YAA U FASAXAY GUURTIDA IN AY U CODEYAAN DAWLAD WAKHTIGEEDI DHAMAADAY?

YAA U FASAXAY GUURTIDA IN AY U CODEYAAN DAWLAD WAKHTIGEEDI DHAMAADAY?

Yaa u Fasaxay Guurtida in ay u Codeyaan Dawlad Wakhtigedii Dhamaadey?

Wakhtiyadii aynu soo marnay waxa hubaal ah in shicibka Somaliland ka dharagsanyahay dhacdooyinkii inala soo darsay iyo mahadhooyinkii ay inagaga tageen. Hadaba maamulka dawladdeed shacbigu wuxuu doortay waa mudo shan sano ah, haddii ay dhamaatay mudadii cod bixiyeyaashu ku saareen xilka madaxweynaha dalka Daahir Riyaale Kaahin, yaa u amray ama siiyey awooda ay guurtidu ugu kordhinayso sii haysashada ama wakhtiga ee ay go’aansadeen? Su’aasha kale ee isweydiinta mudani waxa weeyi, shicibkii codayn jiray iyo golayaashii kale, ururadii siyaasadeed ee kale miyaanay gef iyo khalad ka galin guurtidu, kol hadii aanay midna kala tashan go’aanka ay iyagu qaateen? Sida aynu la wada socono cod bixinta lagu doorto madaxweyne ama ku xigeenkiisa waxa iska leh shacbiga talada u dhiibanaya murashaxyada tartamaya, Sidaa darteen maaha in guurtidu u gefto shacabka oo iyagu isu arkaan gole go’aan iska gaadhi kara oo sharciga iyo shicibkaba baal mari kara. Waxa iyana khalad ah in xisbiga uu matalayo madaxweyne Daahir Riyaale aqbalo mudo kordhin oo u dhaqmo sidii inan yar oo guri dambeys ah oo aabihii uga hiilinayo intii kale. Hadaba Madaxweynaha waxa la gudboon in uu shacabka uga jawaabo su’aasha ah intee ayaad wadaysaa mudo kordhin iyo musuqmaasuq aad ku haysatid xilka shacbigu kuu dhiibtay?

Qosolka Riyaale iyo qoomamada shacbigu waa laba aan isqaban! Waxa hubaal ah in madaxweynaha aanay kooxda yar ee musikada musuqmaasuq u tumaysa ee kugarab taagan in aanay waxba kaaga tari doonin in shicibku kaala xisaabtamo amaanada ay kuu dhiibteen iyo waliba in Illahay kaa xisaabin doono oo aanay dhinaca kuu gali doonin raggani maalin kale.

Hadii aan si kooban usoo gunaanado, waxaan kula talinayaa xisbiga madaxweynaha iyo Madaxweynahaba in ay ka waantoobaan soona afjaraan khilaafka taagan iyo tabashada shicibka, axsaabta kale iyo ururada bulshadu ay ka gilgilanayaan. In madaxweyne aad ka soo baxdaan xilka iyo amaanada laguu dhiibtey, oo aad gudataa waajibka ku saaran ee ah qabashada doorasho xalaal ah.

Guurtida waxaan leeyahay, xilka, waajibka, ama amaanada la idiin doortay ka-weyn Xoolo jeebka laga bixiyo iyo shakhsiga kula xisbiga ah.

Inkasta oo la idinka soo doortey xisbi gaara, hadana shaqada waxaad u haysaan shicibka oo masuuliyada idiin igmaday. Waxa loo shaqaynayaa waa shicibka ee ixtiraama oo waa in aad gudataan waajibka la idinka sugayo. Illaahay ha idin garansiiyo waddada toosan, iimaanka, garraadka, miyyirka iyo maankana ha idiin xasiliyo.

Allaa mahad leh:

Fu’aad Ismaciil.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: