KULMIYOW KOLKANA WAA LOO KORDHIYE KADABA DHAHA EE KADABAA, KADABAA, KADABAA

KULMIYOW KOLKANA WAA LOO KORDHIYE KADABA DHAHA EE KADABAA, KADABAA, KADABAA
KULMIYOW KOLKANA WAA LOO KORDHIYE KADABA DHAHA EE KADABAA, KADABAA, KADABAA

Qaybtii 1 & iyo dhammaadkii

Somaliland waxay hore u diidey in Xamar laga daaro immikana diyaar umma ah in qurba joogtu London iyo Newyork ka maamusho.

Guurtidu waxay dhaankii u negeysey ee doorashadii dib ugu dhigtay iyada
oo dhawraysa duraafaha gaarka ah ee dimoqraadiyada socod baradka ah,
iyada oo tixgelineysa dhawaaqa iyo codka muwaadinka aan lahayn labada
dal-ku –gal amma laba dhalasho., iyada oo tixgelineysa cimilada gaarka
ee Somaliland oo doorbidaysa xilliga laga codayn karo ogadeeda iyo
gubankeedaba, iyada oo ka duuleysa oo ixtiraamaysa Hay’addihii loo
igamadey abaabulka doorashooyinka qaranka.

Aniga siday ila tahay waa go’aan aad looga baaraan degey oo soo
gabagabeyn kara murankii iyo ismaandhaafkii golayaasha Axsaabta Qaranka
oo mudan in lagu dhaqmo.

Golaha Guurtidu sida aynu la wada socono waa gole taariikhi ah oo
dhismaha Somaliland iyo kala badbaadintii beelaha iyo dhismaha
Hay’adihii dawladaha ee maanta jira oo dhan sal iyo asaas u ah.

Kaalinta Guurtidu ka jirto Somaliland iyo taariikhdii ay soo martay
waxaad ka akhrisan kartaa buuga la yidhaa Dhaxal reebtay oo uu qore
Muddane Cabdi Yusuf Ducaale (Boobe). Waxaad akhridaa faqradaha uu kaga
hadlayo Guurtida.

Maxay Guurtida kaga duwan tahay Golayaasha kale ee Somaliland iyo Golayaasha Dhexe ee Axsaabta Qaranka?

Golaha Guurtidu beelaha waa ka xor oo mid ay cod iyo aqoonsi gaar aha
ka doonayaan ma jirto. Axsaabta way u simana yihiin oo mid gaar ay
darajo ka goynayaa amma u kordhinayaa ma jiro. Distoorka iyo duruufaha
ayuun bay tixgeliyaan.

Golaha guurtidu waa gole aqalabiyada xubnahoodu ka kooban yahay
muwaadiniinta aan laba dalku gal haysan. Waa gole xubnaha aqlabiyadood
dhammaan goob joog u ahaayeen go’aamadii iyo daruufihii ay Somaliland
soo martay oo dhan.

Xubnaha Golaha Guurtidu tartan ugu ma jiraan jagooyinka Qaranka iyo mid ka saraysa tay ay hayaan.

Golaha Guurtidu xilal iyo wasiiro ma bixiyaan, cidna umma ballan
qaadaan, sidaa daraadeed kooxaha u tartamaya kuraasidu xidhiidh lama
laha oo go’aamadooda arrintaasi saamayn kuma lah.

Golaha Guurtidu wuxuu mar walba xidhiidhka ugu badan iyo tixgelinta
mawaadinka dhabta ah ee aaminsan dalkiisa hooyo miyi iyo magaalaba.
Golaha guurtidu xidhiidh lama laha Qurba joogta oo maal iyo taageero
kama raadsadaan. Qurba joogtuna xidhiidh lama laha oo jagooyin umma
doontaan.

Golayaasha Axsaabta Qaranka

Golayaasha Axsaabta Qaranka waxaa xubnahooda ku badan Qurba joogta,
haba ku sii kala bataane. Go’aamadooda inta badan ma tixgeliyaan danaha
reer miyiga iyo mawaadiiniinta magaalooyinka ee waxay had iyo jeer
iswaafajinayaan danahooda gudaha iyo qurbaha.

Waxay Golayaasha Axsaabta Qaranku tixgelin siiyaan oo dhegeystaan
talooyinka taageerayshooda ku nool Yurub iyo Amerika. Bal u fiirso
immika qaylo dhaanta dhacaysa.

Markaad eegto go’aanka Golaha ee ku salaysan cimilada dalku ma anfacayo
Axsaabta mucaarid ka ah oo maal iyo talaba ku tiirsan qurba joogta.
Waxaa is waafiqi waayey Xilliga Guurtidu u qoondaysay doorashada iyo
Xilliga Qurba joogta Yurub iyo America fasaxa yihiin oo ah Juulay iyo
August.

Golaha fulinta amma dawladda

Golaha fulinta ee uu Madaxweynuhu guddoomiyaha ka yahay waa golaha
ilaalinta distoorka, wixii lagu heshiiyo, aammanka qaranka iyo fulinta
iyo kormeerka addegyada asaasiga ah ee bulshada u baahan tahay iyaga oo
kaashanaya shacbiga iyo golayaasha distuuriga ah.

Wuxuu ka kooban yahay xubno ka tirsan xusbiga hadba talada hayaa oo
manta UDUB ah waxay ka soo kala jeedaan qurbo jog iyo saba oolba.
Dhaliisha iyo gefafkoodu iyo sidii loo sixi lahaa waa halkooda. Xilka
iyo jagooyinka ay hayaan waxaa u dheer difaaca xusbigooda.

Komishanka Qaranka

Runtii waa golaha ugu xasaasisan xilligan aynu ku jirno. Waa Golaha
abaabulka iyo maamulka Codbixinta iyo doorashooyinka. Waa gole ka
dhigan heshii laba midig luhu raacay ee dhinacana u fayoobeen. Waa
kaalin adag. Si ay dhexdhexaad u noqdaan sedexda xusbi qaranba xubno
ayay ku leeyihiin.

Golaha Sharci dejinta amma baarlamaanka

Golaha baarlamaanku wuxuu ka kooban yahay sedexda Xusbi Qaran oo kala
ah xubnaha qurbaha ku xidhan amma had iyo jeer wufuud ugu soo baxda.
Golahani marar badan go’aan qaadashada ayaa ku adkaata. Xilkii loo
idmadey ee ahaa sharci heerka dejinta qarameed. Sidaa ay qabyaaladu
marar badan ugu xoog roonato qarnimada ayaa Xilkoodii Golanimo waxaa
kala Xoog weyn xilkoodii xusbinimo iyo xilkoodii beelnimo.Waayo waxay
rabaan in dib loo soo doorto. Waxay mar walba xeerinayaan xilkii
xusbinimo iyo adeegsigii beelnimo, sidaa daraadeed waxaa had iyo jeer
wiiqma xilkoodii guud ee sharci dejineed oo waa la kala jiidanayaa.

Waxaad halkaa ka arkaysaa in Golaha guurtida waxyaaba badan oo
golayaasha kale u habranayaan uu ka badbaadey lagana fogeeyey markii
distoorka la dejinayey.

Sikastaba ha ahaatee, itaalkasta iyo dhaliilkasta ha yeesheen
Golayaashani waa hay’addo maamul dawladeed oo asaasmay. In la kobciyo
mooyee u baahnayn in la dumiyo. Waa la dhaliili karaa laakiin lama
daadufeen karo go’aamadooda.

Afrika Guurti ma laha, oo dagaal waa inna daanweyne

Wadamada Afrika kuwa innaga guga’ waeyn iyo kuwa dhigeena ahiba malaha
Gole Guurti. Wixii Kiiniya ka dhacay Guurti Somaliland ka leedahay.

Somaliland waxay afrika dheer tahay oo had iyo jeerna nabadeedu ku
salaysan tahay Golaha Guurtiga iyo golayaasha kale ee maamulka iyo
shacbigeeda u hogaansan.

Afrika waxaa had iyo jeer dagaaladeeda iyo diktaatooriyada abuura
muranka mucaaridka kursi beegsanaya iyo maamul kursi difaacanaya. Ma
jiro Gole kale oo ka madax banana sida guurtida oo go’aan la wada raaco
qaadan karaa. Somaliland boqolaal goor hore ayaa la isku dhici lahaa,
haddaanay jirin guurtida beelaha Siyaasi soo kicin lahaa xidhiidh la
leh islamarkaan Siyaasiyiintana Xidhiidh lal leh.

Xaajiyed ii eda ah, oo aan wacay maalin dhaweyd, oo Hargeysa degani
waxay igu tidhi: “ Eddo marka Axsaabtu Muranto waxa ka soo yeedha qax
iyo dulcad baan u diyaargaroobaa, markay guurtidu go’aan ka gaadhana
waan nagaadaa oo reerka waan dejiyaa. Isku mid baanu nahay annaga iyo
guurtidu, Haddii Hargeysa laga qaxo labadayaduba dulcad baa noo ballan.
Ma haysan baasboor markay qaraxdo aannu halbsano diyaaradah. Wax weyn
baanu wadaagnaa mid kaayana qax ma ogola.”

Muran beelo dhex yaala iyo muran axsaabta dhexyaala oo aan guurtidu
talo ka dhiibani muu soo mari Somaliland. Go’aamada Guurtidu Axsaabta
kama wada qosliyaan, beelaha kama wada qosliyaan, Waxay ka qosliyaan
nabada iyo nagaashaha.

Madaxweynayaasha Somaliland Mudada waa loo Kordhiyaa iyagu ma kordhistaan

Madaxweynayaasha Somaliland dadweynaha ayaa doorta, cod ayaa lagu kala
helaa. Habkay doonaan tartamayaasha dadka ha u kala jiitaane, nin
waliba wuxuu cod helay ayuunbaa la tiriyaa. Way ka reeban tahay in qori
iyo xoog la isku muquuniyaa. Xodxodashada, laaluushka iyo qaadka, beelo
doondoonka iyo barnaamij wax ku oolihi la immaanshah, midna kama
reebana Axsaabta Qaranka. Wuxuun baa muhiim aha in aad wixii ka soo
baxa ku dhaqanto oo aad aqoonsato. Dagaalada Afrika iyo kuwii Somalida
soo maray amma ay ku jirtaaba waa beel wada mucaarid ah iyo beel wada
muxaafid ah oo laba qof oo kursi doon ah la kala safan.

Haddii ay duruufo keenaan oo loo baahdo muddo kordhin madaxweynaha
markaa jooga, axsaabta qaranka golayaasha iyo la tashiga shacbiga ayaa
loo maraa kordhinta muddada. Sharcigaa la waafajiyaa. Madaxweynaha
immika jooog iyo kii ka horeeyeyba waa la kordhiyey muddada. Waxaa loo
maray ha’addaha sharciga ee ku salaysan distoorka, waa nidaam dawlad
sheegaynaysa dimoqraadi iyo caadkeed.

Golayaal aad aqoonsan tahay, Guddoonkooda lama daadufeeyo

Somaliland waxaa ka hirgelay dhammaan golayaasha aan kor ku xusay iyo
maamul hoosaayo kale oo dhammaanto lagu hirto oo noqday mishiinka
maamul ee jiritaanka Somaliland ku tiirsan tahay. Waxay dhammaantood ku
salaysan yihiin distoorkii shacbigu aftiidiisa ku ansaxiyey. Loogama
wada fadhiyo in ay xubnahoodu wada toostoosan yihiin, loogama fadhiyo
in ay gefi waayaan, loogama fadhiyo in ay mar walba ilaahay waafajiyo
sidii roon. Waase tiirar maamul bulsheed oo samaysmay. Waa tirar
shacbiga, ka kursi doonaya iyo ka ku fadhiyaba ilaalinaya xuquudiisa
muwaadinimo. Waxaa markaa loo baahan yahay in aad ilaashato si ay kuu
ilaaliyaan, oo kuwa dhalan doona u ilaaliyaan. Meesha xun ha ka ursan.
Nin xun, nin qaloocan iyo musuqmaasuq, laga waayi maayo. Waxaad
isweydiisa sidii loo toosin laha ee loo kabkabi lahaa godalooliyanka
jira.

Guurtida go’aanka muddo kordhinta ee ay soo saartay waxaa loo soo
gudbiyey kadib markii la daadufeeyey go’aankii Komishanka
doorashooyinku soo saareen. Kuwa daadufeeyey go’aankii komishanku waxay
buriyeen Gole qaran oo xil loo igmadey. Kaadi badane waa loo googol
badiyaaye. Waxaa lagu qanciyey in arrinka guurtida lagu simo oo loo
gudbiyo. Axsaabta qaranka iyo shacbigu arrintaa way ku wada qanceen,
waayo waa xaal distuuri ah oo meel laga dhaafaa jirin. Kalsooni iyo
raali lagu wada noqday.

Mar alla markii guurtidu u qalqaashay fadhigoodii dooda iyo
dimoqraadiyada ku salaysnaa, sedexda xusbi qaranba waxay bilaabeen in
ay la kala faqaan oo kala jiitaan xubnihii guurtida iyaga sida la
sheegay laaluush, beelnimaba iyo tabo kalaba wax kaga doonaya. Lama
maqal wax leh go’aanka ka soo baxaa ima anfacayo oo guurtidu kuma
kalsooni. Go’aankiise aakhirkii wuxuu noqday kay dadweynuhu intiisa
badani ka filanayeen. Axsaabta Qaranku may girif girif yarayn ee bad
heshay. Mar haddii garoonkii aad kula cayaartay lagaaga badiyey, waa
waajib in aad u hogaansato midhihii ka soo baxay oo aad weliba tidhaa
Kadabaa, kadabaa, kadaabaa. Haddii ay noqon lahaa sidaa adigu ka
dooneysey markaad la kala faqaysey waxaa lagu odhan lahaa kadaabaa ee
adiguna ha ku masuugina u hogaansanow.

Muddo kordhinta loo Sameeyey Guddoomiyayaasha mucaaridka

Aan soo gabagabeeyee, go’aankan Guurtida wuxuu u kordhiyey
Guddoomiyayaasha Mucaaridka muddaddii ay sii ahaan lahaayeen
Guddoomiyayaasha Xusbiyada qaranka ee Kulmiye iyo UCUD.

Marka Madaxweynaha loo kordhiyaba iyagana toos ayaa loogu kordhiyey in madax ka sii ahaadaan xusbiyada mucaaridka.

Hadal iyo dhammaantii waxaan leeyahay hogaamiyayaasha Xusbiyada
Mucaaridka, muddo kordhinta guurtidu u samaysay in ay ku sii
fadhiyayaan jagooyinka hogaaminta mucaaridka, waxaan leeyahay Kadabaa,
maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in aad jagooyinkaa weydaan haddii aad ku
guuleysan weydaan doorashada innagu soo fooleh. Buro ayaad sidaane ha
is biyo dhiijinina. Qaarbadan ayaa sugaya

Jagooyinkaa laftooda oo habaar iyo duco ku doonaaya.

Mucaarid iyo Muxaafidba waxaad kala hesheen: Kadabaa kadabaa kadaabaa.

Dhammaad
Qalinkii:Haamud Ducaale

Haamud Ducaale

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: