DUNI BILA MAANSO KA WARMAYSA QIIMAHA NABADA

DUNI BILA MAANSO KA WARMAYSA QIIMAHA NABADA
Duni-bila
Maansadan waxa aan kaga waramayaa nabada iyo qiimaheeda, waxa aan sidoo kale tilmaamayaa eedaadka iyo carcaraafka la waajaho xiliyada coladdeed, iyada oo aan dhibaatada colaada ka wada dharagsanahay, ugu dambayna waxa aan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashadaan xasiloonida wadanka, meelna ay uga soo wada jeedaan cidda hantaaqaysa ammaanka qaranka,Iyada oo aad loo garanayo qiimaha ammaanka guud ahaann, Maansadina waa tan ee gudoon wanaagsan;

Duufaan wax xaaqiyo
Waa daad colaaduhu
Dabarjara insaankoo

Dumin iyo dhibaatiyo
Dadka oo la laayoo
Dulmi lagu xasuuqiyo
Dibindaabyo mooyee
Waxtar ma leh dagaalkuye

Haddan dunida nabad iyo
Daganaansho lagu ladin
Fooqyada daruuraha
La darsayba daayoo
Dabaq lama dhiseenbee

In ammaanku daawiyo
Dabiib iyo wanaag yahay
Inu doogta biiyuu
Dakharada bogsiiyuu
Dabayl caafimaad yahay
Dareenkeedu dhaadyoo
Diritii sokeeyiyo
Xiligii dagaaladu
Dalkan ay ka dhacayeen
Darxumaynu aragnoo
Dacas baan la kulanee
Diihaalki wuxu ba’ay
Dooyaysi goortii
Dood loo fadhiistee
Xasilooni daa’ima
Idinka Alle dabadii
Lagu duugay qalinkee
Dabbaabaad la hiifee
Dagta qori sudhnaan jiray
Dawlada lagu wareejee

Inay nabadu diinaar
Doolar qiimo dhertahay
Inta diir madaw iyo
Dubcad kii la siiyiyo
Daafaha adduunyada
Dadka jooga idilbaa
Doorkeeda sheegoo
Dacalkeeda wax an dhigo
Goortii an daydayay
Daal baan ka qaadoo
Shay aan ku doorshaa
Dunidaba ma yaalloo

Dayax weeye lagu gudo
Gudcurkii dam yidhiyoo
Waa damal hadhweynoo
Dacalada u fidayoo
Hoos noogu deeqoo
Waa doobi buuxoo
An la daadin karinoo
Dugsi weeye adagoo
Dayrodhaafka celiyoo

Iyadaa duruustiyo
Cilmi loo dareeraba
Dayr looga dhigaybee

Doqontaan lurteediyo
Kasahayn danteedoo
Dacaygaan fikirin baa
Dalibnaada garashoo
Ruuxii dardaranee
Dawanada iblayskiyo
Daasadiis maqlaayee
Dariiq leexsan marayee
Dagdageen wax hubin baa
U diyaara holacee

Ruuxii damiir lihi
Dayac wuu ka dhawraa
Daldalool ka awdaa
Dulinkana ka celiyaa
Difaac uga ahaadaa

Dux baa laga helaayoo
Dambarkeeda gaaxda ah
Dumarkiyo carruurtiyo
Duqydaa u aayoo
Da’yartaa ku naaxdoo
Dababkay bakhtiisaa
Diricyada idleeyoo

Waa doog guyeedoo
Duunyaa ku fooftoo
Geelaa ku dararoo
Lo’deenaa ku daaqdoo
Adhigaa ku daaqoo
Iyadaana duurjoog
Ugaadh noo dabraysoo
Saryan nagi daleeshiyo
Deeriyo markuu geri
Dabalaabku laasimay
Waa kuwii dawaafee

Iyadaan damaashaad
Ku dabaal dagnaayoo
Waa daabad gaadiid
Dhulka lagu dawaafoo
Dalxiis lagu mushaaxoo
Marna aan ku didinoo
Dagalkay ka maqan tahay
Dalandoolka socodkii
Diiqad buu ku suganyoo

Darmo weeye lagu lado
Goortii ay darantoo
Dagalkay ka maqan tahay
Waagii dilaacaba
Dadku wuu ku leedaa
Maatidaa la dooxaa
Daraasiin qofoo aan
Deelqaaf la iman baa
Loo duubi iilkoo

Dagalkay ka maqan tahay
Dulli baa hadheeyoo
Sharaf baan la deyinoo
Duudsaa ku baahoo
Waa lagu durduriyaa
Taagyare daciifoo
Lama digixoodoo
La isuma damqanayee
Dacar la isu wada qoosh

Dagalkay ka maqan tahay
Cudurada dilaagaa
Daacuun wax laayiyo
Duumiyo kaneeciyo
Daaf kama fogaadee
Durradaa ku can bixi

Dagalkay ka maqan tahay
Dukaanada camiran iyo
Daas lama furaayoo
Daar lama hadhsanayoo
Dagis lama nagaadoo
Cabsi ruux ay daris yiin
Duhniguba ma gamayoo
Dubaqaa warwarayoo
Qixis buu dan moodaa
Lagu sii darleefoo
Diif baa wajahaysee

Nabaddaa dawaayoo
Dalcadaha korkoodiyo
Doox lagu gamaayoo
Duunkana xasilisoo
Diiqad kaa gargaartee

Doonidu intii aan
Duufaan ku kicin bay
Dalandool ku wacantoo
Dal intuu nabdoon yuu
Dayaxiyo higsanayaa
Daruuraha sarreeyee

Sida ubad an dihanoo
Daawashada ku wacan bay
Daryeel nooga mudantee
Dudhurkiyo habeenkiyo
Daakirada jira oo

Sida dayrcad geeloo
Da’dan eegga dhali raba
Bahal dibad wareegiyo
Dugaag looga celin jiray
Waa in loo dadaalee

Hadii aad dadkaygoow
Sida ul iyo diirkeed
Isku duuban tiin abid
Hadii aad dilaalkiyo
Warka diradiraalaha
Dalawyada ka tuurtaan
Daadays ma maraysaan
Iyo meel leh darayee
Dawlad iyo daweynoow
Diiradaa indhaha iyo
Daymada ku fiirshoo
Ruuxii duraayee
Amnigeenan dumin raba
Doc ka wada ahaadoo
Dabarkuu xidhaayiyo
Dabinkiisa siiboo
Inad laba dibleysaan
Deelqaaf ma noqotee
Daw weeye gar ah bee
U daruura gaashaan
Ka xumaan diyaarshoo

Waxse iga dardaarana
Duulkii kibree nacay
Deexdii ilaah iyo
Dabuubtii rasuulkaba
Alle wuu dubbeeyoo
Amnigood dalluun iyo
Iil buu ku duugoo
Faqri buu dul saaree
Maqla Daayinkeenoo
Diinteen ku camal fala
Nabadeenan darartee
Dihin aynu maalnee

Siciid Maxamuud Gahayr
Islamabad,Pakistan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: