WAXAY NOLOSHU I BARTAY !!!!!!!!!!!!!!!!!! QAYBTII 2 AAD QORAALKII C/FATAAX SH NUUX (DABSHID)

WAXAY NOLOSHU I BARTAY !!!!!!!!!!!!!!!!!! QAYBTII 2 AAD QORAALKII C/FATAAX SH NUUX (DABSHID)

Haddii aad maqaalkaygan akhridio waxaa boqolkiiba boqol hubaal ah in aad nooshahay. Haa nooshahay, nafi kugu jirto oo aanad weli dhiman. Waayo waa wax badan oo nolosha laga bartay sidaasi daraadeed aan hubo inay in badani idinku dhaceen.

Kama baran iskuulka oo kaliya ,jamacaduna may ahayn meesha kaliya ee aan wax walba ka bartay ee waxay ii kordhisay wixii aan sitay ee ahaa cilmi.

Sidoo kale waxaan wax badan oo noloshaa ka bartay guriga aabahay ilaahay cimrigiisa ha dheeree iyo hooyaday macaan ilahay ayaamo ha isku daayee.

Waxaan ogaaday in nolosha gabigeeduba tahay ayaamo sidaa daraadeed aan uga faa’ideeyo saaxiibadayda akhristayaasha ah ee aan aadka u jecalahay iyo qofkasta oo xiisaynaya mawduucan ah waxay noloshu I bartay.

waxay noloshu I bartay inaanan guursan dhawrkan haween midkoodna

* ha guursan ta cabashada badan ee saacad kasta cabata ama kuu tirisa sabab iyo sabab la’aan
* ha guursan ta’aan marna raali kaa noqon ee markasta u xiisoota kana sheekaysta khaladaad hore oo idin dhex maray oo la xaliyay iyo rag kale.
* ha guursan ta odaygeeda u mano sheegata ee tidhaahda sidaas iyo sidaas ayaan kuu sameeyay
* ha guursan ta waxkasta oo ay indhaheedu arkaan kugu kalifta in aad u iibiso
* ha guursan ta wakhtiga inteeda badan ku lumisa is qurxin oo kaliya
* ha guursan ta aan nafteeda nadiifin ee markasta lagu xanto basarida
* ha guursan ta hadalka badan ee shar iyo khayrba ku hadasha
* ha guursan ta’aan wax baran ee aan qori karayn xataa magaceeda
o waxaan ogaaday inaanad ka baqan cadawgayga ee aad ka baqdo ka ii nacamleeya sax iyo khaladba
o waxaanan ogaaday in aanan shay aanan u baahnayn aanan u iibsan wuu jabanyahay
o waxaan ogaaday inuu guulaysto midkasta oo ixtiraama dadka waayeelkaa kasbadana jacaylka caruuta,bulshadana u naxariista kuwooda taagta daran.
o waxaan ogaaday in hadii aad guul daraysato aanad dhaleecayn dadka kale ee aad naftaada uun dhaleecayso
o waxaan ogaaday in hadii aad guulaysato aad abaal mariso naftaada,hadii ay guuldaraysatana aad naftaada canaanato uun
o waxaan ogaaday in jacaylku yahay rooxaan,kaas oo qofkastaa ka hadlo laakin in yari ay aragtay jacaylkaba
o waxaan ogaaday in aad wax jeclaato oo aad ku guuldaraysataa aanay ceeb ahayn laakin ceebtu tahay inaad qofkaa la’aantii nolosha nacdo
o waxaan ogaaday in siyaasi kastaa yahay sida yay,oo uu ilkihiisa ku tusayo marka uu wax kaa doonayo adiga oo u malaynaya inuu kuu qoslayo,laakin markasta oo aad aamintaba uu ku qaniinilahaa.
o waxaan ogaaday in aduunku ku filanyahay baahida qof walba laakin aanu ku filnayn damaca qofkasta.
o Waxaan ogaaday in hadalkastaa amaan yahay inta uu afkaaga ku jiro laakin maalinta uu afkaaga ka baxo aanad adigu u arimin ee qofkastaa siduu doonayo u dhigto.
o Waxaan ogaaday in aad qof wanaagiisa barataa ay qaadato sanaddo ,halka ay saacado qaadato inaad qof xumaantiisa barataa.
o Waxaan ogaaday inuu dadka u nacasaysanyahay ka dadka xanta, ee xumaantooda sheegsheega tiisana ilaaway.
o Waxaan ogaday markasta oo aad asturto ceeb uu qof leeyahay inuu alle asturayo in badan oo ah ceebaha aad leedahay.
o Waxaan ogaaday in ay dadku u qaybsamaan laba qaybood, waa ka koowaade qayb wax qabata iyaga oo aan ka fikirin, iyo kuwa labaad oo ah qayb fikirta laakin aan iyagu wax qaban.
o Waxaan ogaaday in midkasta oo aan noloshiisa khalad samayne uu yahay mid aan waligii wax cusub isku dayin.
o Waxaan ogaaday inaynu ku noolnahay aduunyo aynu wakhtiga intiisa badan ku lumino maxaad isiinaysaa ,laakin aynu ilawanaynba maxaan kuu qabtaa ilaahay dartii.
o Waxaan ogaaday in xidhiidhkasta oo uu guulaystaa uu leeyahay astaamahan midkood, daacadnimo,dulqaad,samir,run,wax wada qaybsi,isu tanaasul,isa saamixid iyo is xasuusinta alle.
o waxaan ogaaday in kalmad kali ah oo iga dhacdaa ay ii horseedi karto naar, halka kalmad kali ah ay ii horseedi karto janada.markaa kalmad kasta oo gafa oo iga dhacda waa in aan ilaahay toobad waydiistaa.
o Waxaan ogaaday in khayrka oo loo dagdagaa ay ka mid tahay waxyaabaha aduunka ugu wanaagsan, waayo shaydaanku wuxuu ku tusayaa intaasoo wax oo aad u baahantahay.

Waxaan ogaaday inay dumarka u wanaagsanyihiin

o Gabadha ninkeeda khaladkiisa qarisa,wanaagiisana sheegta
o Gabadha ninkeedii furay,ubadkeediina si fiican u korisay
o Gabadh ku qanacsan quruxda qaybtay ka heshay aduunka
o Gabadh wax baratay oo caruurteeda iyo reerkeedaba uga faaidaysay
o Waxaan ogaaday in wadada guusha loo maro ay tahay adigoo garta qiimaha wakhtigu leeyahay
o Waxaan ogaaday

Hadii aad dadka cafidid adiga oo kara ,hadaad dadka wax siisid,waxna aadan ka sugin,hadaad amaanada iyo balanta dhawrto,hadaad shahwaadkaaga ka adkaato ,hadii aad rabitaankaaga iyo bakhaylnimada aad nafta ka ilaaliso,waxaa hubaal inaad tahay nin rag/dumara oo dhamaystiran waana calaamadaha qofka muminka ah.

v Waxaan ogaaday in laxwalba shilka ay is dhigto lagu qalo,qofkastaana uu noqdo wuxuu iska dhigo,bulshaduna ula dhaqanto.

v Waxaan ogaaday in qofkasta la garankaro markasta uu carabka kala qaado inuu yahay nacas iyo fariid,waayo ninka/gabadha raganimadiisu waxay ku aasantahay carabkiisa

v Waxaan ogaaday in dumarka wareeriyaan kaliya ninka doona inuu fahmo,ee ka daba shaqeeya.

v Waxaan ogaaday

Inaanad garankarin awooda dhabta ah ee qalbigaaga ilaa aad ku fashilanto jacayl.

Qoraalkii:C/fataah sh.nuux jaamac (Dabshid)

Email:Jumayka05@hotmail.com

Mobile: 00252-2-4474468

La soco qaybta 3aad………….?

Waxay nolosh I bartay???Q2aad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: