DANTA GUUD HALA DAAYO CUNA WAA CEEB

DANTA GUUD HALA DAAYO CUNA WAA CEEB

danta guud hala daayo
cuna waa ceeb
by(Abwaan ahmed abdillahi maxamud
ahmed fartaag)

danta guud halla daayo
dawlad hantidii qaranka iibisa waa ceeb iyo ayaan daro
waa ninkii kabahiisa cunay ee yidhi waanku dayn baxayaa
xeradii taraafigu xagay martay yaase qaatay waa yaab
nin ayaa dawladu siisay oo isna sii iibiyey markale
tiyaatarkii mee xaguu ku danbeeyey sawtii la bayaacay
dhulkii danta guud markuu dhamaaday ayaa kii
dhisnaa loo soo jeestay waa wax aan macquul ahayn
waxa taa kasii daran hada oo dawladu kusocotaa
inay iibiso jeelkii waynaa iyo dhakhtarkii hargaysa
iyadoo dhaqaale dalka soo baxo oo cashuurii socdaan
oo dadkii yaryiin maxaa ku kalifayaa xumadaa sidaa qaloocda
waa in dadka dhaxal looga tagaa oo wax loo dhisaa ee maaha
kuwii hore inla baabiyo waa masuuliyad darro waxan xukuumadu
wadaa dadka waa in wax loo qabtaa ee maaha in wax laga cuno
cuna waa ceeb ee caynkan dhaama tijaartana waxaanu leenahay
waxa umadee iibsanaysaan lacagtiina ka daaya waa xaaraane
oo aakhiradiina ilaashada ilaahaybaa idin xisaabi doonee
…Wabillahi tawfiiq…

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: