XIKMAD LEH U BAAHAN IN LOOGA DOODO HORDHACNA U NOQON KARTA XALKA ISMAANDHAAFKA XISBIYADA

XIKMAD LEH U BAAHAN IN LOOGA DOODO HORDHACNA U NOQON KARTA XALKA ISMAANDHAAFKA XISBIYADA
Asalamu calaykum
waxaa jira siyaabo badan oo caalmku u dhaqmo una xaliyo hadii ismaandhaaf soo kala dhex galo asxaabta dalka dalka uk ingriiska waxay ku dhaqmaan nidaamka boqortooyada. waxay leeyhiin sadex xisbi oo waawayn oo kala ah xisbiga lebarka iyo ka liberalka iyo ka conservatifka iyo qaar yaryar oo soo raaca
hadii markaa arin soo foodsaarto khilaafna ka yimaado dhinaca asxaabta siyaasada
waxa fara galin ku sameeya boqorada dalka , waxaanay ka qayb qaadataa xalinta ismaandhaafka
dalka iran oo kale hadii uu yimaado khilaaf la isla garan waayo waxa si toosa usoo faragaliya wadaadka xaga diinta oo loo
yaqaan ayatulaah khumayni, waxaaana asaasay wadaadkii waynaa ee aayatula ruuxulah alkhumayn alaa yarxamu oo sideetanaadkii ahaa
ninkii sameeyay kacaankii iran iyo dawlada islamic repuplic of iran
dalka pakistan ayaa asagana haduu khilaaf yimaado waxa si toosa talada ula wareega ciidanka qalabka sida quwadna ku maareeya

hadaba somaliland hadii khilaaf yimaado , islamarkaana ay is khilaafaan asxaabta muxaafidka iyo mucaaridku
ma leenahay meel taladu u noqoto xalna u hesha dhibaatada
1, ma baarlamankaa
2,ma guurtidaa
3ma shacbigaa
4, ma salaadiinta iyo cuqaasha iyo geedkii oo la tagaa
5 MA CULIMADA DIINTA iyo wadaadada ayaynu la kaashanaa
halkee maanta haboon ee aad odhan kartaa waa xalka loo mari karo ismaandhaafka jira
mise waynu iska daawanaa oo ninkii ku awood bata ayaynu ka dhursugnaa
mise waxaa haboon in baarlamanku ka qayb qaato xalka mashkiladan mudo kordhinta
ma asxaabta qaranka ayaynu isu daynaa halkay talo dhigaana eegnaa
WAXA HABOON IN LA HELO CID GARSOORE NOQOTA RUNTANA UKLA SHEEGA QAYBAHA AY KHUSAYSO
maaha in aynu la yaabno haday asxaabti is qabtaan, waayo ayaguba waa bani aadam waanay qaldami karaan
taladuna marbay seegi kartaa [nin habri dhashay hal maseegi waayin], balse waa in garab la siiyaa loona tilmaamaa danta qaranka iyo midnimada shacbiga wixii u dana inay isla helaan

hadaynu usoo noqono maanmta ta ka taagan somaliland waa arin ku salaysan DOORASHO DALKA KA DHACDA IYO KORDHINTA DAWLADA LOO KORDHIYAY MUDADA XILKA
mucaaridku way diideen mudada guurtidu qabatay
balse maamulka dawladu waa soo dhaweeyay muda kordhinta
codkii guurtidu ku foodeen mudo kordhintu wuxuu ahaa
waxa halkaa kuu cad in markaa lagu kala qaybsanaa mudo kordhinta balse ay haboon tahay in la xuso in cod iyo food lagu ansixiyay
mucaaradku waxay tixraaceen asbaabihii loo cuskaday mudo kordhinta waxaanay xaqiijiyeen in aanay jirin wax duruufa oo hada kalifaya
in maamulka loo kordhiyo mudo kale
waxa haboon in la xuso in dawlada mar hore loo kordhiyay taas oo mudo ku dhaw hal sano ka hor ahayd
tana ay tahay markii labaad ee loo kordhiyo
hadaba akhristoo waxaan haboon in la qiiimeeyo in doorashadu aanay ka baaqan waqtigeeda, lana qabto waqtigeeda loona qabto si hagar la,aana hawsheeduna noqoto qac rijaali oo hal mar lays dhaafiyo
sidaana loo haneeyo halyayggii shacabku doorto , sidaana uu talada dalka ku hogaamiyo kuna hawlgalo

waxa kaloo ayaduna xusideeda mudan in sharcigu baneeyay ama ay ku taalo in hadii duruufo yimaadaan
la hakiyo doorashada dalka ilaa inta la xalinaayo duruufahaa jira
sidee markaa aynu u qiimayn karnaa duruufaha ay cuskadeen kolaha guurtidu
waxa ayaguna hada ka hor saxaafada u bandhigay gudida komishanka oo sheegay in aanay soo gaadhin kharashkii lagu hawlgali lahaa
asbaabaha jira ee loo cuskaday mudo kordhinta ma yihiin qaar aa taageersantahay?
maxaad ku diiday ama aad kaga soo horjeedaa?
maxaad ku ogolaatay oo aad ku taageertay?
ka dhiibo fikradaada adoo adeegsanaaya qodobo muhiima oo xaqiiqda waafaqsan
yaanay kaa awood badan caadifad iyo shakhsi jeclaysi ama xisbi taageerid
si daacada u tilmaan midhka aad door biday ee kula quman una soo bandhiga saaxiibkaa waxaad ku QANCISO

hadaba dood caafimaad qabta aynu ku deeqno inagoo isla qaadaa dhigayna ama tixraacayna arimaha horteena yaala
waxa ila quman in shacbigu is abaabulo arinkana ka qayb qaato
hadiise aynu cay iyo dacaayad iyo aflagaado ku soo bandhigno websityada iyo jaraaidka waxaan qabaa in aan la helayn xal midnimo
waxa runtii in laga xumaado ay tahay in maalinkasta nin siyaasiya la dhaleeceeyo
waxaa maalmahan danbe aad u batay aflagaadada lagu hayo masuuliyiinta ama muxaafid ha ahaado ama mucaarid ha ahaado
taasina waa mid baalmartay milgihii iyo dhaqankii umadeena ,
dimuquraadiyadu iyo xoriyada hadalku maaha in aynu sidii la doono loo hadlo oo aynu ku fogaano shaksi iyo xisbi
waxaa ogaataan in dhamaan SIYAASIYIINTA IYO ASXAABTUBA AY MATAlAYAAN SOMALILAND
markaa waxaan qabaa in nin waliba asagu is caayayo
GABO GABADII
1, mee doorkii uu kulahaa baarlamanka dalku arintan ayada ah, ?
2, mee doorkii shacbigu kulahaa arintan?
3, asxaabta udub , kulmiye , ucid ma garan waayeen isu kaalaya kana wada tashada arinkan xalna u hela?
TALO AAN SOO JEEDIN LAHAA
waxaan odhan lahaa GUDI KA MADAXBANAAN QAYBAHAA IS HAYA ha la abaabulo
hana keenaan talo iyo maskax caafimaad qabta oo ina tusta dariiqa haboon EE LA ISU WAAFAJIN LAHAA MIDNIMADA ASXAABTA IYO DASTUURKA DALKA IYO XAQA MUWAADINKA
laakiin hadii fadhiga la macaansado waxay leedahay mishkiladeeda,
BALAAYANA KA HORTAGBAY LEEDAHEE KA DABA TAG MALAHA
siciid cabdi dheen
dheen12@yahoo.com
london uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: