SHACBIGU MAAMUL DANEEYUU RABAA RIYAALOW!! By Amiid D.Caynashe

SHACBIGU MAAMUL DANEEYUU RABAA RIYAALOW!! By Amiid D.Caynashe
SHACBIGAY KU XIDHANTAY CIDAY DOONAYAAN

KU: Dhamaan Shacbi weynaha S/Land Ee Ku Dhaqan Gobolada ay ka koobantay JSL iyo Beelaha ku xeeran xuduud ka maamulka JSL ee danaha bulsho iyo Ehelba la wadaaga JSL.

KU: Dhamaan Aqoonyahanada, Indheer Garadka, Madax Dhaqameedyada, Ururrada Bulshada,hayadaha Sama Falka. Dhamaan Xoogaga Ciidamada Ee JSL Dhamaan Saraakiisha ACTIVE-ka ah iyo Kuwa aan ahayn ee Dhidibada xoogaga JSL

TALO

Aqoon yahanada qurba Joogta Somaaliland, Ee dunida dacaladeeda ku dhaqan waxan uga digayaan in aanay ka gaabsan maamulka JSL ee ay taladeeda hayaan Riyaale iyo Dawladiisu in ay abuuraan dhaxal xumaan iyo xasilooni daro sababta dib u dhac iyo talaabo aan loo baahnayn wakhtigan xaadirka ah Sababtana “dhirbaaxo Macangeg Sixid ah” oo ay bulshadu ku talaabsato kuna badbaadiso danaheeda mustaqbal iyo qoomiyadeedba oo dhibteeda leh iyana.Laguna hubiyo ku dhaqanka dimurqaadiyada, Sugida garsoor ka doorasho xalaala oo waafaqsan mudadeeda dastuuriga ah ee aynu u wada codaynay.

URURRKII SNM iyo Shacbi Weynaha JSL ayaa mudan Sharafta ixtiraamka iyo qadarinta suurto galinta nidaamka dawladnimo ee maanta nin ka dhan ahaa iyo mid la dhan ahaaba ka simay saamiga wadaninimo ee ruux ku ab tirsado, Suurtana galiyey in danbiilayaal iyo umula duuxba hadhso yidhi dhididkii iyo dhaxalkii SNM u dhigtay mushtamaceeda ay uguna badheedheen dumintii xoogagii kaligii taliska S.Bare ee quwadaha kale ku adeeganayey kuna baabiiyey kumanaan shacbigiisii ahaa. Ragii kale ee ka danbeeyey ee maatida is huran hubka isugu dhiibay iyo wali kuwa dibinta cunaya ee riman suurto galinta is dilka iyo nac abuurka bulsha weynta Somaaliland.

WAXAA AAN UGU BAAQAYAA NIDAAM CADLI AH RIYAALE IYO DAWLADIISA

1). In ay qabtaan mudadii doorashada la sugayey waa tan mudada labaade qabashadeeda iyo dhaqan gelinta balamaha qoomiyadeed(qaran). Oo ah mid ku dheer mushtamacan JSL oo dhalin yaro iyo wayeel dhamaan halyeeyadii dhaliyey nabada iyo xasiiloonida maanta mushtamacu hadhsanayo, Mid xil haya iyo mid aan haynba ay sugayaan habka doorashooyinka cadliga ah iyo koboca qoomiyada oo aan ahayn wax cidina si fudud ugu tagri fali karto yididiilo xumina u muujin karin umada.(dib u eega tariikhda halgamayaashii SNM ee dhaliyey nidaamkan dawladeed ee aydun ka saruuro goyn weydeen oo ahaa qaar xanbaarsan taariikh aad ka dheegato dimurqaadiyad maamul adeegsado ama mushtamac ku dhaqmo xaqiiqada ku tiirsani. Runtii maaha in maanta ay cidi ka caydo TV-yada

2). Waxaan si cad uga digayaa in aanu isku dayin maamulka Riyaale iyo Wasiiradiisa wakhti boobka ahi ee mudadoodi maamul dhamaatay. In ay ku talaabsadaan ama is ku dayaan dhaqangelin caqliyadii buktay ee maamulkii Siad Bare ee ay xilka u hayeen mudadii uu jiray qaar ka mida wasiiradan doobta ridayaa. Wasiirada aan la gaban ku faanka cayda iyo cabudhinta xilka shacbigu u igmaday In ay ka digtoonaadan ku biyo batalaqsiga xilka umada ee u baahan in aydun ku kordhisaan dhaxal maamul oo ubadkiinu in uun xal ka dheegtaan.

3). In aanay bulshada balwad uga dhigin aayo darida iyo been caadaysiga hafarka salka ku haya ee waxaan la qaban ama la qabandoonin loogu lagimayo umada naawil dugsiga ah ee ay TV-yada ay sida gaarka uga tabiyaan ugna asal caayaan halyeeyadii suurto geliyey in cidi xil u dhiibato ama la aamino lagana tirtiro liiskii danbiilayaasha case-ka ibni aadan nimo darada ahaa ee bulshadu ku xukuntay.

TV-ga qaranku maaha in uu bulshada u afduubo shakhsi iyo laba rabitaankooda.In ay joojiyaan qalad fahansiinta muwaadin u baahan tababar xirfadeed oo uu u adeegsado nolosha iyo duruufaha ku gadaaman.Waxa haboon in mushtamaca JSL ay ku bedashaan TV-ga Qaranka wax kale oo dan u ah wakhtiga ay dawadaan mar hadaan wax dan u ah looga soo tabinaynin burburintooda mooyee iyo jaho habaabintooda mooyee. Waxay dhacdooyinkaasi idiin cadaynayaan in dawlada qaladkeedu ahaa mid soo jiray mudo dheer oon cidi odhan horta yaa doorta dawlada, Yaa quudiya,Yaa difaaha. Yay xukumaan se.

4).In aanay si ibni aadanimo daro ah ay Riyaale iyo dawladiisu ugu tagrifalin hantida qaran ee ka dhexaysa umada.Waa in ay dib u soo ceshaan wixii misaaniyad ahaa ee hore ay uga been sheegeen wasaarada maaliyada iyo Riyaale Dawladiisu ee ay u isticmaaleen koorihii qabiilka loo tumayey ee aynaan arag meel ay raad la raacoo fa’iido leh dhigeen, Gurmadadii iyo gurxanadii Qabiilka ee ilaa Adam soo taxnaa lama sheegi karo dhaxal ay dhigtay oo cidi ku faanto.

Waa in ay soo ceshaan mushaharka tirada ciidanka ee beenta ah ee ay jeebka ku shubtaan maamulka Dawlada Riyaale (caaglayaasha),Si loogu hawl geliyo muwaadin dhaba heegana u ah difaaca qaranka iyo u adeega mushtamaciisa. Cidii masuulka ka ahaydna arintaa la mariyaa ciqaabtii dheeli tiraysay sharciga uu jabiyey.

5).In la joojiyaa haweenka iy raga lagu magacaabayo Ururrada bulsho een hore u jirin loona adeegsanayo in ay maamulka Riyaale iyo wasiiradiisu ku hantaan Vote-ka umada marlaabaad iyagoon dhibta iyo dheeftooda aanay fahmin, Dadweynaahaas shirka loogu qabanayo guriga madax tooyada ee loogu qaybinayo lacagta. Lacagtaasi oo aan ahayn wax waafaqsan nidaamka dastuurka iyo sharciyada toona ahayn. Dalku ma laha nidaam qomiyada ku dhaqan u kala saaraya lab iyo dedig in food loogaga ololeeyo iyagoo laga fa’iidaysanayo baahidooda laana marayo xidhiidh qaldan oon waafaqsanayn Diinteena suuban, Bulshada waxaan ku baraarujinayaa in ay ka digtoonaadan Xaaraanta lagaga iibsanayo mustaqbalka caruurtooda iyo taariikhdooda,iyo horumarka dalkooda.

BULSHOOY BARAARUG

1).Xeebta JSL ee mushtamacii ku dhaqnaa ka qatanyey ilaa mudadii ILaahay ku abuurray dheega xeebtaas, Waxay u baahan yiin dawlad cadliya oo danaynaysa mushtamaca una furta xidhiidh iyo xirfad ay kaga adeegtaan khayraadka jiifa ee ay u baahanyiin mushtamaca JSL. Waxa ayaan daro ah in si badheedha iyo si qarsoodiya uu Riyaale iyo wasiiradisu ay qoomiyado kale shirkadahooda uga iibiyaan khayraadkii mushtamacoodu u baahnaayeen, Dollar-ka ka soo hoydaana maaha mid ay cidi aragto ama ogtay.

Tiraba 4 markab oo talyaani iyo indooniisiya ah ayaa ciidamada bada ee soomilland qeybyar oo ka midi u ilaaliyaan si ay u dabar gooyaan kaluunka iyo khayraadka kale ee umadoodu ka qatantay. Waxaan ku baraarujinayaa in ruux wal oo muwaadina xil ka saaran yey xafidaada khayraadka bariga iyo badaba si loo taabo geliyo qoomiyad nimadeeda iyo dadnimadeenaba. Waa in la helaa Ururro bulsho oo bada iyo beriga ilaaliyaa lagana saaraa ajaanibka faraha nacab kula jira biyaheena.Waxa aad ogaataan bulshoy in askariga qoriga sida aad adigu mushaharka siiso isna uu fahmaa taa amarna aad siin kartaan.

2).Bulsho waxay ku faantaa ama ay ku dhisantay waa da’a yarteeda xoogeeda beri, Ma jiraa waalid og maanta waxa uu ubadkay ku tabcayeen badaha naftooda ugu biimaynayaan, yaa se ka masuula sababta da’a yartu iyadoon indho dilaacsan ay dalkoodii sidii jeelka uga daadanayaan,yaase ka masuula bulshadan laf-dhabarteedi xoolaha ee ay ku dhisnayd curyaantay.Waxa ka masuula maamulkan weli damaca maamul ku jiree maydka toobinka ku haysa,Hadii aan laga foodin way kugu foognaan ilaa inta aad aad sidii Tiir Xar galay daadanayso.

GUNAANED

Waxaan mushtamaca ka rajaynayaa in ay danta mushtamaca iyo taariikhdoodaba ay qiimeeyaan iyagoo wax qabadkooda salka u saaraya xaqiiqada nololeed ee bulshadu u baahantay Illahayna raali ka yey. iyadoon laga fiirsanayo lagana fogaanayo ciriqa qabiil ee bulshoweynta jaho habaabiya kana lumiya wax wada qabsigoodii guud iyo sidii ay u dhisan lahaayeen dalkooda.

Waxaa aan ku baraarujinayaa in ay fahmaan danta qaran in ay ka horayso danta qabiil ee had iyo goor garoomada cusub ay u xaadhaan danaystayaasha siyaasiyiinta sida qaldan u fahansan hogaaminta umada ee xilkii loo dhiibtay ugu tagri fala sidii hanti uu leeyey.Waxaad ogaataan in dawladu ku dhisanto rabitaankiina shillinkiina iyo tayada qoomiyadeed eed leediin.

Amiin Daahir
Columbus,Ohio

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: