UDUB INTA SAAXADA WARBAAHINTA UGA HADASHAA WAA INTA XILKA HAYSA IYO WAXA AY DHALEEN OO KALIYA!!!!

UDUB INTA SAAXADA WARBAAHINTA UGA HADASHAA WAA INTA XILKA HAYSA IYO WAXA AY DHALEEN OO KALIYA!!!!

Udub inta saaxada warbaahinta uga hadashaa waa
inta xilka haysa iyo waxa ay dhaleen oo kaliya!!

Sida aynu wada ogsoonnahay saaxada warbaahinta ayaa waxay maraysaa meel aad u xasaasi ah iyadoo xaalada dalku galayaa ay tahay mid cakiran. Hadaba Xisbiga udub ayaa dadka uga hadlaya ama ka taageeraya saaxada warbaahineed sida, telefiishanada, wargeysyada, iyo shabakadaha internet-ka ayaad isodhanaysaa taloow maxaa ka si ah dadkan oo wareeriyey. Runtii dadka UDUB dufaaca ee taageersani hadii aad u fiirsataan magacyadooda iyo taariikhdooda, waa qaar xil ka haya xisbiga udub ama dawlada ama inta ay dhaleen ragga wasiiro isku sheega ah ee boobaya hantida shacabku.

Hadaba yaa u kala garnaqi doona Dadka axsaabta kala duwan taageersan ee ku soo qora idaacadaha wararka taageerada xisbiyada?

Waxa dhacday in ninkii la odhan jirey ina Sanweyne iyo rag ay ilmaadeeryihiin ay weerar qaadeen, weerarkii ayaa ina Sanweyne uu ku qabsaday Faras, hadaba rag damac kama dhamaadee faraskii ayaa waxa iska kaxaystay nin kale oo tolkii ahaa. ina Sanweyne iyo ninkii kale ayaa loo garnaqay oo la isugu keenay geedkii. ina sanweyne wuxuu yidhi waxaan doonayaa horta ninkii garta goyn lahaa. ninkii aw Xuseen runta u sheegi lahaa ee ku xukumi lahaa wuu diidiye, ninkii fadhiisin lahaa garta wuu ka kiciye..
Hadaba kolkii geedka laysugu yimid ayuu ina Sanweyne isha mariyey ragii geedka yimid, wuxuu arkay rag aad u fara badan oo daba socda aw xuseen oo ahaa nin hanti badan oo xidid iyo xigaalba rag u ah fadhiyaan geedka.

Ina Sanweyne wuxuu yidhi sedex nin gartayda ma galaan ee geedka haysaga kacaan.
wuxuu yidhi, sedex ma galaan gartayda, alle ma yaqaan, aniga ima yaqaan, iyo aw xuseen aqoon gartayda ma galaan. Kolkii ragii qaar ay saxiibo ahaayeen odaygu kaceen ayuu hadana arkay iyadoo rag kale oo la dhalay ama xidid u ah aw xuseen iyo qaar reerka ku dul nool ay wali sii fadhiyaan geedka.
Wuxuu yidhi, Nacfi jiid, naas jiid, iyo lug jiiid midna ma galo gartayda.
Hadaba halkii ayaa ina sanweyne gartii ku helay kolkay ragii ka wada kaceen odayga daba socday.
Waxa hadaba isweydiin leh yaa u kala garnaqaya raga udub iyo raga kulmiye ee idaacadaha wararka ka fidiya.
Waxaan leenahay horta Kulmiye wali wax xil u haya oo ka hadlaya idaacada way yaryihiiin ee shacabkii dalka lahaa ayaa ka gadoodsan gefka guurtida iyo odaygu geysteen.
Waxa’se la’yaableh in raga udub u qaylinayaa ay dhamaan yihiin rag xil ka haya ama la dhalay. waxaan leenahay raga uduboow ha ku sifoobina rag shilinku ka hadliyo nacfiga yar eed ku qabtaan riyaale intee idin wadaysaa?

Gunaanad.
Waar raga wararka qorayooow dadka dalka iyo danta umadu ka weyn nin dheef ku haysta riyaale iyo shakhsi ee dantaada iyo ta shacbiga kala garta. Umadu waa inay iska garataa ninka Riyaale ku dufaacaya kursiga uu ku haysto iyo dantiisa gaarka ah iyo ka la dhalay ee aabihii xilka hayo, iyo ninka xaq u didrirka ah ee ka doodaya khalkhalka, dhaawaca iyo dhibta loo geysanayo dalka iyo dadkaba. raga idaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geel.
waxaan idin leenahay raga wali udub u qaylinayoow meesha waad ku magac beelaysaan uun ee isku xishooda dadku wuu idin garanayaa oo wuu ka gudbay oo idinka quusay shacabkuye.
Fu’aad Ismaciil

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: