NAQDIGA MIISAANIYADA :BY CALI MAARSHAAL

NAQDIGA MIISAANIYADA :BY CALI MAARSHAAL
Hordhac

Miisaniyadaha uu wasiir Cawil soo gudbinaayay shantii (5) sanno ee uu wasiirka aha waxa ka muuqata ina aan la isku hawlin oo saacadda u denbeysa inta tii hore la soo qaato lambarada uun la kala beddelo iyada oo aan cidna lagala tashan khaasatan wasaaradaha ay khuseeyso. Wasiirku waxa uu caadeystay ina aanu soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhaxeeya miisaniyada mala-awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah (actual). Mar haddi taa la waayao oo aay noqoto mala-awalkii sandkii hore oo la garab dhigaayo mala-awaalka sanadkan wax qiima ah oo aay ku fadhida ma jirto. Shanta sanno ee uu Cawil wasiirka ahaa sand qudha ma soo bandhigin kharashka runta ah (actual expenditure) ee baxay.

Dakhliga Miisaaniyado waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysan cabir (projections) xaalada dhaqaale, tu hore iyo tu soo socotaba. Marka la cabiro dakhliga ayaa dabeetana laga fuudh yeelaa baahida hadaba taal iyada oo la kala fadilaayo (Prioritize). Taasi kama muuqato miisaniyadaha uu wasiir Cawil soo gudbiyo.

Waxa ka muuqata miisaniyada 2009 siddii ay kuwii horeba uuga muuqatay been abuur cad sida miisaniyada loo qoondeeyay Naafada iyo agoomaha oo aan wax caqliga geli kara aheyn; ta loo qoondeeyay kharashka madaxtooydu ku bixiso isticmaala nalka iyo biyaha; ta loo qoondeeyay kharashka tababarka wershedleyda oo aan midna waxba ka jirin (hoos ka daalaco) iyo kuwa kale oo la mid ah. Hadaba waxa aan hoos ku soo bandhigayaa dhaliilaha ka muuqda miisaniyada 2009

Lama Dhaqan Gelin Wax Ka Bedelki Wakiilado dalbadeen

Sida aan kor ku xusay kharashka runta ah ee afartii (4) sanno ee hore cidina garan meyso waayo sanad qudha lama soo bandhigin. Waxa se cad ina aan la dhaqan gelin talooyinkii iyo wax ka bedelkii uu golaha wakiilado soo jeediyay khasatan 2006, 2007 iyo 2008 intaaba. Miisaaniyadii 2006 goluhu waxa uu soo jeediyay ina shaqalaha loo kordhiyo boqolkiiba 30%; 2007 waxa uu soo jeediyay ina mushaharka madaxweynaha wax laga jarro oo loo kordhiyo jaamacadaha iyo cisbitaalada; 2008 wax uu soo jeediyay ina a) gobolada bari laga bedelo lacgta giinbaarka iyo b) ina loo qoondeeyo 2% dib u dhiska gobolada Sool iyo Sanaag bari. Intaasi midna lama dhaqan gelin. Taasina waa denbi qaranka laga galay waayo Golaha Wakiilada ayaa iska leh wax ka bedelka iyo ansixinta miisaaniyada sida ku qayaxan distoorka qodobka 55. Golaha Wakiilado waxa uu leeeyahy sameynta qawaaniinta (xeer dejinta) waxa se fulinteeda leh xukuumada. Halkaa waxa ka cad ina xukuumada Riyaale hantida ummada sida ay doonto uugu tagri faleyso iyada oo aan haba yareete aanay cidna wax iskaga tirinaheyn.

Ma dhaba ina Dakhliga 2009 Uu Hoos U Dhacay?

Dakhliga Miisaniyada 2009 wax ku cad ina uu boqolkiibaa 5.5% hoos uuga dhacay kii sanadkii 2008. Taasi waa mid lala yaabo waayo sida ku cad miisaaniyada Wasiirku soo gudbiyay:

* Cashuurtii soo dejintu waay koradhay.

* Shaqaalihii xukuumado sid ku cad miisniyada wuu kordhay taa macnaheedo waxa weeyi cashuurta dakhilga shaqalaha (payroll tax) oo korodhay

* Cashuurti macaashal/macaashka ganacsiga oo aad u kordhay sida ku cad miisaaniyada.

* Cashuurtii beriga oo iyana koradhay.

* Waxa kale oo iyana 20% kor u kacay dakhliga iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale (economic activity) ee dekedda Berbera sida ku cad miisaaniyada dekedda.

Halkaa waxa ku cad ina dakhliga ay dawladu leedahay hoos ayuu u dhacay waxba ka jirin. Ina xukuumado dakhliga 2009 aay ka been abuurtay meela badan ayaay ka muuqataa waxa se igaga filan oo aan metaal u soo qaadanayaa dakhliga laga filaayo dhoofinta xoolaha 2009:

Dakliga Dhoofinta Xoolaha 2009
Lo’ada 81,181 $11 $892,991
Geel 26,031 $17 $442,527
Adhi 1,224,533 $2.5 $3,061,333
Isugeyn 1,331,745 Neef $4,396,851

Sida shaxadan ku cad 1,331,745 Neef ayaa miisaniyada ku cad ina loogu talagalay ina aay dhoofaan 2009. Cashuurta la yidhaaahdo (live-stock levy) ee xukuumado tidhi waa la filayaa ina aay ka soo hoyato 2009 dhoofinta xoolaha ee ku qayaxan miisaniyada waxa weeye $2,033,124.

Cashuurta runta ah ee aay tahey ina lagu muujiyo miisaniyaduna waa shaxdan ku qayaxan ee ah$4,396,852. Halkaa waxa ka maqan dakhli dhan $2,363,724 taasi oo noqoneysa 54%. Waxa aan halka metaal ahaan idiinku tusay cashuurta dhoofinta xoolaha (L/S/Levy) oo qudha ee boqolkiiba aay 54% ka maqan tahey. Cashuuraha kale ee aay ka midka yihiin cashuurta moorka, cashuurta dekada (H.Tax); ta diiwangelinta IWM waxa ka wada maqan 54%. Halkaa waxa ku cad ina miisaanyada 2009 aanay hoos u dhicin ee ay ka maqan tahey 54%.

Dakhliga Miisaaniyada Ka Maqan

Ugu horeyn Miisaaniyada waxa ka maqan dakhli badan oo aay ka mid yiheen:

1. Dakhliga Dekedda Berbera
2. Haamaha Shidaalka TOTAL
3. Hay’adaha Biyaha oo dhan sida ta Hargeysa
4. Haya’da Laydhka Hargeysa
5. Hay’ada Wadooyinka ( Roads Authority)
6. Lacgta Sarifka ka soo baxda ee ku xaroota Baanka-Dhexe
7. Dakhliga iibka hantida ma guuraaga ah
8. Labada dollar ($2) ee aan buuga gelin ee marka la dhoofayo la iska qaado
9. 2% loogu tala galay Sool iyo Sanag Bari ina lagu horamariyo oo dhan $739,046

Dakhliyo kale oo Aan Runta Laga Sheegin

Dakhliga liisamada/ruqseynta macdanta iyo shidaalka $2,260

Iibka khayraadka $9,712

Dakhliga kaluumeysiga badda $52,768

Aujuurada duulista $350,197

Dakhliga Cashuurta gadidda (sales tax)

Miisaaniyada waxa ku cad dakhliga ah $3,438,098 oo lagu magacabo cashuurta gadidda. Hadaba waxa la yaab leh ina aanay jirin sales tax. Meelna laguma qaado. Waxa jirta fiiga kala wareejinta hantida sida baabuurta oo ka duwan sales tax. Waa wax lala yaabo!!!. Siddeebaa cashuur aan jirin oo intaa leeg loogu qoraa miisaaniyada??

Kabka Sarifka Raashinka Ciidanka ee Laga Been Abuuray

Wasiirka maliyadda markii golaha gudida dhaqaalaha ee wakiilado weydiiyeen lacagta adag ee dollarka ah ee ka soo xarootay madaarada sida ka Hargeysa maxa miisaniyada loogu soo dariwaayay iyo waxa lagu qabto waxa uu ku jawabay waxa lagu kabaa raashinka ciidanka.

Jawaabtaasi waa soof daran habaabis. Marka hore raashinka ciidanka xukuumado suuqa ayaay ka soo iibsataa ee iyado debada raashin kama keento. Halkaa waxa ku cad ina an xukuumado u bahneyn dollar ay ku soo iibsato raashin. Marka labada raashinka waxa bixisa hay’ada WFP inta badan.

Kabka raashinka ciidanka ee ku qayaxan miisaaniyada waxa uu dhan yahey $700,109 oo qudha. Waxaana isla miisaniyada ku qayaxan ina lacagta adag ee dekeda Berbera ka soo xarootay ee maareeyaha dekedo ku wareejiyay Bangiga dhexe aay tahey $3,188,945.

Waxa kale oo iyana lacag adagi (dollar) ka soo baxda ganacsata wax dhoofisa oo lagu qasbo ina aay metalan neefkiiba ka soo celiyaan $7 oo loogu sarifo sarifka officialka ah oo ah 3,000 oo Somaliland ah. Daraasad hore loogu sameyay lacgta adag ee sarifka ka soo gasha xukuumada ina aay kor u dhafto kow iyo toban millon oo dollar (11 million dollar). Halkaa waxa ku cad ina aanu wasiirku runta sheegayn. Taasina waa denbi qaranka laga galay.

Naafada iyo Agoomaha La Hafraayo

Kharashka miisaniyada uugu jira Naafada iyo Agoomaha waxa uu dhanyahey $1,638,326. Haddi aay wasaarad gaar ah ahaan laheyd waxa ay noqon laheyd wasarada sagaalaad (9th place). Waa wax lagu qoslo. Tafaashishiina waan tan hoos ku qoran:

* Mushaharka naafada iyo agoomaha $1,632,326
* Shidaalka naafada $4,208
* Habeen dhixida naafada $1,146
* Stationeriga naafada $550

Maansha alaa haddi ay naafada iyo agoomha kharashka inta leegi ku baxeyso!!!. Haddi taasi jirto waxa aaynu la mid nahey wadanada scandeneveynka (scandanivian countries).

Shanta Wasaradood ee u Miisaaniyad Weyn Waa Kuwee?

Miisaniyado waxa ay ka koobantahey todoba iyo afartan (47) waaxood oo isugu jira wasaarado iyo hay’ado. Hadaba shanta uugu miisaniyada weyni waa kuwan hoos ku qoran:

1. Ciidanka Qaranka (the army) $12,350,109
2. Bileyska (police) $4,602,527
3. W/Maaliyada $2,531,815
4. W/Madaxtooyada $2,504,739
5. Ciidanka Asluubta $2,323,267

Waxbarashado waa ta lixaad (6th place); wasarada guduhu wa ta todobaad (7th place); gaashandigu waa ta sideedaad (8); caafimaadku waa ta tobnaad (10); beeruhu waa ta 24-naad; cadaalado waa ta 28-naad.

Sua’ashu waxa aay tahey miisaaniyada ciidanka asluubtu sidiibaay uuga weynaataa Miisaaniyada waxbarashada; ta w/difaaca; ta caafimaadka; ta beeraha; ta xannanada xoolaha; ta w/dibbada;ta..ta..ta.. Ma wax baa si ah mise Somaliland oo dhan ayaa jeel ku wada jirta? Waxa hubaal ah ina miisaaniyada intaa leegi aanay ku bixin ciidanka asluubta ee la iskaga qoray oo loo isticmaalo wax yaalo kale.

Kharashka aan 2009 Lagu Tala Gelin

* Bedelka lacagta Ginbaarka
* Dorashooyinka dawladaha hoose

Kharashka Ilaalada Madaxtooyada

Kharashka ilaalada madaxtooyda loo qoondeyay waxa uu dhan yahey $480,187 oo anu mushaharku ku jirin. Haddi aay wasaarad gaar ah ahaan laheyd waxa aay noqon laheydwasaarad 15-naad xaga weynida marka laga eego. Waxanay ka weynaan laheyd 32 wasaaradood oo aay ka mid yiheen beeraha, ciidanka xeebaha, ganacsiga, hawlaha guud, warfafinta IWM.

Kharashka Ku Baxa Nabad Sugida

Kharashka ku baxa nabad sugidu waxa uu dhan yahey $22,082,582. Kaasi oo noqonaaya 54%.

1. Ciidanka qaranka $12,350,109
2. Bileyska (police) $4,602,527
3. Ciidanka asluubta $2,323,267
4. Gaashaandhiga $1,821,675
5. Ilaalada madaxtooyada $480,187
6. Ciidanka xeebaha $331,508
7. Wasarada daakhiliga-nabadgelyada $111,788
8. Guurtida -nabadgelyada $61,538

Wasaarado Dhawr Miisaaniyadood Kala Leh

Labada wasaradood ee kala ah difaaca iyo garsoorka (cadaalada) waxa ay kala leeyihiin dhawr miisaaniyadood: wasarada difaaco waxa aay leedahay laba (2) miisaniyadood oo kala ah ta ciidanka qaranka iyo ta wasaarada difaac oo gaar ah.

Sidoo kale wasaarada garsoorku waxa aay kala leedahey saddex (3) miisaaniyadood: ta maxkamadaha hoose; ta maxkamada sare iyo ta wasarada caddaalada.

Sababtu waa maxay? Sida uu sheegay Boos wasiirkii hore ee difaaco wasiirka difaaco ma xukumo ciidanka qaranka. Ciidanka qaranku waxa uu toos u hoos yimaadaa madaxtooyada. Wasiirka difaaco waa magac u yaal aan awoodiisu dhaafsaneyn xeyn shaqaala ah oo wasaraada difaac hos fadhiday.

Sida oo kale xukaanta fadhiday maxkamadaha waxa aay toos uugu xidhan yihiin madaxtooyada. Wasiirka cadaaladuna waa magac u yaal.

Deynta iyo Deeqda

Deynta iyo deeqda miisaniyada ku cad waxa aay dhantahey $4,153,846. Taasi oo miisaniyada ka ah 10%:

Deeqaha iyo deynta $3,076,923

Deeqda D/Hoose $769,231

Deeqda dekada Berbera $307,691

Deeqda iyo deynta ah $3,076,923 cidda laga amaahday amba ku deeqday wasiirku wuu diiday ina uu sheego. Qaynuunkuna waxa ku qayaxan wixii deyn ah ee magaca waddanka lagu gelaayo waa in uu golaha wakiilado ansixiyaa. Taasina ma dhicin

Kharashyada La Yaabka Leh

Isticmaalka nalka iyo biyaha $160,421

Iibsiga qalabka nalka iyo biyaha oo sanadwalba taagan $39,915

Qareenka saboolka $2,750

Tababarka wershadleyda $1,490

Sideey la yaabka u leeyhiin? Wasaarad qudha madaxtooyadan ku dhahoo oo nalka iyo biyo bixisaa ma jirto haba yaraate. Madaxtooyado nal iyo biyo toona weligeed may bixin hadana sanad walba way u qorantahey. Waxa taa ka sii daran miyaad aragtay iibsiga qalabka nalka iyo biyaha oo sanadwalba taagan. Sanad walba miyaay guuraan oo galaan meel cusub oo la soo gelinaayo nal iyo biyo. Miyaanay aheeyn mid lala yaabo!

Xukuumado ma qareen ayay u qabata dhibanaha dan yarta ah ee an awoodi karin qareen?. Jawaabtu waa maya. Mise dadka warshedleyda ah ayaay tababar u qabataa? Iyana waa ma ya.

Kharashka Xisaab Xidhka

Wasiirku markii la weydiiyay waxa uu u soo gudbin waayay xisaab-xidhkii sanadihii hore waxa uu ku jawabay shaqada waxa aay khuseysaa hanti-dhawrka. Su’aashu hadaba waxa aay tahey kharaskan xisaabxidhka ee dhan $30,769 ee ku jira miisaniyada wasaarada maliyada waa maxay? Jawaabta waxa laga sugayaa wasiirka.

Kharashyada aan Macnaha Sameynen

Kharashka ururka NOW $48,157

Kaalmada bahweynta Maandeeq $8,892

Haya’da NOW waa NGO xukuumada loogu adeego. Waana xaaraan ina xoolaha dawlada lagu isticmaalo.

Mashaariicda Horumarinta (development projects)

Kharashka loo qoondeyay mashariicda horumarka waxa uu dhan yahey $225,717. oo ah 1%.

Mashruuca Abu-Riin $32,033

Warshada Laas-qoray ee kaluunka $138,461

Warshada laydhka ee Berbera $55,223

Kharashka Ku Baxay Laydhka Berbera

Kharaska ilaa maanta ku baxay Balaadhinta iyo hirgelinta Laydhka Berbera waxa uu dhan yahay $989,940: Taasi oo kala ah sidan:

Miisaaniyadii Sandkii 2005 $307,692

Miisaaniyadii Sankii 2006 $334,996

Miisaaniyada Sanadkan 2007 $236,806

Miisaaniyada 20008 $55,223

Miisaniyada 2009 $55,223

Talow Berberi ma ka haqab beeshay laydh????

Mushaharka Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Madaxtooyada

Miisaaniyada loo qoondeeyay Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo wasaarada madaxtooyadu waxa ay dhan tahey $3,081,911. Taasi oo ah 8%

Mushaharka Madaxweynaha $400, 064

Mushaharka Madaxweyne-Ku-xigeenka $177,108

Wasaarada Madaxtooyada $2,504,739

Haddi intaasi wasaarad isku ahaan lahaayeen waxa ay noqon laheyd wasarada 3-aad

Waxa aan ku soo gebogebeynayaa wax yaalo kale oo badan ayaan naqdiyi lahaa laakiin maanta intaasi ayaan ku dhaafayaa. Hadii aad damacdo ina aad hubiso lambaradaa aan soo qoray waxa aad ka duushaa miisaaniyada oo ah: S/L Shilling 265,190,104,732=$40,798,478; Sarifka oo ah: $1=6,500.

By: Ali Gulaid

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: