WAANO QORAAL KU SOCOTA: CABDIRAXMAAN JAAMAC AXMED (CABDI SHOOTALI)NINKA LA YIDHAA!!!!!!

WAANO QORAAL KU SOCOTA: CABDIRAXMAAN JAAMAC AXMED (CABDI SHOOTALI)NINKA LA YIDHAA!!!!!!
Kolka hore, waxaan halkan salaan uga hibaynayaa saxaafada xorta ah ee toga herer, Gaar ahaan webmaster ka toga herer eenu aqoonta badan isu leenahay ahna runtii shakhsi nagu ah muunad nalagu dhex qurxiyeyisla markaana firfircoonida iyo dadaalka dheeraadka ah ku hawlan had iyo goor.

Waxa kale een uga mahadnaqayaa qoraaga togaherer sida wacan, wanaagsan, sharafta iyo karaamada mudan ee uu ugu soo bandhigo rayiga dadweynaha kala duwan website kan caalamiga ah. waxaan leeyahay mahadsanid mar labaad.

Qoraal waano ku socota Cabdiraxman Jamac Axmed.
Hadii aynu nahay mujtamac islaam ah oo ay muhiimtahay inay isweydaarsadaan afkaarta iyo mabaa’diida kala gadisan ahna umada ree somaliland ee dhaqanka iyo asluubta wacan.

Waxa muhiim ah oo lama huraan ah in aynu si hufan oo tafatiran uga fiirsano qoraalada aynu soo bandhigayno. waxa iyana muhiim ah in aynu qadarino, ixtiraamno oo ilaalino sharafta iyo karaamada qoraaga. in kolka aynu qoraal hindisaynu ku salaynu asluub iyo habdhaqan sharfan islamarkaana aynu carabkeena iyo gacanteenaba ka ilaalino oo ka toosino meelaha galoocan ee uu qoraalku inala geli karro. in aan ogsoonaano markastaba in ay dambi diiniyana tahay hadii aynu faafino oo shaacino waxyaalaha xunxun iyo hadalka kiisa aan haboonayn.

Halkaan hadalku kuu qabanba waa laga qandoodshaay! timacade

Hadaba Cabdiraxmaan jaamac Axmed cabdi shootali ninka la yidhaa waxaan leeyahay!
waxaan akhriyey runtii laba maqaal oo aad leedahay. mid waa maqaalka. RAQ-BA WAA KU RAGEEDDA!!!! kaasi oo aad ku maagayso madaxii iyo sharafkii ummadeena ree somaliland Maxamed Axmed Siiraanyo.

midka kalena waa mid aad ku magacdhabayso mujaahidiintii SNM ee inoo soo halgantay waxna aad kaga sheegayso adigoo ugu jawaabaya halkan shakhsi kale.

Hadaba labadaa maqaal uma eka qaar aad ka fiirsatay ama aad ilaalisay hadafkii maqaal lahaanjirey, sharafkii iyo karaamadii website ka iyo kii akhristahaba.
Waxa tallo iyo waano iga ah in aanad raga madaxda ah sidaa oo kale wax uga sheegin balse aad casriyeyso oo aad cilmiyeyso hab qoraalkaaga gaarka ah. in aad wax iskula hadho oo aanad wax beena sheegin ilayn ilahay ayaa kaa xisaabin doona maalin kale ee.
madaxduna waa (bir ma geydo) waxay inaga mudanyihiin sharaf iyo karaamo waliba marka ay noqoto SNM waa mujaahidiintii inoo halgamay inoo shahiiday intii ka hadhay kuwa maanta joogaa. SNM kuwa aad magacowdayna iyo inta aadad magac dhebina waa inoo midhkaa qudha oo waa rag midaysan oo walaalo ah SNM wax la kala qaado ma leh.
waa labadii nin ee xabbada iska dugsanayey ama cadawgooga isu garab taagnaa kolkii ay qadhaadhayd.
hadal iyo dhamaan fadlan ixtiraam oo qadari sharfka iyo haykalka qoraaga, akhristaha, website ka ama wargeyska iyo ka mujtamacaba.
alaa mahad leh.
Qalinkii: Fuaad Ismaciil

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: