BUUXI MEELAHA BANAAN QABYO WALI WAY JIRTAA OO WAXAYNU NAHAY WADAN AAN WALI LA AQOONSAN

BUUXI MEELAHA BANAAN QABYO WALI WAY JIRTAA OO WAXAYNU NAHAY WADAN AAN WALI LA AQOONSAN

Buuxi meelaa banaan qabyo way jirtaa oo waxaynu nahay wadan aan wali la aqoonsan.
By: Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamuud Ahmed Fartaag.

Waxaynu nahay wadan aan wali la aqoonsan
oo soo maray dagaalo kala duwan iyo qaxootiyo
sida dagaaladii ina dhex maray keli taliye maxamed
siyaad bare halgankii qadhaadhaa ee loo huray
naf iyo maalba qaxoontiyadii dulcad iyo daroor
ee baabiiyay dadkeena iyo dhibaatadii loo maray
xorriyada somaliland jiritaankeeda marlabaad waxa
dib u dhac inagu keenay dagaaladii sokeeye iyo
jabhadii kala daadsanaa.

waxa dalka lagu maamulayay axdi qarameedkii Bali gubadle iyo xukuumadii lagu soo dhisay boorame hadaba waxaasoo dhib ah waxa lagu soo dhaafay dadaal.wadatashi.wadajir iyo walaalnimo waxaana loo gudbay dawlad qaran oo ka shaqaysa dalkoo dhan kana talisa waxa laga baxay nidaamkii ku dhisnaa beelaha waxaa la sameeyay dastuur loo codeeyay %90 Haa
waxa dalka laga aasaasay axsaab qaran oo lix ah oo ku kala
hadhay doorashooyinkii dawladaha hoose sadex ayaa soo baxay
halka sadexdii kalena ay hadheen waxaana dalka ka qabsoomay
sadex doorasho dawladaha hoose madaxtooyada iyo baarlamaanka
oo ku bilaabmay nabadgelyo kuna dhamaaday nabadgelyo
ragii la doortay ayaa maanta dalka maamula marwalba waxbaa dhiman
ama qabyaa jirta ee buuxi meelaha banaan
waa in wixii hadhsan loo kacaa sidii loo qaban lahaa
ama loo hirgelin lahaa lana buuxiyaa hadba kaalinta banaan
haday tahay xag dhaqaale xag waxbarasho xag caafimaad
iyo xag biyo soo saarkaba oo ah nolosha koobaad
qof kasta oo reer somaliland ah madax iyo shacaba
xilbaa saaran horumarka dalka iyo nabadgelyada
in la dhawro taageero bay laba gacmood
tamar ku yeeshaan
haloo samro dawladnimada hada qaangaadhay
halbaa la sugaa inta sadkeedu galaayo
oo la raacaa laga ilaaliyaa waraabaha
oo baadida laga jiraa macdalaa wadan dhan
waar dalka ha la jiro iyo dadkaba
caruur caano u ooyaysa ayaa la
aamusiin kari waayey
ma siyaasiyiin kuraas u ooyaysa
la aamusin karayaa .
kuwaana waxan leeyahay waar
dadka iyo dalkaba sidaa ka daaya
mustaqbalka ha kaga ciyaarinaay
hada waa la idin bartee
buuqa naga daaya
dadweynaha reer somaliland
waxaan leeyahay
ninkii seexdaa sicii dibi dhalay
barbarkay ka baxdaa waa
bakayle galeen.
qaranimadiina jiritaankiina
yaanuu mad madaw gelin
ee meel uga soo wada jeeda.
wa bilaahi tawfiiq

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: