HAMBALYO KU SOCTA XISBIGA UCID GOGOSHA AY U FIDIYEEN UDUB IYO KULMIYE

HAMBALYO KU SOCTA XISBIGA UCID GOGOSHA AY U FIDIYEEN UDUB IYO KULMIYE
waxa aan hambalyo udirayaa xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee ucid sida xilkasnimada leh ee ay dusha ugu riteen inay bakhtiyaan qaraxa siyaasadeed ee waayadan ka holcayay jamhuuriyada curdinka ah ee jamhuuruyada somaliland kaas oo cirka iku shareeray kadib markii golaha guurtidu ay mudo lix bilood ah u kordhiyeen madax waynaha iyo madaxwaye ku xigeenka
arintan oo kafarxisay cadowgii somaliand waxay hoos idhigtay niyada shacbi waynaha reer somaliland oo jaah wareer ka qaaday hadalada qaawan ee ayay dowlada iyo xisbiga kulmiye media isku marinayaan
hadaba wax ilaahay lagu mahadiyo ah in maanta xisbiga ucid uu u istaagay in uu isku soo dhawayo labada dhinac oo ay miiska wadahadalada soo fadhiistaan oo arinta wadhadal lagu dhameeyo xisbiga ucid maaha markii ugu horaysay ee ay dalkan badbaadiyaan tan iyo markii lagalay doorshadii ugu horaysay ee madax tooyada 2003
tiraba dhowr marxaladood oo qalafsan ayaa xisbagan ucid uu xalkeeda lahaa
tana waxa aan leeyahay walaalayaal wada howsha aad u istaagteen ilaahayna haydinku garab galo
akhriste ma iswaydiisay
sababta uu xisbiga ucid mar kasta uga hadlo danta guud
jawaabta dadwaynaha ayaan udhaafaya
mase is waydiisay waxa ay udub iyo kulmiye isku hayaan ee ay markasata dalka khalkhal u galiyaan jawaabtu su aashan waxa kajawaabay gudoomiya xisbiga ucid eng faysal cali waraabe oo yidhi waxaa aan qabaa hadii labadan xisbi danta guud ay kawada shaqaynayaan in ay arintooda wada hadal ku dhamaysan lahaayeen
udub iyo kulmiye midkoodna masiirka umadan kama shaqayno
alaylahe hadalkan waa dhab maanta hadii danta guud udub iyo kulmiye isku hayaan ismabay qabteen maatida iyo maxastana kamay nixiyeen oo durbaan colaadeed umay tumeen

farxaan muuse
wadne2003@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: