HEES CUSUB OO HAMBALYO AH DIYAARADA ZUHUURA AIRWAYS ABWAAN FARTAAG

HEES CUSUB OO HAMBALYO AH DIYAARADA ZUHUURA AIRWAYS ABWAAN FARTAAG

Abwaan Axmed Cadilaahi Maxamuud
{Axmed Fartaag} Doha Qadar
kusoo dhawaada Hees cusub oo aan u tiriyey Suhura Airways
waa diyaarad wadaniya oo dadkeenii loo furay Hambalyo

Heestii Hambalyo

habeen iyo dharaartii
ilaa hiirta waabari
hadkastaba suhurbaa
heeganoo diyaaree
ha halmaamin dhoofkee
hubso oo suhuur raac

hawadiyo daruuraa
adaa haada dhaafoo
heer sare maraayee
hambalyan suhureey
hadyad kaaga dhigayaa

holan keena joogiyo
ka hargaysa yaala
is haleeli doonoo
hadhwanag isugu iman
hadal waa halkiisee
haadin doona sheekada

hawadiyo daruuraa
adaa haada dhaafoo
heer sare maraayee
hambalyan suhureey
hadyad kaaga dhigayaa

hayin heeryo qaado
haama ladhaansado
hogaankaba yaqaanoo
habsan male suhuroo
halkii aad usocotay
hawl yari ku geeyaan

hawadiyo daruuraa
adaa haada dhaafoo
heer sare maraayee
hambalyan suhureey
hadyad kaaga dhigayaa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: