ISBARBAR DHIGA ASXAABTA SOMALILAND IYO HABDHAQANKA QORAALKA SIYAASIGA

ISBARBAR DHIGA ASXAABTA SOMALILAND IYO HABDHAQANKA QORAALKA SIYAASIGA

Isbarbar dhiga Axsaabta Somaliland iyo

habdhaqanka qoraalka siyaasiga.

Fahanka habka iyo qaabka qoraalka tabcadu ku maldahantahay ayaa noqday mid aan shacbi aad u fara badan aqoon u lahayn. Madaama qoraalka siyaasigu xambaarsanya- hay qaab tabco maldahan oo uu ugu talagaley in uu ku soo jiito khalqiga balaadhan ee codka bixiya, ayey adagtahay in shacbiga Somaliland ay iska fahmaan ama kala gartaan khiyaamada siyaasadaysan iyo runta dhidibka xaqa ah ku taagan. Sida aynu la wada socono waxa idaacadaha,website yada,wargeysada iyo telefishanada ka baxa oo laga faafiyaa siyaasada axsaabta dalka Somaliland oo mid kastaba ku soo bandhigo muqaal qurxoon oo uu ka bixinayo xisbigiisa iyo siyaasadiisa. Hadaba qaabka qoraagu u adeegsado weedhaha tabcaysan ayaa look ala saari karaa laba qaab. Tabaha, xeeladaha iyo tabcada damaca qoraalka siyaasiga ayaa u kala baxa (1 presentation of facts & 2 opinionated and convincing article) oo ah soo bandhigida dhacdooyinka xaqiiqada ah ama tariikh lasoo maray iyo 2 cabir fakir lagu soo jiidanayo shacbiga oo ah mid mala awaal tabcaysan oo loogu tala galay in lagaaga dhaadhiciyo wanaaga xisbi ama fakir si laguu soo xero galiyo oo loo hanto tageeradaada. Qaabkan 2 aad waa been mala awaal loogu talo galay in jahada lagaaga lumiyo ood u taageertid xisbi daacadnimada ka fog. Wuxuu adeegsadaa qaabkani si kasta oo lagaaga helayo tageero ama cod wakhtiga doorashada. Xisbiga adeegsanaya qaabka siyaasadeed ee noocan ah ayaa cabsi galiya shacbiga, wuxuu adeegsanaya laaluush la bixiyo habeennimo, Balanqaadyo aan jirin oo aan la fulinin hadhawto, khalkhal laga abuuro shacbiga dhexdiisa iyo xasilooni daro la gaysto oo loo sawirayo ama loo dhigayo in xisbiyada kale ay wadaan khatar aad u culus oo ay damacsanyihiin. Waa qaabkii uu adeegsaday mr George W Bush dalka maraykanka wakhtigii uu ka guulaystey Al Gore iyo wakhigii dambe ee John Kerry dalka maraykanka.

Hadaba, Qaabka koowaad waa qaabka siyaasiga damiirka iyo dadnimada leh uu adeegsado oo ah in uu soo bandhigo xaqaa’iiq dhab ah iyo taariikh lasoo maray oo aan ku salaysnayn cabsi gelin iyo xaalad abuuris.

Shacbiga Somaliland ayaad moodaa in hadaba lagu hodayo laguna marin habaabinayo cabsi gelin, khalkhal abuur, laaluush IWM. Waxa sababay ayaan odhan karnaa shacbiga oo aan aqoon u lahayn qaabka siyaasigu u adeegsado qoraalada tabcaysan ama siyaasadaysan. Waxa balse lagu kala garan karaa oo lagu dooran karaa ama lagu aamini karaa siyaasiga u wanaagsanaan doona shacbiga iyo dalkaba, inaga oo si fiiro gaara leh isu barbardhigna una dheehana wax qabadka, taariikhda iyo aqoonta murashaxyada siyaasadeed ee dalkeena. inaga oo iska garana hadalada siyaasiga eetabcada iyo xeeladuhu ku aasanyihiin isla markaana aan garano damaca ka dambeeya weedhaha siyaasiga.

Hadii aan soo qaadano axsaabta dalkeena, xisbiga ucid waa xisbi aan dhab ahaan lahayn miisaan culus isla markaana aan soo jiidanin shacbi balaadhan. Waa xisbi aad moodo nin kaliyaale ama in shakhsi kaliya leeyahay oo aan u furfurnayn una dabacsanayn siyaasada shacbiga balaadhan ee dalka.waa xisbi aan odhan karno wuxuu had iyo goor ku lamaanyahay xisbiga udub madaama uu ogolaanayo wax kasta oo ay UDUB ku taliso. Waa su’aal ee UCID ma qayb udub ka mid ahbaa oo u ololaynaysa UDUB?

Xisbiga UDUB waa xisbi balaadhan balse hayey talada dalka in muddo ah. Murashaxa UDUB Daahir Riyaale Kaahin waa nin aan aqoon sidaa usii ridan lahayn xaga siyaasada iyo dhaqaalaha oo ah laf dhabarta dal ku dhisnaado.hadii aynu nidhaa ma aamini karnaa Daahir Riyaale markale? Waa maya, waayo dib u dheehashada taariikhdiisu waa mid ina tusaysa tabcooyinka u dahsoon iyo danaha uu ka yeelankaro Somaliland. Wuxuu u shaqeeyey taliskii afwayne waliba qaybihii military ee shacbigu aanada iyo eedaha ka tirsanayey. Wakhtigii uu hadaba hayey xilka dalka wax waxqabad ah oo uu sameeyey ma jirto haba yaraatee. Waxa aan waxba laga qabanin dhismaha dalka, laamiyada, xafiisyada dawlada, goobaha wax barasho, biyaha iyo laydhka, mashaariicda beeraha iyo horumarinta nolosha shacbiga. Waxa cad in musuq maasuq ku faafsanyahay dhamaan xafiisyada dawladeena. Daahir Riyaale wuxuu xidhay xadadkii aynu la lahayn ganacsiga balaadhan ee inoo ahaa stratajiyada. Shirkado ajaanib ah ayuu u xidhay ilihii dhaqaale ee shacbigu ka faa’iidaysan lahaa, Sida shirkadaha diyaaradaha, patrol ka, macdanta, dhoofinta xoolaha nool oo aynu aragno baahida ree Somaliland ka haysata maanta. Shaqo la’aanta ka taagan dalka oo sababtay tahriibka dhalinyarada badan ay badaha isugu gurayaan. Wuxuu daahir ka shaqo galiyaa xafiisyada dawladeed cidii isaga la xisbi ah iyo ubadkooda. Hadaba xisbiga UDUB ayaa adeegsada weedhaha shacbiga lagu khalkhal iyo cabsi gelinayo oo ah kulmiye hub ayuu urursanayaa iyo nabada ayuu khalkhal galinayaa, xabsi iyo cabudhin lagu sameeyo siyaasiyiinta aan ahayn udub iyo saxaafada xorta ah. Waxaan leenahay xisbigani waa mid isagu nabada khalkhal galinaya oo abuura isku dhac beelood, waa midka dib u ridaya doorashadii loogu talo galay in uu diyaariyo oo uu qabto inta aan mudadu ka dhamaanin. Xisbigani runtii wuxuu ku tuntay sharcigii dalka, hantidii iyo siyaasadii dalka iyo dadka.waa xisbi aynaan aamini karayn. Mar I dage ale ha dago mar labaad anaa isdagay! Wuxuu ka soo bixi waayey xilkii loo igmaday.

Hadaba aan usoo daadagno xisbiga kulmiye. Kulmiye waa xisbi aan talada dalka wali hore u qabanin. Murashaxa kulmiye MR: Axmed Maxamed siiraanyo hadii aynu dheehano taariikhdiisa, waxqabadka, daacadnimada, aqoonta waxbarasho, iyo kalsoonida dimuquraadiyadiisa.

1 Axmed wuxuu ku takhasusay dhaqaalaha iyadoo aanay maadada dhaqaale ka madhnayn adeegsiga iyo barashada koorsooyinka siyaasadeed.

2 axmed wuxuu kusoo shaqeeyeyxirfadiisa waxbarasho isaga oo ka hayey dawladii afweyne jago muhiim ah oo aanu gaadhin daahir Riyaale aqoona u lahayn.

3 Axmed wuxuu ahaa hogaamiyihii SNM si sharaf iyo wanaag badana wuxuu xilkii ugu wareejiyay C/raxman Axmed Cali(tuur) isaga oo aan axmed isku dayin in uu doorashada dib u dhigo iyo in uu musuq iyo laaluush adeegsado midna.

4 Axmed wuxuu ahaa ragii u soo halgamay dejinta iyo dhismaha dalkan wakhtigii qadhaadhaa ee dagaalada sokeeye, Iyada oon la aqoon daahir Riyaale wax wax qabada oo uu ka qabtay dalka wakhtigaasi.

5 Axmed waa ragii faro ku tiriska ahaa ee usoo halgamay nabad waarta oo dalka lagu soo dabaalo isagoo xaga dhaqaalahana wax weyn ka taray dalka.

Axmed waa Ninkii u galay hawdka in uu shacbigiisa ka xoreeyo xag daradii, dilkii, dhicii, iyo musuqii afweyne halka Daahir Riyaale uu la shaqaynayey afweyne wakhtigaa. Waa ninkii maatida iyo caruurtu shaadhkiisa kaga gabanayeen qorigii iyo qumicii dhafoorka lagaga hayey.

Waa nin naftiisa usoo huray dalkiisa iyo dadkiisa . Waa khalad in aynu kalsooni buuxda ku siin wayno codka uu inaga mutaystay. Nin wax garad ah wuu garanayaa maalintii loo hayaamay hanfigii iyo kulaylkii, abaartii, gaajadii Ethiopia loogu qaxay. Waa ninkii ka shaqeeyey in aan aar goosi qabiil ka dhicin dalka kolkii lasoo galay ee ka shaqeeyey in la walaaleeyo dadkii ood wadaagta, inan iyo abtigiis ahaa.

Sidaa darted Axmed Maxamed Siiraanyo waa siyaasi aynu ku aamini karno codkeena iyo cududeenaba.

waayo waxa cadayn u ah taas taariikh nololeedkiisa iyo inta goor ee uu ka dul qaatay doorasho laga booboo iyo dib u dhaca doorashada. Halka aynaan haynin daahir riyaale oo mar kaliya ka tanaasula halka uu qabsado.tusaale doorashadii hore, siyaasiyiintii la xabisay oo uu daahir ka diiday odayadii, suldaamadii, ciqaal iyo wax garadba in ay wax u sheegaan isla markaana ixtiraami waayey dastuurkii iyo dimuquraadiyadii shakhsiga iyo shacbiga.

Damanaanta shacbiga Somaliland iyo dulmiga ka taagan dalka ayaa hadaba aad arakaysaa in shacbigu quus ka gaadhay siyaasada dalka oo loo sawiray in kii yimaada ee xilka ay u dhiibtaanba yahay kii hore.

Waa khaladka ay shacbigu qaayibeen in ay ka dulqaataan oo ka foorarsadaan dulmigii shalay laga dagaalamay. Shacbigu waxay ku khaldanyihiin in ay hilmaamaan kumanaan kii u shahiiday in ay inta soo hadhay ku noolaato xoriyad, iyo in lagu dhaqmo shareecada islaamka. Hadaba shacbiga Somaliland waxa la gudboon in ay ka dhiidhiyaan oo ka dagaalamaan xaq darada iyo musuqa una hiiliyaan xaqa uu ilaahay ina faray in aynu ka run sheegno una dagaalano si kastaba haw qadhaadhaato ee. Maanta ma taagna wakhtigii dagaalka ee waa wakhtigii shakhsigu ugu hiilinayey xaqa codkiisa oo uu siiyo oo kaliya. Hadaba aan iswaydiino Udub iyo Kulmiye kee nabada iyo nolosha shacbiga khalkhal ku haya? Aniga aragtidayda iyo fikirkayga waxa ku haya UDUB oo aad ka garran kartaa dib u dhaca doorasho oo ay ugu talo gashay in ay khalkhal ka abuurto dalka.

Sababtoo ah waxay ogsoonyihiin shacbigii ku marinhabaabay beentii iyo balanqaadyadii doorashadii hore ayaa fahmay oo aan maanta khiyaamo labaad ogolayn. Balse waxaan leenahay shacbiga yaan lagaaga cabsiin nabada ayaa burburaysa, sheeko baralay. Kuwa lagaaga cabsiinayo in ay nabada khalkhal galinayaan waa kuwii usoo halgamay ee naftooda u huray dalkan, waa iyaga cida ay Somaliland ka baaba’aysaa ee danta ka leh.

Somaliland waa midhihii ay dhaliyeen oo maanta u baahan in aynu ugu gurno codkeena kii keenay nabada iyo xasiloonida dalkan. Waxa cadaan xaqiiqo aan laga talaabsan Karin ah in aan kulmiye iyo SNM ninna uga lexejeclo badnayn Somaliland oo dhisnaata.!!!!!! Cidda aan lexejeclada ka lahayn waa kuwii shalay ka dhuuntay iyada oo la gumaadayo shacabkooda iyagaana maanta jecel Somaliland oo la midawda Somalia waayo iyagu halkaa ayay quud kaga raadsanayaan iyo kursi. Halka kulmiye ka yahay kii aasaasay gooni isu taaga Somaliland iyo xoraynta dalka.

Qalinkii: Fu’aad Ismaciil USA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: