MAANSO CUSUB OO LA YIDHAA DANAYSTE

MAANSO CUSUB OO LA YIDHAA DANAYSTE

Maanso cusub oo la magac baxday Danayste
by Abwaan ahmed cabdillahi maxamud(ahmed fartaag)

Dawladnimadu waa nolol

hadii uu distoor jiro

Dugsi weeye nabaduna

hadii daacad loo yahay

daruuruhu way da’aan

hadii aan dabayliyo

duufaano kuu iman

Darajadu xor weeyaan

hadii aan danaysigu

dacalada kusoo xidhan

dani seeto weeyaan

siduu yidhi ducaale

hadaan daa’in kaa bixin

waa dahab dalkeenuye

danaystaa dib noo dhigay

dakhligeena soo baxa

dig ka siiya oo cuna

digteetar baa dal guursaday

dugaagbaa dumaaloo

dayday baa kasoo baxay

dulmi baa is guursaday

doqon baa dad maamulay

dugsiyada tacliintiyo

nimaan dhigan duruusbaa

diktoor sheeganaayoo

dawadiina iibsaday

wasiirada dilaaliin

dalabkood weeyaan

waxa duniada yaaliyo

dirhamaadka lacageed

doolarkuna ma deeqoo

diir socota weeyaan

dabinkii sakaarada

dariskuna dabkuu shiday

dami maayo waayahan

duul ilaahay caasiyay

dhiig daadshay weeyaan

dad is doorshay weeyaan

dalkoodina dumiyoo

daarii burburiyoo

dabadeed qaxoontiga

dawarasada shisheeyaa

wixii danaba wiil go’ay

dadkii galay xabaalaha

hada waxa ka sii daran

qaar diin ku dhuuntoo

dumarkiyo caruurihii

dooxayoo dad qalato ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: