MAXAAD KA TAQAAN XUQUUQDA MUWAADINKA IYO QODOBADA DAWLADU JABISAY EE DASTUURKA?

MAXAAD KA TAQAAN XUQUUQDA MUWAADINKA IYO QODOBADA DAWLADU JABISAY EE DASTUURKA?
Maxaad ka Taqaan Xuquuqda muwaadinka iyo qodobada dawladu jebisay ee dastuurka Somaliland?
Waxa in badan dawladu Somaliland carabka ku dhufataa qodobo dastuurka Somaliland oo maamulku sheego in lagu xadgudbay. Cidii ay dawladu xidhaysaba waxay sheegtaa inay cuskanayso dastuurka qodobo ka mid ah.Hadaba, bal aan isweydiino oo imisa qodob ayey dawladu ku xadgudubtay oo jebisay hadaba. Waxa dawladu gudoomiyaha guurtida khasab ku saartay jagada iyada oo jebisay qodob sharciga ka mid ah, waxa dawladu xidhay oo mar kastaba xidhaa saxaafada iyada oo jebisay qodobada hoos aan kusoo qornay qaar ka mid ah. Waxa dawladu u diiday inay doorashada u tartamaan ururkii Maxamed xaashi, Jamaal Caydiid iyo gaboose assaaseen iyadoo jebisay qodobo badan oo waliba xabsi u dirtay. Waxa dawladu jebisay xeerarka dastuurka ee xuquuqda muwaadinka boqolaal goor oo aad hoos ka arki doontid. Xukuumada Dahir Riyaale kaahin ayaa hadaba waxa dastuurku dhigayaa in madaxweynuhu 2 goor oo kaliya qaban karo jagada madaxweyne oo uu tartami karo. Doorashada waxa waajib ah in la qabto bil ka hor dhamaadka wakhtiga madaxweynaha sida ku cad qodobada hoose. Hadaba maxaad ka taqaan qodobka Daahir Riyaale la damacsanyahay madaxda Kulmiye si aanay dib oo dambe siyaasada dalka ugu tartamin oo uu qodob sharci u sameeyo? Eeg si fiican u fahan shuruuda murashaxa madaxweyne dastuurku uga baahanyahay in uu buuxiyo (qodobka 82 aad farqada 6aad hoos ka eeg iyo inta qodob ee ay jebisay dawlada riyaale. Hadii aad si fiican u akhrisatid dastuurka waxaad arkaysaa qodobada dawladu jebisay ee ku xadgudubtay dhamaan waana kuwaaa aan hoosta idiinku soo ururiyey anigoo soo xulay xeerarkii dawladu jebisay oo kaliya. Xadhiga shakhsi muwaadin ah waa in uu sifo sharci ah ku yimaado, baadhitaanka guriga shakhsi ama xafiis waa sidoo kale, xoriyadaha dastuurku ina siinayo hoos ka akhri. Qodob kasta waxaad arki doontaa oo xasuusan doontaa dawladu mar ama laba ama ka badan oo ay jabisay iyo ciddii ay dambiga ka gashay. hadii aad tahay qof aad u garaad badan waxaad arki ama xasuusan qodob kasta oo la jabiyey iyo wakhtigii, cidii jabisay iyo cidii lagu gefey. test your IQ
Qalinkii Fuaad Ismaciil
Qoraalka hoose, Xigasho/ Buuga dastuurka Somaliland.
“Qodobka 34aad ururada u gudbi waaya xisbi:
1:Ururada ku guulaysan waaya inay u gudbaan xisbi hasayeeshee, doorashada Golayaasha degaanka ee degmooyinka qaarkood ku guulaysta kuraas, waxa ku waajib ah inay ku biiraan saddexda xisbi ee la ansixiyey midkood.

DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKA MADAXWEYNAHA

Qodobka 35aad
Shuruudaha Murashaxa Madaxweynaha & Ku xigeenka Madaxweynaha

1. Shuruudaha murashaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxay ahaanayaan kuwa ku tilmaaman Dastuurka qodobka 82aad.
2. Xubnaha isu taagaya doorashada Madaweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waa inay ka mid yihiin urur/xisbi diiwaan-gashan ama ansaxsan, soona sharaxay.

Shuruuda lagu dooranayo madaxweyne. Qodobka 82aad farqada 6aad.6. Waa inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland
Qodobka 36aad
Habka Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha

Habka lagu dooranayo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha wuxuu ahaanayaa kan ku tilmaaman Dastuurka qodobka 83aad, faqradihiisa 1,2,3, iyo 4aad.
Dastuurka Somaliland qodobka 83 aad2. Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka 2: Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah
QODOBKA 85AAD
WAXYAABAHA KA REEBBAN MADAXWEYNAHA
IYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA

1. Uma bannaana Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Marwooyinkoodu inay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan.
2. Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo (45) cisho oo isku xiga muddo ka badan sabab caafimaad mooyaane.
3. Hadiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Marwooyinkooda iyo Madaxda sare ee Qaranka ee Ieh muuqaal Qaran iyada oo lagu maamuusayo xilka ay hayaan waxa weeye hanti Qaran.

QODOBKA 89AAD
HABKA BUUXINTA JAGADA BANNAANATAY

1. Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweynaha saddexda sano ee u horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne Ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudohood ah.
QODOBKA 130AAD
DHAQAN GELINTA DASTUURKA IYO
QODDOBADA KALA GUURKA

1. Dhaqan-gelinta Dastuurku waxay ka bilaabmaysaa marka afti loo qaado, natiijada aftiduna soo baxdo, waxana si ku meel gaadha loogu dhaqmi karaa muddo saddex sannadood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhdii uu oggolaaday shirweynihii 3aad ee Beelaha Somaliland.
2. Haddii qabashada aftidu suuroobi waydo muddada loo xaddiday, waxa muddada ku meel gaadh ahaan loogu dhaqmayo Dastuurka kolba kordhin kara Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada).
3. Haddii ay xubin ka mid ah Golaha Guurtida ama Golaha Wakiillada ay ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad waxaa soo buuxinaysa beeshii uu ka tirsanaa inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada.
4. Haddii ay ku timaado asbaabaha ku tilmaaman qodobka 86aad Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, ama midkood, inta laga gaadhayo nidaamaka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiilada iyo Guurtida} ayaa si wada jira muddo 45 maalmood gudahood ah ku dooranaya Madaxweyne iyo Madaxweyne-Ku-xigeen ama midkood, iyadoo xilka jagada bannaanaatay muddada doorashada ka horaysa uu hayn doono Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.
Qodobka 10 aad dastuurka Somaliland.
4. Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal;
QODOBKA 22AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO
IYO XAQA DOORASHADA

1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeya hay in uu ka qayb gab hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, buisho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.
2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay in la doorto, waxna uu doorto.

Qodobka 23 aad Xoriyada is abaabulka iyo dhaqdhaqaaqa muwaadinka.
3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.
QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO
SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA

1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

QODOBKA 27AAD
XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

1. Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.
2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.
3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka­soo qaad ma laha.
4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.
5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.
6. Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go’aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa.
7. Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.

QODOBKA 28AAD
XAQA DACWADDA & ISDIFAACA

1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u Ieh.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.
3. Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa inuu bixiyo difaac lacag la’aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda
QODOBKA 29AAD
XURMAYNTA HOYGA

Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.

QODOBKA 30AAD
XORRIYADDA ISGAADHSIINTA

Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.

QODOBKA 32AAD
XORRIYADDA BANNAANBAXA,
RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE

1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax xeerka waafaqsan.
3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.
Qodobka 35aad isu celinta eedaysaneyaasha.
2. Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: