WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA ,UDUB IYO ISMAACIIL YARE

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA ,UDUB IYO ISMAACIIL YARE

Ismaaciil Aadan Cismaan, waxa uu ahaa wasiirkii Daakhiliga ee Somaliland, ee ku talaxtagay taageerada Xisbiga UDUB, taasna waxa uu ku yeeshay dad neceb iyo dad jecel. Waxa uu se u hadal wanaagsanaa markii uu yidhi Waligay UDUB ayaan ahaanayaa, sirta aan hayana waan la dhimanayaa. Waana hadal raganimo leh.

Laakiin waxa aad loo yaabay markii la arkay Ismaaciil oo leh sirtii baan sheegaya an hayay, kadib markii uu xeerka UDUB u diiday in uu is sharaxo, taasina waxa ay ceeb ku tahay isaga, waayo cid dambe oo sir ku aamineysaa ma jirto, xisbi mucaarid ah oo u yeedhanayaana ma jiro, oo waa kii godobta ka wada galay dhamaan.

Godobaha uu Ismaaciil galay waxa ka mid ahaa:

1.Galistii sharcidarrada ahayd ee xafiiska Kulmiye.

2.Weerarkii ay ku qaadeen Cusbitaalka Hargeysa.

3. Kalmadii gafka ahayd ee ka yidhi xadhigii Jaamac-Yare.

4.Dhirbaaxadii taliyaha saldhiga dhexe uu u gaystay, kadib markii la xidhay wiilkiisa oo gabadh jiidhay.

Iyo waliba fadeexado kale, oo farabadan, oo aad garan kartaan, ama aad iiga aqoon badan tihiin.

Haddaba waxaan Madaxweynaha Somaliland u waydiinayaa in uu Ismaaciil u magacaabo xilkii uu hayn jiray, toloow xilku muxuu yahay ? Waa Joomitirnimadii uu ku caano maalay, ee uu aadka u yaqaanay. Illeen Wasiirnimada afar sanno oo qudha ayay ahayde.

Madaxweynaha waxaan leeyahay “Adiga ayaa na baray magaca Ismaaciil markii aad qof Joomitir ahaan jiray aad wasiir ka dhigtay, mana aan aqoon Ismaaciil, magacaabistaada ka hor, ee maantana Madaxweyne Ismaaciil-Yare u magacaw Joomitirkiisii waa intoo uu qaylada daayee.

Madaxweynaha iyo xisbiga UDUB ba waxaan u soo jeedinayaa in ay dulqaataan xagxagashada iyo cayda Ismaaciil uu awalba caanka ku ahaa.

Qalinkii:Mohamed Mohamoud Youssuf

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: