TALO KU SOCOTA HAYADAHA NABADGELYADA SOMALILAND

TALO KU SOCOTA HAYADAHA NABADGELYADA SOMALILAND
Waxaan salaamayaa dhammaan ummadda waddankooda jecel ee somaliland, waxaa kale salaan qiima leh mudan warbaahinta danta waddanka fidiya, haddaan ka gudbo salaantaas, oo aan u wareego ujeeddada qoraalkan;

Maanta oo bisha abril ay tahay 5 waxay siyaasiintu isugu hanjabayaan maalinta berri ee Abril lixdeeda ku beegan in ay hoggaanka waddanka kala jiidan doonaan oo haddii aanay isu tanaasulin oo dhakhso aanay miiska u wada fadhiisan iyaga oo eeggaaya danta waddanka oo ay ka waantoobi waayaan ficiltanka oo ay iyagu isu muuqdaan , ay taas sababi karto in ay isku dhacaan oo ay ku gafaan danta dalka iyo dadka aan iyagu itaalka lahayn kuna lee,daan shacabka la liita nolol maalmeedkooda kuna burburo waddankii loo soo halgamay lana soo dhisay siddeed iyo tabanka sannadood, halkaana ku guulaysto cadawgu, laguna noqdo halkii la joogay 1988 oo kolkaas waxaa la eersadaa keligii taliskii siyaad barre, laakiin maanta waxaynu eersan doonnaa gacanteenna,

Haddaba si aan taasi u dhicin waxaa la gudboon hay,adaha nabadgelyadu in ay xil isa saaraan kuna fara adaygaan deggenaansha waddankooda waayo haddii la qaxo ma jirto meel aad ku hadhaan oo waa raacaysaan kii ku adeegsadayna ee aad khaladka ku raacdayna isma taqaannaan ee ogow, waxaan xasuustaa madaxwaynihii waddanka filibiin ee la odhan jiray Markos markii xukunkiisa la diiday waxaa uu doonay in uu xoog isticmaalo oo uu dadka gumaado uu madaxda u ahaa markii uu ku kiciyay ciidankii dalkiisa ee cir iyo dhulba ku weeraro shacabkii uu masuulka ka ahaa, ciidankii markii ay xagga shacabka u kacaan oo uu moodaayay in ay soo gumaadayaan ayay ciidankii la soo safteen shacabkoodii, shacabkii oo naftooda ka quustay markii ay arkeen in lagu soo socdo haddana ay arkeen in aanay dhibaato ula socon waxaa u soo hoyatay farxad iyo rayrayn dabadeedna waa tii la boobay qasrigii uu deggenaa keligii taliye MR MARKOS ee ku baxsay diyaarad ay u keeneen kuwii uu u adeegaayay, waxay ahayd taariikh wanaagsan oo u soo hoyatay dadkii reer filibiin, markaas waddaninimadu waataas ee wax ku qaado.
waxaan ku soo gebagebaynayaa qoraalkan waa in ay ka digtonaadaan hay,adahaasi in ay waddankooda wax yeello u oggolaadaan , waayo maanta somaliland iyaduunbaa gacateeda isku baabi,in karaysa ee ma jiraan cid meel kale uga imanaysaa, taana waa in layska jiraa si aan mar dambe oo aanad waxba qaban karin isu qoomammaynin.

Waxaa kale oo loo baahanyahay in ay wacyi galintii lagu yaqaannay waxgaradka iyo culimdu aanay meesha ka bixin

Wa billaahi tawfiiq
Deeq Cabdi Digale

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: