BAL EEGA TAARIKHDII MUJ. CABDIRAXMAAN DAHIR CAYNASHE OO LAGA DHIGAYO CARUUR DHAGAX TUURTAY WAA…

BAL EEGA TAARIKHDII MUJ. CABDIRAXMAAN DAHIR CAYNASHE OO LAGA DHIGAYO CARUUR DHAGAX TUURTAY WAA…

CAJIIB IYO AMAKAAG

Anoo ah MAXAMED DAAHI CAYNAANSHE,Waxaan Salaamaya dhamaan mujaahidiinta iyo shacbi weynaha reer somaliland oo mudan sharf iyo qadarin waxaan si gaara ugu ugu mahad celinayaa Muj.SNM oo sabab u ahaa nabada iyo xasiiloonida aynu maanta hadhsanayno.

Waxaan Dadweynaha reer somalilaand iyo Muj. SNM aan u sheegayaa in aynaan geyin taariikhda xun iyo beenta laga sheegayo mujaahidiinta usoo halgamay mushtamac iyo dalkaba, Waxa hadaba wax lala yaabo ah in Lagii jeelka Xiniinyaha lagaga hayay kalbada ee sirta laga doonayay in ay sheegaan Dilkana ku xukunaa lagu tilmaamo arday dhagax tuur lagu qabtay waa ayaan daro iyo sharaf la’aan raga arintaas ka shaqaynaya welina ku shababan xagxagasho iyo taariikh boobka.

Waxaan Si gaara uga waramayaa C/RAXMAAN DAHIR CAYNAASHE oo ahaa mujaahid fulinayey opertion ciidal oo ku wajahnaa AXMED AADN IYO MAXAMED XAASHI GAANI oo ahaa daaquudadii sida tilmaaman ugu foognaa mushtamaca iyo ibniaadanimadarida weli sii qiiqaysa. Muj. C/RAXMAAN DAAHIR CAYNAANSHE waxa uu ahaa Hogaamiyihii xanbaarsanaa fulinta dilka labaada DAAQUUD,kana fulinayey magaalada HARGEISA isagoo ay soo anbo bixiyeen Muj. DHAGA WEYNE IYO INA KAAHIN IYO saraakiil kale oo badan.Waase wax lala yaabo in maanta la yidhaa ARDAYDII DHAGAX TUURKA LAGU QABQABTAY.

Waxaan idiin soo hor marinayaa magacyada dadkaa laga been abuurayo waana kuwan hoos ku xusan warqada iyo beentii oo bal balaadhana waxay ku faah faahsantay hoosen

Amiin Dahir Caynaanshe

Qoraha meentan mutaxan waa ninka la yidhaa, MAXAMED AXMED MAXAMUUD “BARRE ADUUNYO oo aydun halka hoose ku arki doontaan

Inkastoo taliskii Siyaad cadaadis la saaray gudaha iyo dibadaba si aan loo dilin carruurtaa, haddana Cabdi Dhamac oo ka mid ahaa carruurtaa markiiba waa la dilay, laba kamid ah oo kala ah, Kanadi Iyo Bidhiidh, waxay ka baxsadeen jeelka Mandheera intii kalena waa la sii daayay markii ay soo dhex galeen Amnesty International iyo The Italian Acadamy of Sciences 31/03/1986 waxaa maxkamadda badbaadada qaranka la soo taagay koox arday ah oo lagu soo eedeeyay inay hub SNM ay ku adeegto ay soo galiyaan magaaladda Hargeysa kuwaas oo kala ahaa.

1.

Axmed Cabdi Cumar -Dil
2.

Siciid Daahir Jaamac -Dil
3.

Xasan Cismaan Cumar- Dil
4.

Cabdi Daahir Caynaashe -Dil
5.

Safiya Xaashi Madar Xabsi daa’im
6.

Fihiima Daahir Jaamac -Xabsi daa’im
7.

Ilyaas Qase Faarax- Xabsi -daa’im
8.

Cismaan Caydiid Cilmi -30sano
9.

Umayma Aadan Cumar -15sano
10.

Cumar Ismaaciil -5sano
11.

Cali Rooble -5sano

Waxa dhici jirtay magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga in habeen kasta mid ama la toogan jiray taas oo noqotay wax caadi ah.

Dabayaaqadii bishii May Mujaahidiinta SNM waxay kala baxeen jeelka Hargeysa laba mujaahid oo dil ku xukunaa.

Mujaahid Sulub Cali iyo Mujaahid Yuusuf Maxamed kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Col: Axmed Aadan oo ahaa taliyihii ciidanka nabad sugida gobolka waqooyi galbeed. Ciidamada dagaalyahanka SNM waxay xerada wayn ee birjeex kala baxeen Col: C/laahi Askar sidoo waxay dagaal sida duufaafnka ah ku hilaaciyeen jeelka mandheera iyaga oo ka sii daayay boqolaal qof oo isugu jira caaqil, salaadiin, tjaar, ganacsato ah arday iyo macalimiin iyo aqoonyahano.

Laga bilaabo sanadihii sideetamaadkii taliskii Siyaad Barre gobolka waqooyiga baabuurta way la wareegi jireen, lacagta way dhici jireen, bakhaaradda raashinka iyagaa raran jiray oo dhici jiray ilaa ragga naagahoodii yidhaahdeen waa xalaal in ninkeedii ayaa noqday qudhmis. Waxa la dhiiri galiyay qabyaaladda waraaqaha rasmiga ah ee dawladda waxa lagu bilaabi jiray “Ragga magaaladda u dhashay.

Maxamed Axmed Maxamuud “Barre Adduunyo”
Hargeysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: