARAN YAHAY IMIKA
Marka hore salaan warbaahinta madax banaan, sida aaynu lawada soconaba dalkeena somaliland wakhtigan wuxuu ku sugan yahaay xaalad xasaasi ah, oo ah khilaaf u dhaxeeya xisbiyada qaranka oo isku hayaa, Wakhtiga dorashada, Hadaba sida aaynu wada Ognahaay Koomishanka qaranku waxaay Iclaamiyeen Wakhti Inaay dorashadu ku dhacayso, 31 may Waxaana saxeexa ku dugaay, Xisbul xaakimka Udub iyo xisbiga mucaaridka ah ee Ucid iyaga oo isku raacaay Inaay dorashadu qabsoonto, 31 may lakiin waxaa qadaacaay oo ka hor yimid xisbiga Kulmiye kuna dhawaaqaay Inanaay Aqbalaayn wakhtiga aay koomishanku Ucayimeen dorashada, Komishanka qaranku waxaa aay ku doodeen In aanay sura gal ahaayn Inaay dorasho qabsoonto 29 march, waxaanaay sabaab uga dhigeen Serverka kala shandhaynayaay, Dadka is diwaangaliyaay Mar wax ka badan Inaay qaadanayso Mudo oo aanaay macquul ahaayn Inaay dorasho qabsoonto,29 march Si kastaba ha ahaate, Waxaa Dastuurki iyo dimuquradiyadii dalka u yaalay ku ciyaaraay Golaha guurtida somaliland, oo mudo sharci daro ah uu Kordhiyaay Madaxweynaha, Lakiin waxan aad ulayabaay Maadama labada Xisbi mucaarid Mid ka mid ah uu Aqbalaay In aay dorashadu qabsoonto 31 may Miyaanaay dawaldu Tix galin ba u haayn, halkaas waxaa Cadaatay In xukuumadu aanay Tuhun ka qabin Xisbiga Ucid Tix galina aanaay siinaayn, Waayo Hadii aay Kulmiye diidaay waxay Ixtiraami lahaayeen Xisbiga ku raacaay, In dorashadu aay qabsoonto wakhtigii cusbaa ee koomishanku Iclamiyaay.

Mida kale Markii Hore waxaan Uarkayaay In Kulmiye gardaran yahaay, lakiin maanta kulmiyee waa laga gardaran yahaay, Iyaga oo Markii Horeba mawqif adag iska taagaay In aanay aqoosanaayn madaxweynaha somaliland 6da april wixii ka danbeyaa Una diyaar ahaayeen Dorasho wakhtigeeda lagu qabto, waa Gef In Maanta lagu qasbo 6bilood oo aan cadaalad ahayn, Mida kale Waxaa Is weydiin Mudan Koomishanku ma haayad ka madax banaanba, mise kolba xukuumada iyo Guurtida waxaay Iclamiyaan ayuun baay Go aaminayaan, may may, sidaasi mahaa cadaalad Go aanka Guurtidu aay ku kordhiyeen madaxweynaha, mahaa mid aay shacabka somaliland ku diirsadeen, waxaanay dhabar jab weyn ku tahaay qaranimada somaliland, Markaa Imika waxaa wanaagsan In koomishanku Hadii aay dhex dhexaad yihiin aay ku Adkaystaan wakhtigii Hore ee ahaa 31 may inaay dorashadu ku qabsoonto laga yaaba In xal meesha Yimaado aay labada Xisbi Mucaaridna ku qancaan.

mahad nuux muumin
mahad_nuux09@hotmail.com
pakistan islamabad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: