GEFKA SHACABKA GUURTIDU LA BARATAY IYO LAALUUSSHA GINIDA LACAGEED LA YEELI MAAYO EE MAXAA TALO AH

GEFKA SHACABKA GUURTIDU LA BARATAY IYO LAALUUSSHA GINIDA LACAGEED LA YEELI MAAYO EE MAXAA TALO AH

Wakhti badan ayaa ku lumay sii haysashadii xilka ee
riyaale mid kalena wax noo cuntamaya maaha hadii aanu nahay shacabka
jecel nabada, dimuquraadiyada xoriyada, iyo horumarka dalka iyo
dadkaba. sanka iyo afka shicibka intii u dhaxaysay ayey dariiq ka
jeexdeen guurtida iyo golayaasha qaranku.

waxay gef cad ka geysteen una geysteen xilkii iyo masuuliyadii
shicibweynuhu u dhiibtay. waxa hore loogu kordhiyey mudada madaxweyne
isku sheega Daahir Riyaale Kaahir Iyo ku xigeenkiisaba iyaga oo waliba
xilkii loo igmaday ka soo bixi waayey ee ahaa in ay doorasho xalaal ah
ku qabtaaan inta aanay mudadu ka dhamaanin.
muddo kordhintani hadii ay noqotay mid laaluush iyo lacag laysku doorto
xilkana laysugu kordhinayo, Waxa mudan in la xasuusto oo ay golayaasha
qaranka, maamulka, waxgaradka, aqoonyahanka, iyo axsaabtuba xusaan in
aan shacbigu ugu dhiiban xilalka ay u hayaan dalka lacag iyo hunguri.
waxa xilka loogu dhiibtay in ay kasoo baxaan oo gutaan shaqadooda iyo
sharcigu sidii uu ahaa.

Hadaba, Shacbigu raali kama aha mudo laysu kordhiyo iyo shuruuc lagu
tunto toona. waxa hadaba isweydiin mudan afarta oday ee guurtidu kolka
ay xilka iyagu u codaynayaan ee go’aan ka gaadhayaan shacbigu cida uu
dooranayo yaa u siiyey sharciga iyo sifaha ay u marayaan taasi?
shacbigu ma wuxuu noqday wax aan waxba laysaga tirrinin?
shacabku ma wuxuu noqday dad sidii la doono loogu jiheeyo oo loo baal mariyo dastuurkii ay dhigteen iyo danaha dalkoodaba?
waa in sharciga lala tiigsada raga ka shaqaynaya kana talinaya in isku dhac, dil iyo burbur dalka ka bilawdo.

Waxaan leenahay odayada iska hadlay iyo maamulka Daahir Riyaale-ba
aqbali mayno muddo kordhin iyo wax u dhaw toona ee doorashada qabta ama
wixii intaa ka dambeeyaa waa in shacabkayagu adeegsado cudud iyo awood
laydinkaga xayuubiyo xilka oo xafiisyada laydinkaga soo saaro.

Way idiin wacantahay in aad xilka tirisaan si sharaflehna ku
wareejisaan inta aan looga dhaadhicin qudhun. shacabka somaliland in
badan ayey ka dulqaateen gef, dhac iyo boob. xabisaad iyo xuquuqdooda
oo lagu tunto. hadaba raga moodaya in sidaa shacabku ku tegayoow aqbali
mayno digtaatooriyad oo waa tii aanu ka soo dagaalanay kumanaanka
wiilna u dhinteen.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Somaliland in aanay yeelin ee ay ka
dagaalamaan ku digashada iyo ku day’ga loogu tumanayo xuquuqdooda.

Fu’aad Ismaciil Cumar

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: