MUJAAHID KURSI U JIHAADA LOOMA BAAHNA EE WAXAAN RABNAA MID XAQA UJAAHADA
MUJAAHID KURSI U JIHAADA LOOMA BAAHNA EE WAXAAN
RABNAA MID XAQA UJAAHADA BY ABWAAN AXMED CABDILAAHI FARTAAG
oo badbaadiya dalkiisa iyo dadkiisaba
hubi codkaga halkaad dhigayso
hadii mudo kordhintu dhamaato 6 bilood
keebaynu dooranaa madaxwayne fiican
sidee loo soo xuli karaa masuul qaran
maxaa lagu aamini karaa siyaasi afrikan
siyaasiyiintu waxay yidhaahdaan
hadaa i doorataan wax baan qabanayaa
marka la doorto ayaa waxay noqdaan
ka dar oo dibi dhal waxa badanaa yimada
qaar kuwii hore kasii liita tusaale ahaan
sida golaa wakiiladee ee la doortay
oo iyagu isku mashquulay qaynuunkii ilaaway
kuwii hore ayaa dhaamay oo ina cigaal ridi gaadhay
halcod ayuu kaga baxsaday mooshinkoodii maalintaa
oo baawar kooda muujay iyo kartidoodiba
hada kuwan waxay ukala baxeen koox koox
xusbiyaal ayey ushaqeeyaan ee uma shaqeeyan shacabka
way dhoofdhoofaan mushaharkiina way qaataan
waana ayaan daro iyo dhabarjab dadkii ku dhacay
dadkii waxaa kasoo hadhay xageebaan u ciirsanaa
markaasa guurtidii loo ciirsaday oo ay talo noqotay
danbaa tidhi qoorqalooc daga intoo abaar laga guuray
ayaa abaar shilin gofane badan loo guuray waa yaab ka yaabkii

MAXAY DAWLADU QABTEEN AAN SHEEGNO WANAAGA
1 waxay sugeen amaankii nabad galyadii soomaaliland
iyo dastuur qaran oo dalka lagu dhaqaayo
2 waxay sugeen xuduudkii iyo goboladii maqnaa
3 waxay qabteen doorashadii dawladaa hoose
4 waxay qabteen doorashadii maxdaxtooyada
5 waxay qabteen doorashii golaa wakiilada
6 waxay sameeyeen diwaangalintii muwaadinka
7 waxay hirgaliyeen geedi socodkii dimuqraadiya
waxay dalka ka abuureen dawalad buuxda oo
caalamku daawado nidaamka yaala iyo kala danbaynta kajirta

MAXAY DAWLADU DAAYACEEN AAN SHEEGNO DHALIISHANA
1 caafimaadkii guud ee dalka oo farii kabaxay oo lacag laysku daweeyo
qof aan lacag wadan lama daweeyo digtoorka aragiisu waa lacag
2 biyo la aan ayaa dadkii haysa biyihu waa nolosha koowaad
laydkii xukuumadu mee aas aasigii ayaa maqan
3 waxbarashii waa lacag schoolkii dawladu mee
Ardayda danyarta tacliin mahelaayo arimii bulshadaa maqan

sidaa darteed waa inu muwaadinku fiiriyaa eegaa ciduu dooranaayo ee uu ku aaminaayo dalkiisa dadkiisa naftiisa maalkiisa iyo diintiisaba codkaaga ku ciilbax waxa dib inoo dhigay reer hebel ucodee cidla hays dhigin yaan caqliga lagaa xadin cad aan kuu cuntamin haqaadan ka fikir aayahaga mustaqbalkaaga halka uu ku danbaynaayo bari ku xisaabtan
mujaahid kursi u jihaada looma baahna ee waxaan rabnaa mid xaqa ujihaada cadaalad sameeya shacabka yaryeela oo ka shaqeeya danta guud wabilaahi tawfiiq

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: