MAXAA ODAYAASHII GUURTIDA KALA QAYBIYAY? QALINKI DEEQ CABDI DIGAALE

MAXAA ODAYAASHII GUURTIDA KALA QAYBIYAY? QALINKI DEEQ CABDI DIGAALE
Waxaan salaamayaa dhammaan shacabka somaliland, waxaa kale oo salaan qaaliya mudan warbaahihinta heeganka ugu jira horumarka dalka .

Haddaan ka gudbo salaantaas oo aan u soo noqdo nuxurka ama ujeeddada qoraalkan , madax dhaqameedyada somaliland waxaa lagu yaqaannay marka khilaaf yimaaddo in ay kulmaan oo labada dhan ee is haya ka kala yimaaddaan iyaga oo metelaaya kalsoonina ka haysta cidda ergada u soo diratay , markaasna ay soo saaraan arrin ay ka midaysanyihiin oo xiisaddii taagnayd sidaas ku dhammaato,

Haddaba waxaa iswaydiin mudan odayaashii milgahaas lagu yaqaannay ee haybadda ku lahaa laguna ixtiraami jiray maxaa iska beddelay, haddaan su,aashaas ka jawaabo, odayaashii may wada qiima dhicin ee waxaa qiimahooda ku gafaaya qaar aan odaynimada u qalmin oo siyaasad ku qaldaaya,taas waxaa kuu caddaynaaya sida ay ugu kala qaybsameen kulankoodii qabsoomay 28/3/09 kana arrinsanayeen xaaladda dalku ku jiro oo aanay ka soo saarin mawqif ay ka midaysanyihiin oo arrinkay isugu yimaaddeen tira badani ka soo hor jeesteen qaarna iskaba aammuseen kuwaas oo ku gafay odaynimadii loo xil saaray heshiisna aan u wadin ciddii soo xil saartay,

Waxaan ku soo gebagebaynayaa.

waxaa habboon in ay odayaasha guurtidu kuwaas iska dhex saaraan oo ay iyagu gudohooda iska shaandheeyaan si qiimihii odaynimadu meesha uga bixin kalsoonida ummadda ay meteleyaanna loo waayin

Wa billaahi tawfiiq
Deeq cabdi digale

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: