NABADDA IYO BARWAAQADU WAA MATAANO, COLAADDA IYO ABAARTUNA WAA WALAALO.

NABADDA IYO BARWAAQADU WAA MATAANO, COLAADDA IYO ABAARTUNA WAA WALAALO.
Waxaan salaamayaa dhamaan shacabweynaha iyo dhamaan hawl-wadeenada
warbaahinta Soomaaliland. Salaantaas kadib waxaan ka codsanayaa dhamaan
muwaadiniinta reer Soomaaliland inay ilaahay ku mahadiyaan nabadda iyo
xoriyadda uu siiyey, labanlaabaana howshooda si ay u adkeeyaan
amnigooda,kuna fekeraan inay kasii hore maraan halkay maanta taagan
yihiin. Dad badan baa laga yaabaa inay is weydiiyaan maxay tahay
barwaaqadaanu haysanaa? laakiin ogoow nabad barwaaqo ka weyni ma jirto.

Haddii qofku nabad haysto wixii horumar ah ee kale isagay ku xidhan tahay kartidiisa iyo dadaalkiisa.
Akhristayaal inta badan bini,aadamku ma qiimeyn karaan xaaladda ay ku jiraan ,ilaa ay mid ka duwan galaan mooyee.
Maanta shacabka reer Soomaaliland waxay u baahan yihiin in ay qiimeyn ku sameeyaan waxyaabaha ay xukuumadda jirtaa qabatay.

Qof kasta oo caqli fayoow ku fekerayaa wuu garan karaa waxa u qabsoomay xukuumadda maanta talada haysa.

Soomaaliland waa dal yar oo janno ah,balse ku dhexyaal cadaabta geeska
Afrika,waa dal aan aqoonsi ka helin bulshada caalamka,balse shacabkiisu
tashaday oo nabadgelyo,shuruuc iyo kala dambeyn iwm samaystay, markaa
iyadoo duruufahaas oo dhami jiraan xukuumadda waxqabadkeeda waa ku
amaanan tahay.

Waxa la hirgeliyey doorashooyin,waxa la dhisay qaybihii kala duwanaa
ciidamada qaranka,waxa shaqeeya hay’adihii dowladda oo dhan,waxa la
sugay xuduudihii oo dhan, waxa albaab walba loo garaacay helidda
aqoonsi caalami ah.

Waxaan usoo jeedinayaa dhamaan qaybaha ururada
bulshada,xukuumadda,xisbiyada qaranka,gudida doorashooyinka,shacabka in
la taageero oo loo hogaansamo go,aankii dhowaan golaha guurtidu
gaadheen.

Golaha guurtidu waa muraayaddii ama kamaraddii arkaysay waxa soo socda,
isla markaana ka sameeya diyaargaroow si ay bulshada uga moosaan wixii
daadad ku fatihin kara,wixii wanaagsanna soo dhoweeya.

Goluhu inuu nabad talis yahay sabti ayaay nabad iyo naruuro ka
taliyeen, axadiina gu,gii baa curtay,markaa miyaan la odhan karin
nabadda iyo barwaaqadu waa mataano,halka colaada iyo abaartuna ka
walaalo yihiin.
Ragga soo arkay dhib,dagaalo lagu hoobtay iyo qax ee maanta durbaan
colaadeed garaacayoow waxaanu leenahay maya colaad, maya abaar, haa
horumar.

Nabad, barwaaqoiyo horumar ayaan u rajaynayaa Soomaaliland
Jaamac Ducaale
jaamacducaale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: