GUURTIYEEY DANTA BEESHU WAXAY KU JIRTAA DANTA QARANKA . BY AXMED CARWO

GUURTIYEEY DANTA BEESHU WAXAY KU JIRTAA DANTA QARANKA . BY AXMED CARWO
Waxa la yaab ah in Guurtidu u foodo waxaan meesha oolin, oo weliba ka dheer isu-soo-dhoweyn iyo soo uruurin, bal se ah kala eri, oo kala didi iyo burburin rajadii dhismaha dawlad dimuquraadi ah oo sharcigu hoggaamiyo. Waxa loo-qaadan-waa ah habka Shirguddoonku u maareeyey mooshinkan lagu aasay dimuquraadiyadii dalka. Ahmiyadda mashruucani dalka ku leeyahay, shirguddoonku wuu gees maray. Waxay ahyd nidaam ahaan in la mariyo dhabbada sulux-doonka iyo nidaamka Golaha oo ay ahayd:

1- In la magacaabo Guddi labada Garab ee Guurtida ah iyo xubno dhexdhexaad ah loona dhiibo inay mashruuca soo darsaan, talana Golaha oo dhan kula soo noqdaan.

2- In Guddigaasi la soo tashado seddexda xisbi, Komishanka, Interpeace iyo cid kasta ooy dan moodaan.

3- In hadafku noqdo isu-soo dhoweyn, iyo Go’aan loo dhan yahay.

Waxa Guurtidu gees martay marinkaas, oo weliba waxa ay ka booday mawduucii ahaa… Isa soo waafajiya taariikhda Komishanku doorashada u qabtay oo ah 31 May 2009 iyo dhammaadka xilka madaxtooyada oo ku dhan 6 April 2009…. Taas oo hadday sideeda u raacaan ka dhigaysa in xilka loo kordhiyo ilaa 30 June 2009. Waafijintu waa doorashda oo dhacda kolka bili ka hadhsantay dhammaadka xilka madaxtooyada sida ku cad dastuurka qodabka 83aad, faqradda labaad.

Waxa iyana muuqata hab beeleedku sida aanu u matalayn dimuquraadiyada iyo xisbinimada. Labada nidaam ee is barbar socda midna yahay xisbi oo ah kan lagu soo doortay Wakiilada iyo kan beelaha ah ee ay ku joogaan Guurtidu waa dar aan wada shaqaynayn, danta dalkuna ku jirin. Waxa aan dib u jaleecay maqaal aan kaga waramay Danta Guud iyo tan Gobalku sida ay isku mid u tahay, iyo sida danta guud tahay midda keliya ee beel iyo gobalba ina dhaqaysa. Waxaad se moodaa in Guurtidu danta beesha meel aan danta qaranku ku jirin ka doonayso, taas oo ka fog runta. Waayo beel walba waxa u dan ah dhismaha dawlad sharcigu xakameeyo, cadaalad iyo sinnaan lagu agaasimo hawlaha qaranka, dhidibadana u adkeysa nabadda iyo wadajirka. Aan idin xusuusiyo maqaalkii hore.

Danta Gobalku Waxay Ku Jirtaa Danta Qaranka.

Jul 04 2007 – Waxaa hubaal ah inaan qofku laba nafood lahayn ee uu yahay samo fale amba xumo fale.Ninka qoyska u fiican ayaa degmada u fiican, ninka degmada u fiican ayaa gobalka u fiican ninka gobalka u fiican ayaa qaranka u fiican. Ninka wacan ab kasta ha ka soo jeedee, ayaa dan u ah qoys, reer, beel iyo qaranba. Sababta oo ah in danta guud ee gobal kastaa leeyahay tahay isku mid, kana dhigayso danta qaranku mid inta wanaaga jeceli dhammaan ku qancaan gobal kasta oo ay joogaanba. Waxay dhammaan u haraadanyiin cadaalad iyo horumar bulsho iyo dhaqaalaba.

Haddaba waa maxay wanaaga laga doonayaa madaxda ee dhammaan ina anfacdaa. Hawl kastaa waxay leedahay waajibaad laga filaayo cidda loo igmadaa inay fuliso. Ninka amba Haweynada xilka loo dhiibaa, waxa laga filayaa arrimahan soo socda:

1- Waa wax qabasho hagar la,aaneed. Si taas lagu helo waa inuu noqdaa qof aqoonteed iyo kartideed leh. Haddaad qof aan cunta-karis aqoon ka dhigto dabaakh, waxa hubaal ah inaad ku guul daraysan doonto, haddaad ka filaysay cuno dhandhan iyo udug leh.
2- Waa inuu ahaado qof daacad u ah hawsha loo dirtay, oo mas’uuliyad iska saara inuu amaanada uu hayo si hufan u ilaaliyo.
3- Waa inuu ahaadaa qof ku shaqeeya sharciga iyo hab maamulka meesha loo dhiibay looga baahan yahay.
4- Waa inuu noqdaa nin awoodiisa sharcigu siiyey ugu adeega marba inta xilku ka saran yahay, oo uu si cadaalad iyo sinaan ah ugu maamulo.
5- Waa inuu ahaado qof la xisaabtama inta uu madaxa u yahay, ogolna in lala xisaabtamo sida sharciga shaqadiisu qabto.

Haddaan ereyo kooban ku soo uruuriyo waxa shaqa kasta tayadeeda u sal ah aqoonta, kartida, iyo khibradda qofku u leeyahay. Waxa soo raaca daacadnimada, akhlaaqda, iyo hufnaanta oo noqonaysa ogaalaanshaha la xisaabtanka cidda uu madaxa u yahay, iyo in isaga lala xisabtamo. Qofka intaas la yimaada gobal kasta ha ka dhashee, waa nin si wacan u gudan kara hawsha loo xilsaaray. Ruuxa aan isagu intaas lahayn, amba wax ka dhiman yihiin, waxaa ka muuqanaysa wax-qabadkiisa goldalool iyo tayo la,aan.

Maanta Madaxweyne Riyaale waxuu galay sanadkiisii lixaad inta uu xilka hayey. Waxa lagu xusuustaa Gole Wasiiro oo dhan 55tan maamula miisaaniyad 30 Milyan oo doolar ah, mushaharkiisu ( Waa lacagta uu xisaab la,aan ugu tagri falo, oo sharciyan ah mushaharka) waa $500,000.00. Waana mushar ka badan kan madaxda dunidu qaadato. Afeef, marna Madaxtooyadu mey diidin eedan, oo wey ka gaabsatay inay sheegaan mushaharka Madaxweynah iyo Kuxigeenka u gaarka ah. Madaxweyne xigeenkana waxa lagu sheegaa lacag ku dhow nus inta madaxweynahu qaato.

Waxa Madaxweynah lagu qadarin lahaa horumarinta dimuquraadiyada hadduu ku dhaqankeeda fulin lahaa. Waxa muuqata in qabashadii doorashooyinak ay waxtarkoodii muuqan, iyadoo Madaxtooyadu geedkii ay beertay u diidan biyo lagu waraabiyo. Doorashooyin ayna daba socon ilaalinta sharciyada, iyo kala fogaynta nidaamka cadaaladda iyo golaha fulintu, waxay noqonaysa hal bacaad lagu lisay. Waxay noqonaysa doorashooyinka ka dhaca dalalka Afrika iyo Carabta oyna Lebnaan ku jirin.

Waxa xaqiiq ah inuu diidmo iyo marin habaabin kaga jawaabo go,aanada Golayaasha Sharci Dejinta. Waxa uu diiday la- xisaabtan. Waxa is barbar socda laba miisaaniyadood, waxa u dhexeeyaana tahay gunno siyaada ah oo Golaha Wakiiladu ku kabay Jaamacadaha iyo Wasaaradaha Wax-soo-saarka ah, oo ay ka qadhoocdeen Madaxtooyada. Qadhiidhka laga jaray jeebka duqa reerka ee lagu naasnuujiyey Jaamacadda Camuud, Jaamacadda Hargeysa, Jaamacdda Burco, miyeyna ina tusayn in aabahu u naxayn kobcinta ubadkiisa ku daadsan Lowyacaddu ilaa Ceelaayo.

Tana waa barwaaqo soo korodhay iyo guul Madaxweynahu soo hooyey, waanan ku hanbalyeynayaa haddii su,aalo madaxayga wareeriyey aan jawaab uga helo.Waa kheyr iyo wanaag inoo soo hooday kolka seddex warshadood la dhegax dhigay.Ujeeda kasta ha laga lahaadee hadday is muujiso guul dhe, haddii la waayana waa arrin aynu u baranay.

Haddaba aan su’aalo shifo hogaanka sare weydiiyo si aan shakiga inooga saaro, oo aynu dhammaan horumarka Berbera ku soo dhoweyn farxad iyo rajo-wanaag.

· Waa maxay cinwaanka shirkadda barakeysan ee mashruuca fulinaysaa. Mee war-saxaafadeedkii shirkaddu. Heshiiska yaa u sexeexay. Jar’aaidka Jarmanka ee Ganacsiga ee qora mashaariicda milyan doolar ka yari, maxay u qori waayeen musharuucan seddexda boqol ee milyan ah.

· Waa maxay qiimaha wershad kastaa . Nook ala jar oo seddexda wershadood midba goonidiis intee ku kacayso.

· Noo sheeg wax-soo-saarka wershadda kasta ee sanadkiiba. Imisa tan oo sibidh ah ayey sanadkii ay soo saaraysaa.

Sida Madaxweynahu ku sheegay wereysigiisa Awdal News kal hore, lahaanshaha wershadaha boqolkiiba 51 waxa leh dawladda 49% tana waxa leh maalqabeynka ajnabiga ah. Taasi waxay ka dhigaysaa 153Milyan USDollar.

· Haddaba lacagtaas halkii laga keenayaa. Ma deynbaa? Dulsaaraka deynku waa imisa? Yaa se inaga bixinaaya? Mise Sharkaddan barakaysani iyadaa khrashka wada qabta 51% lahaanshahuna waa deeq kalgacal?

· Waa maxay qiimaha loo jaray dhagaxa (Raw material) laga sameynaayo maadooyinka la wershadeenaayo. Yaa dawladda kala teliyey qiimeyntan iyo maal gelintan. Daraasad madax banana ma loo sameyey? Sidee lagu gaadhay 300 ee Milyan? Ma tartan ganacsibaa la mariyey? Sideey sharkaddana inoogu timid?

· Maamulka wershadda yaa u xil saran dhinaca dawladda, inayn waa in dawladdu Maamulka sare iyadu yeelatee kol haddaynu leenahay 51% saamiga lahaansha.

· Maxaa u diiday in tender lagu faafiyo oo la raadiyo sida tujaarta dalku u maal galiyaan wershadahan iyo shacbi weynahuba, oo hubaal ah in haddii saamiyaal loo abaabulo, si hawl yar ay ku kici lahayd, iyadoon khawaaje qalinka inagu hadin.

Anigoo u dhiganaaya faalo kale kolka xogaha qaar aan helo, aan idinla wadaago miisaaniyadda Gobalka Somalida Galbeed ee Itoobiya ee Sanadka soo socda waxa barlamaanka Federalka horyaal miisaaniyad dhan 1,400,000,000 birr ah, una dhiganta lacag dhan 142,131,979 Doolar. Haddba ma kula tahy in dalka Soomaaliland miisaaniyadeedu tahay 32 Milyan kolka Kiliga Shaanaad yahay 142 Milyan oo doolar. Waa arrin wax ku qaadasho leh. Waxa warku intaas ku daray inayna ku jirin miisaaniyadda uu gobalku toos uga helo hay,adaha caalamiga ah iyo World Banka.

Gaabiska iyo qaladka maamulka dalka ka muuqda, waxaynu sixi karnaa marka aynu danta qaranka u aragno inay tahay tan gobalka. Marka hantida qaran u aragno mid dhammaan inaga dhexeysa, ninka dhacayaan yahay mid dhammaan ina dhacay, oon loo eegin gobal iyo reer. Ninka qaranka dhacay, gobalkiisuu dhacay, reerkiisuu dhacay, ninka u guntada horumarka qaranka, ilaalinta hantida guud, iyo dhismaha bulshada ayaa reer iyo qaranba u wanaagsan. Ogow waxa isku si u damqada danyarta joogta Awdal, Burco, Hargeysa, Ceerigaabo, Saaxil iyo Sool. Baahida waxbarasho, caafimaad, shaqo, iyo dhaqaale dhammaan gobalada dalku wey ka siman yihiin. Inta talada haysa ee hagratay, iyo inta musuqa ku maamushaana gobal kasta wey ka soo jeedaan. Reer iyo degmo ka maqani ma jirto, mid wax ka faa’idaan ma jirto.

Haddaba inta wanaaga wadaa iyana ha ku bahoobaan sidii ay dalka u badbaadin lahaayeen, sidii ay himmilada bulsho weynta kor ugu qaadi lahaayeen. Maxaa inoo diiday inaynu wanaag ku walaalowno. Waxynu ognay in inta xumaha cadaysatay tahay dar beel walba ka soo jeeda, gobal walba jooga, kuna bahoobay inay dantooda gaarka ah ee gaaban wax walba ka horeysiiyaan. Kolka uu reerka la joogo waa qabiili, kolka uu kooxdiisa la joogana waa nin kooxeed dan qabiil iyo mid qaran midina xidhin. Waayo wanaag iyo cadaalad ayuunba qabiil wada gaadha, waana isla iyada tan gunta u ah dhismaha qaranku.

NINKA XUN EE XILKA XUMEEYEY QABIIL HOWGU HIILIN. HA NOQON NIN MUSTAQBALKA UBADKIISA CUNA, KA DHEEROW IN HANTIDA QARANKA EEN CIDI KAA XIGIN LAGUGU LAALUUSHO. GUDO WAAJIBAADKA QARANKA XUQUUQDAADANA U DARBANOW. CIDNA HOWGA HABRAN WAXAAD XAQ U LEEDAHAY.

Waa inoo qormo dambe iyo baraarujin.

Mahad Alle iyo Gobannimo

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: