ALLE HA U NAXARIISTEE WAXA MAANTA KU GEERIYOODAY HAREGYSA MARXUUM MAXAMUD CALI XASAN QODAX

ALLE HA U NAXARIISTEE WAXA MAANTA KU GEERIYOODAY HAREGYSA MARXUUM MAXAMUD CALI XASAN QODAX

ALLE HA U NAXARIISTEE WAXA MAANTA KU GEERIYOODAY HAREGYSA MARXUUM MAXAMUD CALI XASAN QODAX

Alah haw naxariistee waxa maanta lagu aasay magaalada hargeysa Marxuum Maxamuud Cali Xassan Qodax (Gam-gam) oo ka tirsanaa bahda warbaahinta ee Somaliland.

Aaska Marxuumka waxa ka qayb galay qoyskiisa qaraabada iyo asxaabtiisii,Ilahay haw naxariistee marxuunka ayaa u geeryooday xanuun mudooyinkan u jiifey.

Marxuum Maxamuud Cali ayaa intii mudo ahayd wuxuu ku soo shaqaynayay qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo ururada ijtimaaciga ah.

Ilaahay haw naxariistee waxa Marxuumka lagu xusuusan doonaa dad la dhaqankiisii iyo wadan jacayl isagoo ka door biday dhoof iyo qurbaha inuu aqoontiisa uga faaiidayo dalkiisa iyo dadkiisa.

Taariikh Nololeedkii Marxuumka:

Maxmauud Calli Xassan Qodax(Gam-gam) wuxuu ku dhasha Cadan 7 maarso 1945

Waxbarashadisii hoose iyo tii sareba wuxuu ku soo qaatay isla Cadan oo xiligaa ahayd mustacmarad ingiriisku ka taliyo.

-Markii uu dhamaystay Waxbarshadii Dugsiga Sare wuxuu shahaado habka wax dhigista ah ka qaatay Dugsiga Tababrka Macalimiinta ee Isla Cadan sanadii 1963.

-1966/1968 wuxuu shahaadad saxaafada wakaaladaha wararka ah ka qaatay macahdaka afrika ee culuunta saxaafada oo ku yaal Dalka Masar.

-1970/1972 wuxuu shahaadad BA ee isla culuunta saxaafada ka soo qaatay jaamacada Prague ee Wadankii laysku odhan jirey Czechoslovakia.

-1977/1978 wuxuu shahaado dhinaca maamulka ah ka qaatay Macahdkii Maamulka iyo Maaraynta ee SIDAM..

Marxuum Maxamuud Calli wuxuu shaqooyin iyo xilal kala duwan ka soo qabtay

1964-1966 wuxuu macalin kaga soo shaqeeyay Mustacmaradii Ingiriiska ee Cadan

1966-1976 weriye iyo tifatire Wakaaladii Wararka ee SONA

1976-1991 maamule waaxda shaqaalaha ee mashruucii sonkorta mareeray

1991-1995 maamule arimaha bulshada ee xeradii qaxoontiga Utanga Kenya

1995-2002 agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland

2002-2003 tifatiraha guud ee wargeyska dhambaal oo ka soo bixi jiray Jig-jiga ismaamulka Somalida Itoobiya.

2003-2004 tifatiraha guud ee Wargeyska Codka Baarlamnaka Jig-jiga

2004-2006 la taliye madax banaan ee warbaahinta dalka Somaliland

2006-2007 xidhiidhiyaha barnaamijyada ee komishanka xuquuqal insaanka Somaliland

2008 la taliye iyo mashaariicda horuumarinta ee Golaha Guurtida Somaliland.

Alah haw naxariistee marxuumku wuxuu ifka kaga tegay xaas iyo laba ubad ah.

Inaa lilaaihi wa inaa ileyhi raajicuun.

Diyaarintii:Maxmed Cabdalle

Tifatiraha Dhambaanews Network

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: