JAALIYADAHA GOBOLADA COLORADO,NEVADA, UTAH,NOTHERN TEXAS, KANSAS,NEBRASKA OO CAMBAARAYNAYA MUDDO

JAALIYADAHA GOBOLADA COLORADO,NEVADA, UTAH,NOTHERN TEXAS, KANSAS,NEBRASKA OO CAMBAARAYNAYA MUDDO

JAALIYADAHA GOBOLADA COLORADO,NEVADA, UTAH,NOTHERN TEXAS, KANSAS,NEBRASKA OO CAMBAARAYNAYA MUDDO

JAALIYADAHA GOBOLADA COLORADO,NEVADA, UTAH,NOTHERN TEXAS, KANSAS,NEBRASKA OO CAMBAARAYNAYA MUDDO

KORDHINTA GUURTIDU SHEEGTAY.

Anagoo ku hadlayna codka shacabka, muwaadinka Somaliland, gaar ahaan jaaliyadaha gobalada galbeedka maraykanka, Colorado,Neberaska, northern Texas, Nevada, Utah, Kansas iyo inta kale eenu mawqif wadaagta nahay. Anigoo ku hadlaya codka shacabka Somaliland isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka gobolka Coloraado ahna xidhiidhiyaha gobolada dariska, waxaan halkan ka cambaaraynaynaa oo diidannahay muddo loo kordhiyo maamulka Daahir Riyaale kaahin. Anaga oo cuskanayna qodobada dastuurka Somaliland ee qayaxay in doorasho xalaal ah shacbigu ku doorto madaxweyne iyo ku xigeen muddo shan sano ah, anaga oo tixgelinayna xuquuqda muwaadinka xorta ah ee codka bixiya, anaga oo qadarinayna nabada, xasiloonida, dimuquraadiyada, cadaalada iyo sinaanta shacabka Somaliland, waxaan leenahay guurtida iyo dawladuba waxay ku geffeen xilkii iyo waajibaadkii loo igmaday. sidaa darted waa in aad ka noqotaan mawqifkiina muddo kordhin. Waa in loo noqdaa in doorasho xalaal ah ka qabsoonto dalka oo laga waantoobo kala fogaynta, niyad jabka, iyo naaquska dimuquraadiyada, nabada iyo geedi socodka dalka.

Waxa muhuum ah in la xasuusto in xilka shacabka loo hayo oo danta dalka iyo dadkuba ka weyntahay shakhsi kursi doon ah iyo shakhsi kursiga isaga fadhiya waligii. Waxaan leenahay nadaamka muddo kordhintu wuxuu dhaawacayaa ictiraaf dalkani helo iyo aragtida nabada, degenaanshaha, xasiloonida iyo wada noolaanshaha shacbiga Somaliland. Sida aan wada ogsoonahay waxa deeq bixiyeyaashu inagu xidheen cadayn sidii loo isticmaalay kharashkii doorashada ee hore. Sababta laynoogu xidhayo ayaa ah in la arko in aanu nahay dad maamulkooda, iyo jiritaankoodu uu ka go’anyahay iyo in aan nahay dad iska riyoonaya oo xiise dharaaro ah ku sheeganaya wadannimo iyo gooni isutaag.

Hadaba waa in laga jibbo keenaa oo laga noqdaa danaysiga ku salaysan shakhsi iyo xisbi gooni ah. Waa in loo noqdaa dimuquraadiyadii iyo dhabbada horumarka leh ee dalkani haystay wakhtiyadii hore.

Waxaanu taageersannahay doorasho xalaal ah oo loo qabto sida ugu dhakhsaha badan waxaanu diidnay oo cambaaraynaynaa oo dhaleecaynaynaa in muddada loo kordhiyo maamulka iyadoo mar hore loo kordhiyey oo xilkoodii ka soo bixiwaayey. Waxaan leenahay ma ogolin guurtiyeey muddo kordhin ee doorashada qabta si xisbi waliba calafkiisa u qaato. Shacabku waxay ku kala dooranayaan waa waxqabadka dawladu muujisay, iyo xisbi kastaba mawqafkiisa siyaasadeed horumar, dhaqaale, iyo daacadnimada laga arko.

Wa bilaahi tawfiiiq. Fu’aad Ismaciil.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: