DIMUQRAA-DIYADU MAAHA SIDAAD DOONTO U HADAL !!!

DIMUQRAA-DIYADU MAAHA SIDAAD DOONTO U HADAL !!!

Dadku waxay khalad ka fahmeen erayo shishee-yaha inaga soo galay oo micna-hooda aynu xaga kale kaga nimi kuwaas oo ay ka mid yihiin waxa loo yaqaan DIMUQRAA-DIYAD, XORIYATUL-QAWL, waxa aynu u hay-sanaa sidaad doonto u soco, waxaad rabtid samee, hadalka haw midaan yeelin, waxba kaama xaaran-sana ee wixii ku soo dhaca maskax-daada ku dhaqaaq oo wax aad xeerisaa yaanay jirin ee jaantaa rogan, xishood, anshax iyo wax aad xormaysaa yaanay hadhin, haddii lagu yidhaaho ka daa-na aad odha-nayso waxad tahay keligii-talis, haw fahmin in aan dad gaar ah qiil u samay-naayo, ee waxa ay tahay arintu inaka oo ku wareer-nay wax dhega-heena kaga yimaada qaarado kale oo aynan isku diin, dad, dhaqan, caado iyo hab-nololeed-ba aynu ku kala duwan nahay oo aad u kala fog shuqula aan isku lahayn, dabeed-na aynu wax walba kaga nimi dhanka guraca ah oo aan isku walaaq-nay laba hab oo aan meela iska shabihin oo weli-ba is qaadan karin oo is diidan, isna dhex geli karin oo mid-kood dabar go’aayo haddii la is yidhaaho isu keena.

Waxan noqonay markaas DACAWADDII TALAABA-DEEDDII KA TAGAY, TII NEBIGA-NA GAADHI WAYDAY ka dib-na isu qaada-tay in ay wax u kordheen, laakiin-se ku dambaysay in ay labaddii hab mid-na u shaqayn waayey ee carab-keeda dib u qaniintay, isku-na qooma-maysay markii ay quud-satay qaabkii ay ku kortay ee wax aanay garanayn isticmaal-kiisa, sida uu udhisan yahay, dhibaatoo-yinka uu la iman doono, iyo xeerarka lagu dhaqo mid-na aan fahan-sanayn, ee isku qaaday tidhi-na MIDHO DARAY DUUDUUB BAA LAGU LIQAA, dabeed xamaa-latay, kuna dambaysay in ay kala kulanto MASKAX-FERED ay waali ku sigato, wixii ay taqaanay oo ay ka faantay, dariiqii ay martay oo u shaqayn waayey, xaal-keeddii ahaa wax koradhsi oo soo baxay wax aan maanka geli karin iyo LUQ-MATO XAJAR aan marayn cunaha.

Waxan taa uga socdaa sida ragga u halga-maaya kursigu ay uga hule-leen anshaxii uu la haa xishood,is-qadarintii, mudnaan-tii madaxi lahaan jirtay-na ay dhabar-kooda ka tuureen, cay, yooyoo-tan, af-lagaado iimaanka iskaga qaadeen, wixii xumaa mooday wanaag iyo in wax lagu helo, taas oo ay eray-ba-eraygii ka xumaa ay dorana-yaan, uugaabin ay ku guubaabi-nayaan siddii ay kicin la haayeen umada reer somaliland, waxad arkaysaa iyada oo mid-ba-midka kale ku sheegaayo wuxu abaabu-layaa dagaal, qas, qulqu-lad, xasarad uu ku eeday-naayo taageera-yaasha ka soo hor jeeda, nebed gelyo la’aan ba xusbi hebel abuurayaa, been iyo balaayo aan jirin oo la mala-awaalaayo, dadka rayidka ah oo laga dilaayo kalsoo-nida, degenaan-shaha oo laga luminaayo, baqdin iyo werwer loo sawiraayo, oo la yuusaaya, haddii uu xusbi hebel u foodaan ma jiri doonto somaliland ee anaka noo food si aanay u dhicin waxa kor ku xusani, waxa intaas ka sii daran maalin walba waxad maqalay-saa beel heblaayo qurba joogeedda baa shiray oo ka baxay XUSBI XX oo galay XUSBI YY oo been ah, ee uu nin inta uu kumbiyuu-tarka hor fadhiis-tay ku qoray intii uu ka gara-naayey beesha uu sheegto kaga noolayd wadanka uu kolkaas joogo isaga oo ku andacoo-naaya shir baanu isugu nimi,iyo kuwii uu iska qortay oo maalinta ka dambaysa ku leh beenaale weeye ee maanaan joogin shir jiray-na maanu ogayn oo qolo-ba- qolo ay cambaa-raynayso kana dhigayso wax aan jirin, hadaba wax-yaabaha caynkaas ahi waa kuwa laga fahmay khaladka ee ay u fasi-sheen waxa ay ku shaagaan DIMUQRAA-DIYAD, laakiin sida ay socto ah CEEBEEY TACAAL iyo fool-xumo aan loo kala aabo -yeelin oo la xalaal-saday wixii la isku caayi jiray.

*N.B. DHIDAR XABAALO QODAA QUDHUN BUU UGA DHAADHA-CAA.
waa abdirahman jama ahmed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: