QURAANKA IYO XAARANTIMAYNTA KHAMRIGA (ALCOHOL) Q 3AAD

QURAANKA IYO XAARANTIMAYNTA KHAMRIGA (ALCOHOL) Q 3AAD
Akhristeyaal iyo bahda saxaafadaba waan salaamayaa. Eeggana waxaan soo tabinayaa qormadii 3aad ee taxanaha ahayd, waxaanan ka hadli doonaa insha Allah

“Quraanka Iyo Xaaraatiminaynta Kharmriga(Alcohol).”

Khamrigu waxa uu ka mid yahay maandooriyeyaasha badala caqliga ama garaadka aadmiga.Qofka cabbaana malaha awood uu ku xukumo dareenka naftiisa.Sidaas daraadeedna khamriga waxa laggu tilmaamaa in uu yahay “Hooyada xumaanaha”.Waayo qofku marka uu sikhraamo waxa u fududaada in uu ku kaco faldambiyeedyo aanu ku kici kareen marka aanu khamriga cabbin sida dilka, dhaca, tuugada, sinada IWM.

Haddaba markii uu Quraanka Kariimka ahi ku soo dagayay Nabi Maxamed (SCW).Khamrigu waxa uu ahaa dhaqan ama caado ku dhex faaftay bulshadii uu xilligaas Nabigu la noolaa.Dadka goortaas jirayna waxay cabbista khamriga u qabatimeen si la mid ah sida ay maanta Soomaalidu u qabatintay cunista qaadka.Mana ay sahlanayn in mar kaliya la joojiyo cabbista khamriga.Sababtoo ah waxa badnaa dadka cabba xilligaas.

Haddaba markii uu Ilaahay ku soo dajiyay waxyiga Nabi Maxamed ayuu si tartiib ah u mamnuucay cabbista khamriga.Taasina waxa ay sahashay in la iska daayo cabbistiisii.Had iyo jeerna marka la doonayo in la cidhib tiro dhaqan xun oo meel ku faafay waxa dadka la siiyaa talooyin ah in ay tallaabo, tallaabo isaga daayaan dhaqankaas xun.

Haddaba Ilaahay markii uu xaaraantinimaynayay khamriga waxa uu soo dajiyay aayado dhawr ah oo kala dambeeyay kuwaas oo ka hadlayay dhibaatada khamriga.Ugu dambayntiina xaaraantinimeeyay gabi ahaanba cabbista khamriga.
Aayadii koowaad ee ku soo dagtay khamrigu waxa ay ahayd aayad ku jirta Suuratu An-Naxl.Aayadaas waxa uu Ilaahay ku yidhi:

“Iyo midhaha Timirta iyo Cinabka oo aad ka yeelataan cabbid iyo risqi fiican.Arritaasna calaamadbaa ugu sugan dadka wax kasi”.Suuratu An-Naxl.Aayada 67.

Ilaahay aayadaas waxa u ku sheegay in midhaha cinabka iyo timirta laga dhigto cabbid lagu sikhraamo.Erayga aayada ku jiraana waa “Sakar” oo ah wax lagu sikhraamo.Hadii la khamiirin (Fermentation) midhaha cinabka (Grape) iyo kuwa timirta (Palm Date).Waxa ay isu badalaan khamri lagu sikhraamo.Midhaha geeduhuna waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha laga sameeyo khamriga.

Mar kale Alle wuxuu aayada ku sheegay in midhaha timirta iyo cinabka laga dhigto risiq wanaagsan.Hadii sidooda loo cuno midhaha labadaas geed waxa laga helaa tamar badan oo shaqo lagu qabsan karo.Sababtoo ah labadooduba waa cuntada loo yaqaano Kaarboohaydaraytka (Carbohydrate).Taas oo jidhka siisa tamar uu ku shaqeeyo, koro, isku dayac tiro IWM.

Haddaba aayadaasi markii ay soo dagtay dadka caqliga lihi waxay is waydiiyaan midhahan marna sida xun loo isticmaalayo ee lagu sikhraamayo.Maanka iyo maskaxda qofkana kaxaynaya?. Marna sida wanaagsan loo isticmaalayo ee arsaaqada wanaagsan laga dhiganayo?.Marka ay su’aashaasi timaadona waa laga yaabaa in dadka qaar iskaba daayaan cabbistii khamriga.

Aayadii labaad ee khamriga ku soo dagtay waxa ay ahayd aayad ku jirta Suurat Al-Baqara.Aayadan waxa uu Ilaahay ku yidhi:

“Waxay ku waydiin Khamriga iyo Khamaarka.Waxaad dhahdaa waxa ku sugan dhexdooda dambi wayn iyo wax nacfiu ah dadka.Dambigooda ayaana ka wayn nacfigooda.Waxayna ku waydiin waxay bixinayaan.Waxaad dhahdaa (Bixiya) dheeraadka( saa’idka).Saasaanu Eebbe idiinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudan tihiin inaad fikirtaan. Suurat Al-Baqara Aayada 219.

Aayadan Ilaahay waxa uu ku sheegay in khamriga iyo qamaarku faaiido leeyihiin.Oo faa’iido noocee ah ayay leeyihiin Khamriga iyo Khamaarku (Gambling) ?.
Khamriga waxa laga helaa waxoogaa tamar ah marka la cabbo sida la sheego.Waayo waxa la yidhaahdaa waxa uu ka samaysan yahay cuntooyin Carbohydrate ah oo tamar laga helo, shidaal ahaana waa loo isticmaalaa hadda illaa 1973 waayo sanadkaas ayay Brazil shidaal ahaan u isticmaashay khamriga, mile ahaana waa loo isticmaalaa, cadaradana waa lagu daraa si uu u milo.Khamaarkana waxa lagu helaa hanti aan loo dhibtoon oo xaaraan ah.

Ilaahay waxa uu sheegay in khamrigu dheeftiisa iyo dhibtiisa ay badan tahay dhibtiisu.Khamriga dhibtiisa oo faahfaahsan waxaan soo qaadan doonaa marka aan dhamayno afarta aayadood ee ku soo dagay khamriga.

Aayadii saddexaad ee ku soo dagtay khamrigu waxa ay ahayd aayad ku jirta Suuratu An-Nisaa, oo uu Ilaahay ku yidhi:

“Kuwa xaqa rumeeyoow ha u dhawaanina salaada idinkoo sikhraansan.Illaa intaad ka garanaysaan waxaad dhahaysaan”Suuratu An-Nisaa.Aayada 43.

Aayadan Ilaahay waxa uu ku soo xadiday xilliyada ay bannaan tahay in khamriga la cabbaa.Eebbena waxa uu faray kuwa isaga rumeeyay in aanay salaada u dhawaan iyagoo sikhraansan.Shayga la diiday maaha in salaada la tukado ee waa in loo dhawaado gabigeedaba.Hadii shay ha u dhawaan la yidhaahdo iyo shay hadii ha samayn la yidhaahdo.Waxa micne ballaadhan ha u dhawaan hadii la yidhaahdo.

Hadii uu Alle diiday in salaada loo dhawaado iyadoo la sikhraansan yahay.Waxa ay noqonaysaa in aan khamriga la cabbin inta ay shanta salaadood taagan yihiin.Hadii 24kii saac, shan goor oo ka mid ah khamriga la xaaraantinimeeyay waxa yaraanaya fursadii cabitaan ee loo heli jiray.Waxaana laga yaabaaba in la iska daayo cabbistiisa inkasta oo aan wali si dhamaystiran aayadaasi u xaaraantinimayn khamriga.

Aayadihii u dambaysay ee uu Alle ku xaaraantinimeeyay khamrigu waxa weeye aayado ku jira Suuratu Al-Maa’ida.Aayadahaas waxa uu Alle ku yidhi:

“Kuwa xaqa rumeeyoow khamriga, khamaarka,sanamyada (taagan) iyo faalku waa uun xumaan (wasakh) camal shaydaan ah ee ka fogaada in aad liibaantaan (90).Wuxuu uun dooni shaydaan inuu idinku dhextuuro colnimo iyo is-nac khamrada iyo khamaarka idinkana celiyo xusida Alle iyo salaada ee ma ka joogeysaan?(Ka jooga).91.Suuratu Al-Maa’ida. Aayadaha 90-91.

Markii ay Aayadaasi soo dagtay saxaabadii Rasuulku waxa ay si dhago nugul u aqbaleen waxyiga uu Alle ku soo dajiyay.Su’aashaas uu Alle inna waydiiyay ee ah ma iska daynaysaan khamrigana?. Waxa ay kaga jawaabeen “Intahaynaa”.Oo ah Ilaahayoow waan iska daynayba.Khamrigii magaalada Madiina yaalayna waa la jajabiyay maalintaas.

La Soco Qaybta 4aad ee Mawduucan

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”
Hargeysa
0025224428604
saedmgahair@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: