IS-DHAFOOR-TAABADKA RIYAALE IYO SIILAANYO WAX MA INOO DHIMAYSAA?

IS-DHAFOOR-TAABADKA RIYAALE IYO SIILAANYO WAX MA INOO DHIMAYSAA?
Dhego-adayga riyaale, dhaarta siilaanyo, kolba dhan u orodka ina cali waraabe ciday khasaa-raha u keenaysaa ee ku dhima-naysaa, dantoo-duna ku halaa-baysaa waa inaka ( shacabka somaliland), inoo mase qudh-qudh-sana oo waxad moodaa in aynu lafteenu daba ka riixayno oo aan sii badhi-taarayno, bal u fiirsada mareega-ha war baahinta ee somaliland oo dhan, waxad arkaysaa in aan kaba sii horayno oo siddii labadii awr ee la isku diri jiray aynu lee-nahay tuu-tuu, halkii aan kala celin lahayn ee aan u kala sheegi lahayn saaxa iyo waxa khaladka ah ee aan loo baanayn, ka garda-rada wadana aan qoofal adag ku dabri lahayn, baa-ba xaydaan u galay iyakii oo la ina kala dilaa-layaa siddii xoolo saylad jooga, waxa taas ka sii daran maba odhan karno eray wax dhacay-ba mooyaane, haddii aan laga qaban halka ay marayso-na waxa hubaal ah in dhacanta soo taagan yahay dhidarkii 1906kii aan afka uga gelinay, oo uu dhoosha ka soo qoslaayo, ilayn wuxu arkaa SABEEN mar labaad u soo OSLAYSA’E oo xagooda u sii afar qaadaysa’e, nin heesay baa yidhi, HADHOOW BAY ODHAN LAYMA HEESIN, LAYLA-MA HADLIN, DOOB HURDAY HELAY,ee maad ka daysaan qoomo-mo baa xigiye, bal tixdan gaaban ila akhri:-

Caku dhooha-naay maqal, dhaxal-keed burburi-saay,
dhibta kama fogaa-taay, markad soo dhawaa-toba,
maxaa dhabarka kuu rida, eed la dhaqaaqi waydaa,
daraad waad is dhiibtoo, shalay waad ka dhiidhi-day,
maanta-na dhun-kaal baad, dhadhama-deeda hudhaysaa,

dhegii way ku awd-meen, dhaaya-hiina kaa xidhan,
dhakhtar kaa dawee-yiyo, cashar sheekhyo kuu dhigi,
dhana kaama jiro oo, adaa iilka isu dhagay,
dhidar-kii ku cuni jiray, wuu kugu dhadha-bayaa,
ma dhal aan koray-noo, waxba dhaadin baad tahay,

markad dhimato daba-deed, ana dhixir ha lay xidho,
dhugca-yeeyda abdikaa, la dhex joog asaagaa,
xoolahaa dhibaa-deed, hayga dhiibto koonfuri,
dhaxdin-taas dumaasha ah, doqontii dhareer badan,
dhedigaa la guur-saday, dhudi haygu yeedheen,
,
ina xaashi dhamac iyo, ina sugule dhaariya,
hadraa-woow ha dhaafine, dham-baal qaasim ugu dira,
dhacan weyn ha saaree, tima-cadana dhinac dhiga,
dhayal maaha luuqduye,ina mooge muu dhiman,
weli waan dhegays-taa, dhawaaqii labka ahaa,

waa-taan dhayda caanaha, dhiisha kaaga buushee,
dhereg aad la cifateen, idin-kuna hay dhaafina,
candho dhaadhi bay helay,dhiig roore naasii,
dhaba-daan ku joogaa, intaan dheeho lala tegin,,
ha lay dhiciyo bay tidhi, dhurwaa baan arkaayaa.

Cabsi badatay, cadho urutay, iyo aduun waayo camal-kiisa, raga gabayga ciil baa baree cidi ma kuu sheegtay akhris-toow, maqaal-kani wuxu umada reer somaliland uu uga digayaa, dardaa-rana u siinayaa, wax aan doonay-no iyo waxa aan diiday-no, khasaare iyo faa’iido mid-na ma garanay-no, mana fahan-sanin ujeeda-da aynu ku hadaa-qaynaa ee gooni isu taaga iyo madax-banaanidu micnaha ay lee-dahay, xataa ma isku deyi karayno in aan wax bal ka fahano, haddii aanay sidaas ahayn, ma hortiina baa 3 nin ay wixii-na isku haysan lahaa-yeen oo aad ku daawan lahay-deen, marmar baan is idhaahaa umada qof qudha oo dhami ma jiro, ilayn haddii kale way is qaban lahaa-yeene.
Kuwa ugu sii daran ee fidmada aloosaa, oo dhigay waxa ka dhacaya gudaha,fooda-na isu sii geli-nayaa waa qurba jooga, aan iyaku wax-ba kaga dhima-nayn ee ku haysta reera-hoodii debeda, cid kale-na aan dan ka lahayn, weli-ba qaar-kood mar ay ugu xun tahay ku carara dalka oo yidhaaha waxan nahay kursi doon, bal qof kastoow tiri inta aad garanayso ee ilaa bilahan tegay, kuwaaso sii shidaaya ololaha dagaal gelinta, in yar oo fara ku tiris ah baan wanaag u tagtay, waxa kale oo dhami waa si xun u ceesh raba in ay dhiiga isku daadi-naaya umada saboolka ah, 1000ka jeer bara-kacay, maanta-na waxay rabaan in inta ay yab-yab-teen ka daadi-yaan, AL-LE baase soo qaban nin kasta oo haadaan u qodaaya dad-kan daalan.

*N.B Iimaan-koon cawar-nayn iyo cidaam-kaa na fayoow, ee casii-soow na ilaali.

waa abdirahman jama ahmed,
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: