MAXAA MURANKA GELIYEY DASTUURKA SOMALILAND DHIGATAY?

MAXAA MURANKA GELIYEY DASTUURKA SOMALILAND DHIGATAY?
Waxaan salaamayaa ummadda somaliland meelkasta oo ay joogaan, waxaa
iyana salaan qaddarin mudan leh warbaahitooda wanaagga dalkooda xeeriya,
Haddaan ka gudbo salaantaas , oo aan u soo noqdo ujeeddada qoraalkan,

waxaa la ogyahay adduunka aynu ku noollahay waxaa la dhigtay wax lagu
kala dambeeyo oo ah qaanuun ama distoor kaas oo keena kala dambayn ,
wada noonaansho, walaalnimo, xorriyad, isu arxamid oo marka laysu
arxamo sida ilaahay innoo sheegay la helaayo raxmaddiisa, shararaf iyo
raaxo, ciddii ku xadgudubtana ama ka hor timaadda uu yahay dambiile oo
kuna gafay sharcigii laysla dhigtay laguna abaal mariyaa ciqaab aanu
jeclaysan si looga waantoobo,

Markaas waxaa shacabka somaliland dhegahooda ka batay distoorkii laysla
dhigtay oo alysku haysto ama lagu muransanyahay oo waxaad arkaysaa
asxaabta qaranka ama golayaasha oo ku muransan hal qodob iyo faraqiisa
oo mid waliba ku doodaayo in uu isagu hagaagsanyahay, iyaga oo markaad
u fiirsato aad arkayso in ay aad u kala fogyihiin waxa ay ku kala
doodayaan, haddana qodob keliya ka wada hadlaaya, tusaale haddaynu u
soo qadanno arrinata immika taagan ee muddada loogu kordhiyay
xukuumadda, iyadau waxay ku doodaysaa qodobka 83 inuu u jideeyay in
xukunka ay uga degi karaan madaxwayne iyo ku xigeenkiisa la soo
doortay, hadddii xaalad degdeg ay timaaddana ay sii joogi karan inta ay
dhammaanayso,

mucaaridkuna waxay leeyihiin way idinka dhammaatay shantii sannadood ee
laydin soo doortay ee doorasho ha la qabto, taasoo ilaa hadda aan
suuragelin,
odyaashii ka talinta nabadagelyada ama golaha guurtiduna waxay
miciinsadeen muddo kordhin si aanu waddanku qalaase u gelin inta ay ka
heshiinayaan kuwa kala dhammaan kari waayay, inkastoo mucaaridku ay
leeyihiin guurtida laftooda ayaan sharciba ku fadhiyin,

golaha ay shacabku soo wakiisheen ee wakiilladuna waxay leeyihiin,
golaha guurtidu xaqbay u leeyihiin wixii ay gaarkooda iskugu raacaan
ama dan moodaan in ay ku taliyaan oo la raaco, waxan oo dhammi waa
qodob keliya, markaasaad is odhanaysaa yaa hagaagsan oo qodobkan
raacaya, mana dhici karto in ay wada qummanyihiin, waxa kale oo
iswaydiin mudan yaa kala saari kara, haddiise ay jiraan maxay isugu
eegayaan, taas oo runtii qiima ridaysa nidaamkii dawladeed iyo ku
dhaqankii sharcigii laysla dhigtay ee loo baahnaa in la wada ilaaliyo,
waana ta keentay in waddanku kolba isaga oo jar ka laallaada odayaashu
ka soo dhuftaan si kasta haw maammulaan iyaga iyo aqoontood.

Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in la wada ilaaliyo qaanuunka waddanka
u yaalla oo meel looga soo wada jeedo waayo haddii xaq wax lagu waayo
xaqdarro waxba lagu helimaayo, waxaa iyadu meesha taalla in laga
ilaaliyo shacaka jaha wareerka iyo baal maridda sharciga loona horseedo
hannaan wanaagsan iyo horumar la taaban karo, waxaana sharaf mudan
muwaadiniinta somaliland ee ku fara adaygay jiritaanka dalka iyo
adkaynta nabadgelyada oo aan iyagu ka daalin taas dhegna aan u dhigin
kuraasida la kala jiidanaayo.

Wa billaahi tawfiiq
Deeq Cabdi Digale

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: