WAKE UP HARGAYSAAY TOOS . BY :MUNIIR AHMED CIGAAL

WAKE UP HARGAYSAAY TOOS . BY :MUNIIR AHMED CIGAAL
Caasimada Somaliland ee Hargaysa Waxay kamidtahay meelaha qadiimka xadaradana usaxiiba, Waa’Magaalo ay-maanta kunool yahiin badi Ummadda Somaliland,Waxay caan kutahay xadaarada Fanka iyo Sugaanta waa meshay kasoo baxeen Walalaha Hargaysa ama Fanaankasta runtii markay Shacabka Somaliland lasoo noqdeen Xoriyadodi 18-may Waxay ucaleemo sareen Casimada Waddanka Magaalada Hargaysa.

Haddaba ummad kasta oo meel dagtaa waxay leedahay kaftan wadaag iyo duurxul Waxaan kawada Dhaqankasta ama magaalo kasta waxaa lagu xantaa dhaqan ugaara Casimada labaad ee Somaliland Burco waxaa ladhahaa waa magaalo shacabkeedu dhiig kulil yahiin Hadaan sikale udhigo dareen badan yahiin oo deg deg udiida waxay qoonsadan ama dulmi iyo cadaadisa. Hargaysa Waxay rer Somaliland ku xantaan Shacabkooda iney yahiin Shacab jecel qabowga iyo iney inbadan ku qaadato iney wax diidan Hadaan sikale udhigo Waxay caan kutahay inaanay hore ukicin waxay taasi dhalisay in hogaanda aan Shacabkooda kahaysan kalsoonidu ay’uqataan inay tahay magaalo ay sahlantahay iney Xukumaan, runtii xiligii halgankii waddanka lagu xoreeyay Hargaysa Shacabkeedu waxay kaqaaten qayb libaax oo aan la’iloobi Karin lakiin mudo ayay kuqaadatay iney kacaan oo tosaan yadooy kobaxdey Maansada Hargaysi Matoostay Matuurtay Heeryadi yadoo uu Abwaan Hadraawi ku guuba-binayay Markii Halganku Socdey.

Haddaba hadaan usoo noqdo maqaalkayga Manta Xukuumada Somaliland waxay malinba talabo qadaba waxay manta gadhay iney waxay doonto sameyso Sharci kasta jabiso waxay doonto soo dabacato kadibna dadka iibsato, oo marba kordhin loogu abaalgudo waxay taasi ugu suuro gadhay Casimada Hargaysa oo Shacabkeedu kayeelen iney waxay doonto Sameyso malin qudha Shacabka rer Hargaysa may muujin dareenkoda siyaasiga waxaan taas uleeyahay Xukumada talada haysa waxaa ladoortay Shansano 5-yaers lama dooran Cimrigooda oo dhan waxaa ku-dhiiri galinaya in malin kasta ay kororsato Shacabka Hargaysa waxaabay barteen laxankooda loo garaaco waxaan is idhi rer Hargaysa waa kuwii Jeclaa fanka kadib waxaaba labartay heesaha ay jecelyahiin kuwaaso ay kuluuqeyaan fanaaninta kala Ah Wasiirka Guddaha C/laahi Ciro, Agaasimaha Guud ee TV’ga Qarranka Maxamed Muuse Diiriye, Jananka Booliska MR Saqadhi, Jananka Ciidamada Qalabka sida MR. Taani Wasiirka Duulista Cali Maxamed Waran Cade Badhasaabka Gobolka Maroodijex Ali Asad, Mayaarka Casimada Eng: Xuseen Maxamed Jaciir, Dhamaan Fananiintasi waa rer Hargaysa, Waxaana Laxanka Usara Wasiir Cawil Ali Ducaale oo kasoo jeda Gobolka Togdheer Waxaa heesta midhaheeda kamida nabadiiba wax layeelaya khal-khalbaa lawadaa daraha Casimada laduminaya iyo ereyo lamida.

Haddaba Shacabka rer Hargaysa ha-ogadeen hadey sidaa sii noqoto oy kadiiri wayaan Cabudhinta Sharci Jabinta iyo in sidii ladoono lagayeelo lana yirahdo nabadiina ilashada ha’ogaaden Shacabka rer Hargaysa in aan nabada waxba layeelayn yaguna ilashanayaan hadey rayigooda Cabiraan oo dulmiga diidan oy oran wayaan waar Goboladii kale Xidhme BERBERA oo ahayd hoyadii Dhaqalaha Waddanka way Baabadey Burco iyo Gerigaabo iyo Laascanod Boorama way kudayeen, Hadey oran wayaan oo ay arki wayaan in Waddanki sidii rooga lasoo duubay hadey dhaqaale tahay wax uqabad tahay maamul gadhsiintahay oo ay toosi wayaan, Hubashi sidii kudhacdey Muqdisho ayaa dhacaysa waayo marka dulmigu bato dee dhibtu meelna istagi mayso Xamar markii lasoo xidhay 18-kii Gobo lee Somaliya ayay Xamarna Duntay waayo bahida iyo Shaqo la-aanta ayaa nabada dhawacda talisyada digteetarkana waxay Sameeyan Casimadey isku qafilaan ilaa ay Waddanka dumiyaan waa arrin Caan ka-ah Africa Dhamaanteed. Waxaan leeyahay waar Shacabka rer Hargaysa hatoseen malihi dhib hasameyeen lakiin malinkasta dulmiga lagu sameynaayo in uun dareenkoda hamujiyeen.
Maanta runtii Somaliland waxay cagta saartay jid cade kaligii talisnimo dadkii way bahanyahiin waxaana looga faa’ideysanaya taas oo malinkasta inta lacag losoo dabacdo ayaa la’iibsanaya, Insha Allah Somaliland way guuleysan Allena wax khayrqaba hawkeeno.

Muniir Ahmed Egal
Birmingham/ Uk E-mail muniir10@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: