GARO DABA-DAY GII-GII LEH !!!!

GARO DABA-DAY GII-GII LEH !!!!
Habar dhili-wayday aleelo ku waalatay baa la yidhiye, dani maw run sheegtay NAALEEYE HABAC-SANE ( waa riyaale’e),ma haduu uu daba-da warwaree-jiyey siddii land rover dhiidhi galay oo uu ku meerays-tay in uu golaha guurtida uu ka soo galay albaab-ka dambe una kala shir-shiriyo beel-beel, isaga oo raadi-naaya mudo kordhin uu hore cimri-dherer uga dhigtay, taas oo uu faraha kaga baxay isna yidhi maanta-na way kuu hir-geli doontaa ee odayaa-shan inta aad bariis siiso ka dhamee in wakhti kale laguu sharci-yeeyo, oo dhafoor taabasho ku samee MUJAAHID AXMED SIILAANYO, oo mar kale mudo aan sharci ahayn madaxa ha laguu saaro, laakiin waxa ku dhacday indho-guba, markii uu intii yarayd uu ku sabaayey 20 oday ee harti guurtida ugu jira u qaybiyey waxoo-gaaggii dufanka ahaa ee uu ku soo tala-galay, una sheegay bal in ay isku dayaan in ay badhi-taaraan maal-maha loogu sii dari-doono ayaamaha soo socda, baa waa yaabe waxay noqotay in uu ku sifoobo maah-maah-ddii ahayd DACAWO HALKA AY MACAL KU BARATO BAY MACALUUL UGU BAKHTIDAAY’E, ay oda-yaashii 6 qudha oo ka mid ahi yimaadeen, afka-na kaga dhufteen wax aanu filayn oo ku yidhaa-heen wax-ba kama qaban karno, godob-na ma gelayno, EE AFKU YUU KU CADAANE KA ISTAAQ FURALAYSO oo didibso maandhe DHAAXAAD AFAR-QAADAY SOCOD-KEE maanta waa lagu hayaa, MAC-SAR BAA LAGAA TUUJI-NAYAA mana iman karto dhabaq-siggii hore ee aad ku mamtaye, intii kale-na soo-ma ay xaadirin oo waxay yidhaaheen ALLAA ku yaqaan abeeso il-weyn.

Falaadhi gilgi-lasho kaaga-ma go’do baa la yidhiye, ee liibaan-teed aduunyadda ruux-na laasan maayo’e maxaa luray naf-taaddii, haddii been ay kuu sheegeen dhawr-kii faaliye oo ku yidhaa-heen, guul baa kuu sugnaa-tay, hadal-kaasi waa ina wax kama jiraan, ceer-yaamo subaxeed, caruure cabsiiye, iyo hal bacaad lagu lisay, cir daruur laga waayey, iyo baabaco timo lagu arkay ee oday ka diyaar garoow inta kuu hadhay ilaa 01/07/09 oo ay kaaga eg-tahay marka ay dib u qaado guurtidu imika, MAANDHE guri ka sii daydayo, ka qaaday wixii AL-LE kaaga calfaye, dhaaxaa lagu lahaa caga dhigo oo u miyiri sidaas kuma taranto’e, goorma baad ogaatay in uu wiish kula kacay, oo aad kolba siiddii awr baarqub ah oo carta-maaya cadhadii aad dhirta madaxa la dhacaysaa, wuxu yidhi abwaan DACAR:-

Haduu cararo inan-yahay, cawl uu nin ragi-hi ganay, dantu way cuslaysaa,
cirka sare shimbir u lalay, cabaar waa-ka dabadeed, soo dhiga caga-ha’oo,
ma huraayo ciidee, hadaan caawa kuu imi, adiguna canaad, oo ka cad gooso hays odhan,

Sidaas awgeed baad imika qoorta soo dhigatay, oo dani-ku-barkatay, ee ilayn geed la cuska-daana, ilayn gees loo kacaana, marka ay taladu joogto qof-kii yeeli waaya oo naf-tiisa ku maawee-liya dhalan-teed, isla weyni, iyo durbaan bilaash ay kuwo ku luminayaa garab-ka kuu sudheen, muda-na aad ku talaab-satay oo aad istidhi sidan baad ku waaraysaa, hada bay ku soo gabatay, soo taabatay xaqiiq-ddii, wuxu yidhi QAASIM AL-LE ha u naxariisto’e, NIN KASTOO SALAAN DHEER U BAXAY SOO DEG BAA XIGIYE, mar kale-na wuxu yidhi,SUUL-DAARO WAW HALIS NIN AY RAG ISI SEEGEENE, gabay-ga la yidhaaho cirsan-ka-yeedh isna wuxu yidhi:- caanuhu dhawaan way ka quban ciil dad loo qabaye, waxan ku soo dabarayaa maqaal-kan, murtidii cali jama haabiil ee uu u tiriyey ina cabdale xasan ( loo yaqaanay MAD MULAH) waa-na tan ee hoo :- HA TAR-GAAFO SIDA TOOJO GEEL TOORIN BAW QORANE.

*N.B Ma kash-bacay, kel-yuu may kareen, kadab la’aan-tayda.

waa abdirahman jama ahmed,
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: