REER TOGDHEER IMIKA BAY HELEEN XALKII ISKA DILISTA AHAA !!!

Alay-lehe imika baad moodaa in ay reer togdheer ( burco) uu AL-LE garan-siiyey xaqii iyo farsa-maddii ay ku kala badbaadi la haayeen, oo wixii weli-geed isku jeedin jiray ay xakame ku faruur xidheen aanay dib ugu dhicin dilikii baahay ee loo la’aa qaab loo yareeyo, waxay ahayd waali aan geed-na loogu soo gaban, marka waxa dhacaan ee ay timaado wax-yeelo dhimasho ahi, in lala baxsan jiray qofka wax geestay, la qarin jiray, oo la odhan jiray wuu bax-saday oo meel uu jiro la garan-maayo, dabeed-na ay ku dambayn jirtay in loo dilo qof kale oo aan waxba gaysan oo hor ILLAAHAY meel iskaga maraaya, oo ay isku cid yihiin kii dhigay wax-yeelada, oo ay aano-ba-aano ka daba tegai jirtay, iyo isu aar maryo dhiigle laga la hoos bixi jiray, ama ay isku dareeri jireen laba beelood oo aan wax ka dhaxayni madax isla geli jireen xaaja-daas awgeed, oo la is dhafoor taaban jiray, halkaas-na lagu bas-beeli jiray, oo awel ruux keli ah bay joog-taye imika ay webiyo dhiig ahi qulqu-laan, hooyoo-yin ku gobala-maan, curado la gawraco, oo dhaawac iyo kala qax yimaado, gudi ku sheeg labada dhinac ka socota baa mar ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo qawdu yeedhay, sii bada-tay godobta iyo geeridu, markii ay gunta soo taabteen waxa ay colaadi tarto ee qoys walba cidi ka baxdo, ay mar danbe ku hanbaa-biraan siddii loo joojin lahaa, isla markaas daacad kama aha’e oo maaha dagaal ay ka hor tega-yaan, waxay sii abuuraan mush-kilad kale, taas oo qaraxda wakhti kale oo caruurtii aaba-hood la dilay marka ay ka caan, ee maqlaan reer hebel baa dilay aabahaa iyana halkii qori ka qaata, wacda-rana dhiga.

TIMA-CADE AL-LE haka waraabiyo janada’e baa mar wax laga way-diiyey wax ay somalidu isku disho buu yidhi, sidatan isaga oo weli-ba sii raaciyey in aanu INGIRIIS-BA wax kale aanu inoo haysan ee uu ina kala ilaali-naayey, isaga oo taas qeexaaya baa uu tiriyey murtidan hoos ku qoran waxana uu yidhi :-

Waa eeydaas is cunaysa,
anigaa kala eega,
waan ilaali-nayaa baa,
istic-maarki lahaa,
waa halkaad ku ogaydoo,
abur reenka may daayo,
aduun reerka halaabay,
marku ayda ku laayo,
dhurwaa uuda ma daayo,
nin ugaadh-sanayaana,
kolay awr xun ma waayo.

Ta ay maanta samaysay BURCO ee lagu dilay labada nin ee ah gacan ku dhiig-laha, waxay xal u tahay joojinta dilalkii foosha xumaa ee la isku taageeri jiray, ee dhameeyey jiil-kooddii, maskax ay isku daba qabtaana aanay jirin, ee marka ay isku dabar go’aan habla-hooda sida xoolaha ay isu dhaafsan jireen ula-na baxeen GODOB-REEB, oo micna-heedu yahay in lagu joojiyo xinji-raha daada-naaya, oo reer geeriyi ku timi la odhan jiray gabadhan guursada ha idiin dhasho bedelkii ninkii la idinka dilay, taas oo meel ka dhac ku ahayd INAN qoorta la soo qabatay oo MAG lagu bixiyey siddii geela, gafaf-kaas iyo qaar kaloo badan bay keeni jirtay, maanta hadaba, waxan filayaa haddii lagu wado in ninkii wax dila sida laba-daas nin, inta la soo qabto la toogto, oo dadka hor-tiisa ciidanka dawladu ku gooli-baadho, ay dhamaan doonto fudayd-kii wax loo dili jiray, waa laga yaabaa in ay mudo sii socoto, laakiin haddii inta jeelka ku jirta imika ee dembi dil ah loo haysto la mariyo dariiqa ay mareen labadan nin waxa hubaal ah in ay joogsan doonto, waayo nin wali-ba waa lagu dili buu is odhan hadaad wax disho oo wuu ka baqi, haddii kale-se way sii socon.

*N.B Ninkii qayrkii loo xiira-yoow soo qoyso adigu-na.

waa abdirahman jama ahmed,
abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: